Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 sidee ku ogaan kartaa cuntada laga keeno israaiil ee loo dhoofiyo caalamka islaamka

Go down 
2 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

sidee ku ogaan kartaa cuntada laga keeno israaiil ee loo dhoofiyo caalamka islaamka Empty
PostSubject: sidee ku ogaan kartaa cuntada laga keeno israaiil ee loo dhoofiyo caalamka islaamka   sidee ku ogaan kartaa cuntada laga keeno israaiil ee loo dhoofiyo caalamka islaamka EmptyMon Aug 30, 2010 10:05 pm

Ramadaan wanaagsan dhamaantiin, qalinka waxa aan u qaaday in walalahayga Somaaliyeed aan u iftiimiyo.

Qaabka iyo hanaanka loo ogaado dhamaan wax soo saarka ka yimaada wadamada horuumaray gaara ahaan qalabka ka yimaada Israel ee loo dhoofiyo dunnida Islaamka. oo maalmaha farxadaha ah uga faa'iidaysta in ay dhaqaale ka helaan ummada Islamka.
Wadamada Islaamka ayaa lagu daadguraynayaa cunooyin (cuntooyin) badan oo ka imanaya dhulka beeralyda falastiininyiint ah ee ay Israel haysato gaar ahaan daanta wabiga Jordan, cuntooyinka oo u badan liinta iyo saytuunka yaa lagu soo dhoofiyay sanduuqyo, kartooma iyo baco lagu qoray in wadamo kalle ay sameeyeen , hadii an tusaale u soo qadano Dariiqada aad ku ogaan karto Cunnada ( Cuntada) laga keeno Israel ee loo dhoofiyo caalamka Islaamka ? oo lagu keenay kartoomo ay ku qorantahay Made In South Africa iyo wadamo kale oo badan, faaf-faafinteduna ay tahay sidan
Cadadka kartoonkiiba : 5kilo
Qimmaha 1 kilo €;13
Jumlada Kartoonka €40
lakabkayada 5.4 /12
Hadaba sidee lagu gartaa shay ama qalab la keenay wadan kalle ?
Wadan kasta waxa uu leeyahay Code lagu garto wax soo saarkiisa, si fiican u fiiri shay marka aad soo gadato waxa uu leeyahay liiman mad-madoow oo oo ay tiro ku hoos qorantahay, waxaa la oo yaqanaa Xaradh am seerarka (baracode) kaas oo u kala baxa labo qaybood. oo midna loo isticmaalo dariiqada wax soo saarka ( proc-Production) midna loo isticmalo habka Maamulka iyo qaybinta
( supplies and management) waxayna u sii kala baxayaan labo qaybood :
-ka kowaad waxa uu leeyahay Xariijo taxane ah oo madoow
-ka labaadna wax uu leeyahay liiman cad-cad oo balaadhan oo is bar-bar socda ( aan-isku dhajisnayn )waxaana loo sii kal saaraya saddex qaybood oo kala ah :-
1. Bracode 2 / 5 : wuxuu qeexaa , Baaketgaraynta, shayga lagu qaadayo ( al-waaxa, Containerka) , iyo Warqadaha ( gudaha iyo dibeda)
2. Baracode 3 / 9 : wuxuu qeexaa Numberka Wadanka, Nooca, Kayda , Qiimaha, Qaybinta, Qaybta iyo khasnada.
3. EAN / UPC: wuxuu qeexaa isku dhafka guud Maacuunta iyo Qalabka Qulqula dariiqyada ganacsiga ee caalamka horuumaray.
Laakiin inta badan waxa ay isticmaalan Wadamada Europe Seerarka (barcodes)3/9 oo ah ka ugu firfircoon ee ugu caamsan xoogaana yara fudud iyo labadan nooc ee EAN iyo UPC oo ah kuwa ugu fudud EAN (European Articel Number) ,UPC ( Universal Product Code), labadani inta badan waa ay isku dhowyihiin laakiin EAN wuxuu xaqiijiyaa Lumberka wadanka. xusuusnoow sidoo kale EAN13
Inta ka dib Baracodka madoow ee ku qoran shayga aad soo gadatay waxaa ku hoos qoran tiro lumbaro ah kuwaas oo qeexaya macluumaadka guud shayganani uu ka koobanyahay sida magaca shayga, lambarka wadanka, qaybinta, kaydka
qiimaha iwm.
Tusaale : waxa aan soo gatay cream waxaan fiiriyay Lamberka ku hoos qoran seerarka madoow ee ( Baracode) oo ah sidan. 50 1225 1006811, hadaba Creamkii ayaad soo gadatay ,hadii aad dhib kala kulanto sideed ku ogaanaysaa wadanka sameeyay ama hadii aad rabto in aad iibsan alaab la keenay wadamo gaara ....?
50 12251 00681 1
50 labada Lamber ee ugu horeeya waa wadanka (Country Number)
12251 :waa qaybinta ( Delivery Number)
00681: waa Lamberka alaabta (Articel number)
1:ugu dambeeya waa Lamberka xakameenya koodka ( Conrtol number )
Halkaa waa kaga cadaatay oo aad ogaatay in creamkan laga keenay UK .
Hadii aad raad raacdo Lamberkaas tusaalaha aynu u soo qaadanay wuxuu leeyahay masalooyin iyo raad raaca oo muujinaya raadka alaabta halka laga keenay waxayna qeexaan lambarada ku hoos qoran Seerarka ( Baracode ),maalintii , saacadii iyo kooxdii ( shift) shaqada lahayd ee soo saartay.waana dariiqa qaybta caafimaadka dadwaynuhu ( public Health ) ay ku ogaadaan cunto ama shay lagu marka lagu xanuunsado, waxa kale oo ay xakamaysa ka hortaga wax soo saarka been abuurka ee dhibaatooyin caafimaad iyo mid deegaanba u keeni kara muwaadiniinta tashaday ee ogolaaday in loo taliyo ee dalkooda iyo dadkooda jecel.
Wadan kasta wax uu leeyahay Lumbar wax soo saar, sidaa darteed waxaa la cadeeyay in timirtan lagu soo qorey Made in South Africa ee magaceeda la yidhaaahdo Medjool laga keenay Israel ka dib markii lagu arkay Lumbarkooda wax soo saar, kaas oo ah 729 .
By:
Omar suleiman omar (Tita)
Back to top Go down
Salman_Maadow
Maamulka
Maamulka
Salman_Maadow


Mawduucyadaada : 11
ka Qeeb Qaadashaadaada : 25
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 17/08/2010

sidee ku ogaan kartaa cuntada laga keeno israaiil ee loo dhoofiyo caalamka islaamka Empty
PostSubject: Re: sidee ku ogaan kartaa cuntada laga keeno israaiil ee loo dhoofiyo caalamka islaamka   sidee ku ogaan kartaa cuntada laga keeno israaiil ee loo dhoofiyo caalamka islaamka EmptySun Sep 05, 2010 7:26 am

maaa shaa alaah waa maqaal muhiim ah
Back to top Go down
 
sidee ku ogaan kartaa cuntada laga keeno israaiil ee loo dhoofiyo caalamka islaamka
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» sidee ku ogaan kartaa gabadha sida dhabta ah kuu jecel ?!!!
» webkii ugu horeeyay ee laga sameeyo caalamka
» sidee loo joogteyn karaa jaceylka....!!
» website aa kabaran karto luqadaha caalamka
» Mala ogaan karaa ninka inuu yahay Bikro?

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: