Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeFAQSearchRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

Share | 
 

 sidee ku ogaan kartaa gabadha sida dhabta ah kuu jecel ?!!!

View previous topic View next topic Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow


Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
29
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

PostSubject: sidee ku ogaan kartaa gabadha sida dhabta ah kuu jecel ?!!!   Mon Sep 13, 2010 8:27 pm

Ciid wanaagsan
Run ahaantii jacaylku waa tartan qarsoon oo ogaanshihiisu ay wakhti qaadato, mana fududa marka u horaysa in la dareemo gabadh ku jecel sida ay u fududahay in aad dareento waxyaabaha kale, Had iyo jeer dadka uu jacaylku la soo darso rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee si daacad ah ugama run sheegaan, ku dhiirashada inay si badheedh leh ugu soo bandhigaan jacaylka ay u hayaan qofka sida dhabta ah ay jeclaadeen, waxaanay inta badan la soo dersa dareen baqdin iyo cabsi leh, iyaga oo ka cabsi qaba haddii ay u soo bandhigaan shaqsiga ay jecel yihiin in lagu gacmo saydho oo ay la kulmayaan waji gabax.
Waxaanad niyaddada ku haysaa in qofka sida dhabta ah jacaylku qaba aanu sinaba kuugu soo bandhigi karin ragga iyo dumar kuu doonaba ha ahaadee waayo maahmaah english ah ayaa tidhaahda “True Lover Don’t Say Love Each Other,But They Know They Do” oo ay macnaheedu tahay labada qof ee sida dhabta ah sku jeceli lagamaba yaabo inuu ku yidhaado waan ku jecelahay midba midka kale balse wey ogyihiin waxaa ka dhexeeya waxanay isku dareensiiyaan waa ficilo aad ka garan karto qofka sida dhabta ah kuu jecel (actions).
Sidaa awgeed haddii aanu sii ogayn qofka wax jeceli jawaabta uu kala kulmi doono qofka uu jeclyahay, marka uu jacaylkiisa u sheegan waayo ayaa waxaa ay ku kaliftaa qofkaasi amaba sabab u ah in qofkaasi uu qarsado jacaylkiisa taas oo khataro caafimaad oo nafsaani ah ku keenta qofka wax jecel.
Waxa jira dad uu ka xoog bato dareenka qiirada leh ee jacayku oo si fududna looga fahmi karo rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee. Si kastaba ha ahaatee waxa jira dhaqamo iyo caadooyin badan oo u diidaya gabadha ceebna ku ah in ay si fudud ugu soo bandhigto wiilka ay jeceshahay jacaylkeeda iyo waxyaabaha ka dhabta ah ee ay ku dooratay amaba dareenkeeda nafahaaneed.
Waxa kale oo jira dhaqamo iyo caadooyin u fasaxaya gabadha in ay ku dhiirato sidii ay ugu soo bandhigi lahayd, Tusaale ahaan gabdhaha ku nool qurbaha oo kale ceeb kuma ah in ay tidhaahdo “Hebeloow waan ku jecelahay”. Sidaa daraadeed ragga way ku adagtahay in ay ogaadaana gabadha aadka u jecel, maxaa yeelay dumarku uma qirtaan jacaylku sida uu yahay, xitaa haddii uu ka dhab yahay. Sidaa awgeed waxa jira waxyaabo badan oo uu ninku si fudud uga fahmi karo gabadha aadka u jecel waxeyna kala yihiin qodobadaasi.
Isagoo ninku isbarbar dhig ku sameeya oo qiimeeyna ku sameeya hab dhaqanka ay gabadhu dadka ula dhaqanto iyo sida ay adiga kugula dhaqanto. Haddii aad gabadha ka dareento in ay ku siinayso tixgelin ka badan ta ay dadka kale siiso gabadhaasi way ku jeceshahay ee sidaasi ku ogow. Dumarka qaar ayaa aad uga werwera badbaadada qofka ay jecel yihiin, sidaa daraadeed haddii gabadhu ay aad xil isaga saarto in ay ogaato halka aad joogto iyo waxa aad ku sugan tahay iyada oo ku waydiinaysa dad xog ogaal kuu ah, gabadhaasi way ku jeceshahay.
Haddii gabadha ku jecel aad ku aragto hinaase waxa lagu sifeeyaa aragtida noocaasi ah in ay ku jeceshahay, maxaa yeelay hinaasaha laftiisu waxaa uu qayb laxaad leh ka qaadtaa jacaylka dhabta ah ee ay hayso haweeneydaasi. Gabadha ku jecel ee aan kuu soo bandhigin jacaylkeeda waxa ku abuurma dareen baqdin leh, waxaanay had iyo jeer ka werwertaa in ay waydo ninka ay jeceshahay oo uu raaco gabadh kale oo aan iyada ahayn. Hadaba haddii aad ka dareento gabadha aad wada sheekeysataan amaba walaltinimo idinka dhexeyso hadii aad ku aragto astaamahan waxa lagaaga baahan yahay in aanad lumin jaaniskaasi oo aanad dayacin jacaylkeeda ee aad ka faa’iidaysato fursada qaaliga ah. Astaamahan aad aragtay Run ahaantii waxa aad si fudud u soo jiidan kartaa una ogaan kartaa, kasban kartaana qalbiga gabadha ku jecel.
Adgoo Isku daya marka aad si dhab ah oo aan dheel-dheeli ku jirin aad u hubiso qodobadan in aad si talaabo talaabo ah ula kulantid ulana haasawdid, una soo jiidatid gabadha ku jecel.Ogow haddii aad ka xishootid haasaawahan hufan oo aad yeelan waydo isku kalsoonida dhexdiina taala ayaa meesha ka baxaysa.
By:
Omar Suleiman omar (Tita)
Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

PostSubject: Re: sidee ku ogaan kartaa gabadha sida dhabta ah kuu jecel ?!!!   Sun Oct 03, 2010 9:51 pm

WAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAW Shocked Rolling Eyes



Shabaakda Maadow


إنما يخشى الله من عباده العلماء
Back to top Go down
 
sidee ku ogaan kartaa gabadha sida dhabta ah kuu jecel ?!!!
View previous topic View next topic Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: