Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Ruux Gooynta Shacabka bisha Ramadaan Miyaa Rajo Dowladnimo

Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Ruux Gooynta Shacabka bisha Ramadaan Miyaa Rajo Dowladnimo Empty
PostSubject: Ruux Gooynta Shacabka bisha Ramadaan Miyaa Rajo Dowladnimo   Ruux Gooynta Shacabka bisha Ramadaan Miyaa Rajo Dowladnimo EmptySat Aug 28, 2010 8:47 pm

Waxaa caado ii ahayd inaan subixii markaan indhaha kala qaado ee aan salaada subax
tukado isuna diyaarinayo inaan shaqada ku jarmaado inta aanan guriga ka bixin aan
indhaha sii mariyo jwax ka soo cusboonaayday ama xaalada nabadgelyo iyo isbedel ee
ka soo korodhay
Dhulkaygii iyo waxaa ku dhacay dadkaygii iyo saacadahaan hurday .
Markaasaan waxaan arkaa waxaa la qarxiyay dad waxaa barakay shacab badan waxaa yaala
isbitaalada dhaawac iyo dhimasho badan waxaa la afduubay maraakiib iyo hay, adaha
samafalka waxaa madfac ku fadhiistay qoys iska dhan oo aan qofna ka bixin waxaa
socanayaa dagaalkii xalay bilowday iyaga oo laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa
kala duwan koox hebel oo koox hebel isku garaba iyo jameeca hebla oo jameeco hebli
kaalmaynayso, waa arin naxdin leh fajac leh
Amkaag leh, naxdin waa beryo joogta waa habaar ku dhacay oo u gaara umada
soomaaliyeed Waxaan markiiba is waydiiyaa ma dadkaygaan insi ahayn ma dalkaygaan
dalalka aduunka ka nasiibdaran oo qayb u helay dagaalkan aan dhamaadka lahayn?
Ma umaddan soomaaliyeed ayaanba nabad loogu talo galinbaa , waa su,aalo aan
iswaydiiyo
Waxaan isku qanciyaa way dhamaanaysaa dhakhso , amerikaba marbay ahayd wadanka
aduunka ugu amaanka daran oo dhaca iyo boobka dilka iyo kusfigu caadi ka ahaa waxaa
la soo maray casri ay yurubta maanta aduunka ugu amaanka badan is dilaysay waxaa
ka dhacay dagaalo sokeeye dalalka carabeed casri jaahiligii waa tii is dhamaysay
ee ay qabaa,ilka isugu duuli jireen
Afrika waa tii xasuuqyadii caanka ahaa ka dhaceen ee ay xabada isku aslaaxisay
maanta gebigood wadamada aan soo sheegay waa wada nabad.
Way imanaysaa maalintaad sugaysay soomaaliya oo dowladeedu ka baxday meelku gaadh
iyo gacanta qowlastada iyo qaran bi,iska iyadoo shacabku codkiisa dhiibto, madaxdu
shacabka dhex lugayso, ardaydu raxanraxan u socoto tareemo iyo basas iyo diyaarado
iyo gaadiidka dadwaynuhu is dhexqaadayo iyada oo aan lays waydiin qolamaa tahay ee
lays waydiiyo xagaad degantahay iyo magacaa oo kaliya
Inkastoo ayaamahan ay indhahayga iyo dhagayguba daaleen dhibkii aanan isku arkay
dabeecad cusub oo muujinaysaa quusta iyo rajada xumada aniga oo websityada ka
warwareega idaacadahana ka dhuunta televisionada kala booda kanalka si aanan u
arkin wax naxdin leh
Balse ma samaynayso isbedel arintaasi oo waa waxaan lays moogaysiin karin.
Waxaan been ahayn in qof walba oo muwaadinimo soomaaliyeed ku jiro hamigiigus ku
riyoodoo
Dadkii oo heshiiyay dalkii oo nabada iyo dowlad laysku raacay oo aan wax diidan lahayn
Dagaalkii oo dhamaaday iyo dunida oo aan sharafteena dib ugula soo noqonay.
Waxaa la yidhi waxa laga faano ayaa rag ku faanaa , waxaan dhawr jeer la kulmay
umado ajnabiya
Markay ku waydiiyaan wadankeedbaad ka timid ee aad ugu jawaabto soomaaliya
Isla markaas ayuu waxuu ogaanaayaa inaadan , wadanka ganacsi u joogin waxbarasho u
joogin
Dalxiis u joogin caafimaad u joogin ee aad qaxoonti tahay waxuuna kuula hadlayaa si
miskiinimo isaga oo laba kelmadood kugu odhanayaa wadanka pirateka saw maaha
televisionkaan ka arkay iyo wadanka argagixada qabstay dhawaan saw maaha wali
dalkaaga dhibkii iyo dagaaladii maka socdaa , intaas marka laysu kaa dabo dhigo
ayaad xishoonaysa , ciishoonaysaa oo murugoonaysaa
Waayo ma jiro hal shay oo wanaagsan oo lagugu sheegay, waxaa jaraa,idada caalamka
lagu qoraa muqdisho caasimada ugu halista badan aduunka meesha aduunka ugu xun
meesha ugu amaanka daran
Bal eega soomaaliyeey maxaynu dhaana ugaadha midba midka uu ka xooga waynyahay cuno.

Nin gurigiisii gubanaayo oo guri kaleeto dhisaaya waa soomaali
Nin gurigiisa shisheeye usoo kaxaysta oo dhaha ila gub keligay ma gubi karee waa
soomaali
Nin dalkiisa ka jecel dal ajaanib uu ku yahay kuna faana waa soomaali
Nin aan ogayn dalkiisa nimcadiisa kala yaqaan wax soo saarka dowladaha caalamka iyo
ilaha dhaqaale waa soomaali .
Bulshada soomaaliyeed waxaa ku dhacay nasiib daro, waxaa ku habsatay masiibo loo
tirinayo inay sababteeda leeyihiin waxaana ilaa hada ka sii muuqata rajo xumo,
waxaan yaabaa markaan arko nin masuul sheeganayaa oo la ogyahay meesha uu ku
dagaalamayo iyo cida uu la dagaalamayo iyo ujeedada dagaalkiisa oo lagu leeyahay
labada kooxoodba waxay kala sheegtay guulo qolona wax horumar ah kama samayn
dagaalkii saaka ama xalay.
Horumarku dagaalku waa in dhul nabada la gaadhsiiyaa dagaalka dad degana la qixiyaa
Dad noolna la dilaa dhul dhisana la dumiyaa bal umadyahay ila eegaa kaasi ma
horumarbaa mise waa dib u dhac.
Waxaa n wada ogsoonahay bisha barakaysan ee Ramadaan in aysan qolona ixtiraamin
waxaan wada ogsoonahay ilaa hada inaysan qolana diyaar u ahayn iyaga oo shacabka u
danaynayaa quban ee roobka qoraxda , haraadka , gaajada, cudurka daashadeen dartood
inay ku tanaasulaan kana tagaan meesha si qolada kale haday waydo mucaarad nabad loo
helo oo maamulkooda ama ha xumaado ama ha samaadee uu u ahaado hal maamul oo aan
lahayn mucaarad.
Waxaan cadaana Ruux gooynta shacabka soomaaliyeed in rag rajo dowladeed ku sugayaan
Kuwo kale ruux gooynta iyo rafaadinta umada Raxmad iyo naxariis iyo rasaamaaal
aakhiro ku sugayaan. Waa reer ba, ayoow yaa ku leh meeshay soomaalidu ka odhan
jirtay
Waxaan ku soo afjarayaa qoraalkaygan .tixdan gaaban
Ruuxii aad rubad gooysay
Raaskiisiina ka saartay
Raqdiisiina cuntay
Hadaad raaxo aduunyo
Rajadii madaxeediyo
Rasaamaal ku sugayso
Saw rafaad horleh maaha?
Ruuxii aad rubad gooysay
Rugtiisiina ka saartay
Reerkiisiina dhamaysay
Hadii raxmad eebe
Iyo rasamaalka janaadiyo
Risiq aad ku sugayso
Saw rafaad hor leh maaha
Umadyahay raxanraadka
Iyo rafaadka aduunyo
Rarankeeda ku joogta
Ninba uu raxan raacay
U rixinayso naftiisu
Rabigeena ka yaaboo
Ramadaanka dartiis
Rabshadaha naga jooja
Umadyahay la rogaayee
Rajadeeda dhamaatee
Risiqeeda aduunyo
Rasaastuun ka daydaa
Madaafiicda rig leh
Rabigiina ka yaaboo
Ramadaanka dartiis
Rabshadaha naga jooja

by:
omar suleiman omar (Tita)
Back to top Go down
 
Ruux Gooynta Shacabka bisha Ramadaan Miyaa Rajo Dowladnimo
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» fadliga bisha ramadaan
» muxaadaro magaceeda tahay:-warbixin shacabka soomaaliyeed uu soo jeedinaayo sheekh boqolsoon
» Sidee ugu diyaar gorownaa Bisha Rmamdan?
» Wanaaga 6 Maalmood oo Kamid ah Bisha Shawaal oo La Soomo
» RAMADAAN KARIIM

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: