Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''

Go down 
2 posters
AuthorMessage
maanka
shabakada maadow
shabakada maadow
maanka


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 81
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010

QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''   Empty
PostSubject: QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''    QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''   EmptyThu Aug 26, 2010 4:42 am

بسم الله الرحمن الرحيم
Salaada taraawiixda


Fadliga salaada taraawiixda
Sidaan ogsoonahay bisha ramadaan waxaa ka mid ah shicaa'irteeda tukashada salaada taraawiixda, waana salaad sunno ah oo la tukado salaadda cisha gadaasheed, waxaana loo tukadaa labo-labo rakco, nabigana (NNKH) wuxuu xadisi saxiix ah ku sheegay: ”Qofkii tukada ramadaan asagoo rumeysan oo xisaabsanaya Alaah aktiisa (ajirkeeda) waa loo dambidhaafaa (dambiyada yar yar, kuwa kabaairta waa in la toobadkeenaa).” (Bukhari & Muslim)
Waxaa Sunno ah salaadaan in lagu tukado jamaaco sida soo aroortay in uu nabiga (NNKH) tujiyey saxaabada dhoor habeen kadibna iska daayey cabsi uu ka cabsanyey in lagu waajibyeelo ummadiisa. Markii la gaarey khilaafadii Cumar bin Khadab(RC) wuxuu arkay dadka oo koox koox u kala tukanaya Salaada taraawiixda, kadib ayuu ku fakaray inuu dadka iskugu keeno hal imaam oo ay jamaaco ahaan uwada tukadaan, sabtoo ah waxaa meesha ka baxaday baqdintii uu Nabiga kabaqayay in ummadda lagu waajibyeelo Salaada Taraawiixda kadib markii uu WAXYIGU istaagay geeridii Nabiga(NNKH) kadib.
Sidaas ayuu Amiirkii Mu’miniinta Cumar bin Khadaab (RC) kusoo nooleeyay Sunnadii tukashada salaada TARAAWIIXDA Jamaaco ahaan.

Maxaa lagu aqriyaa salaadaan?
Maku soo aroorin salaadaan quraan gaar oo la akhriyo. Salafka wey ku dheereen jireen quraan akhriska, ilaa qaar kamid ah gaarsiin jireen wax u dhow salaada subax, laakin sida fiican waa in lagu tukadaa salaadan inta ay awoodaan dadka latukanaya Imaamka.

Waxaa haboon in bisha ramadaan hal mar ugu yaraan lagu dhameeyo quraanka kariimka.

Meeqo rakaco ayey ka koobantahay salaada taraawiixda?
1-Culumada way isku khilaafeen inta rakco ay ka koobantahay salaadaan.
Culumada qaar waxey leeyihiin waa(11-rakco) 8-rakco iyo 3- racko oo witri ah,waxayna u soo daliishadeen xadiiskii caaisha (RDH) oo ahaa:- ''Nabiga (SCW) Kama uusan siyaadin jirin 11-rakco ha ahaato ramadaan ama yaysan ahaan''.
2-Culumada qaarkoodna waxey qabaab in ey tahay 20-rakco iyo 3-racko oo witri ah,waxeyna u soo daliishadeen ficilkii Saxaabada –Radiya Alaahu canhum-

Xilligii khilaafadii Amiirul mu'miniina Cumar iyo khilaafadii Cuthmaan.

3-Culiumada sida ay ubadanyihiin waxey isku dayeen in ay isku keenaan labadaan rayi oo waxey dhaheen waxaa SUNNO ah in la tukado 11-racko, qofkii ka badiyana 11-rakco wax dhib ah kuma jiraan oo waa ay banaantahay in latukado inkabadan 11-rakco.
Sikastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah inuu qofka muslimka ah e sooman uu ku dadaalo sidii uu utukan lahaa Salaada Taraawiixda inta uu awoodo, lakiin hadduu awoodo inuu la dhamaysto salaada imaamka taas ay fadli badantahay, sidii uu kuyiri Nabigeena (SCW) xadiis saxiix ah:''qofkii la tukada imaamka ilaa uu ka salaamo noqsado waxaa loo qoraa ajarka qiyaamka habeenka oo dhan''.

Alaah ayaan ka baryayna inuu naga dhigo kuwii laga aqbalo soonkooda iyo qiyaamkooda, alaahna uu naga dhigo kuwii laga xoreeyo naarta bishaan barakaysan ee ramadaan.aamiin aamiin



Wasala Allaahu calaa nabiyinaa muxamad waca aalihi wasaxbihi wasalam.
wasalamu alaikum warahmatu Allaahi wabarakaatuh.

Waxaa qoray:
C/caziiz Ahmad
E-mail: cabdicaziizaxmed@hotmail.com

____________________

Codsi:-
Fadlan walaal khayrkan usii gudbi walaalahaaga Muslimiinta inta aad taqaano
Allaah ajar hakaasiiyee..jazakamu Allaahu Khayraa

Goloha Ducaada Soomaaliyed

daaciga@hotmail.com
Back to top Go down
Admin
Maamule Ku Xigeen
Maamule Ku Xigeen
Admin


Mawduucyadaada : 77
ka Qeeb Qaadashaadaada : 155
Mahadcelin : 2
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010

QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''   Empty
PostSubject: Re: QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''    QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''   EmptySat Aug 28, 2010 4:34 am

alaah qeer aa ku siiyo walaal
Back to top Go down
 
QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (ICTIKAAFKA)"6"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5''
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Soonka)"3"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2"

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta axaadithta nabiga nabadgalyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaato-
Jump to: