Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2"

Go down 
2 posters
AuthorMessage
maanka
shabakada maadow
shabakada maadow
maanka


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 81
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010

QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2" Empty
PostSubject: QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2"   QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2" EmptySun Aug 22, 2010 8:02 pm

بسم الله الرحمن الرحيم
WAXYAABAHA SOONKA BURIYA (JEBIYA) INTA SUGAN OO LAYSKU RAACSANYAHAY


Qof kasta oo muslim ah waxaa waajib ku ah in uu ogaado WAXYAABAHA SOONKA BURIYA si uu isaga ilaaliyo. Waxyaabaha Soonka buriya waa kuwan:

(1) IN LALA YIMAADO QOWL AMA FAL GAALNIMO AH ~ (murtadnimo) Alle (S.W.) baynu ka magan galnaye. Qofkii Islaamka ka baxa waxaa buraya oo baaba’aya dhammaan camalladiisii uu horay u sameeyay iyo camalka uu markaas ku dhex jiro, waxaana u daliil ah Qowlkii Ilaahay (S.W.) “Oo dhabtii waxaa laguu waxyooday adiga (Muxammadow S.C.W.) Sidii loogu waxyooday kuwii (Rusushii Alle) ee kaa horreeyayba; haddii aad u shariig yeesho (yacni la wadaajiso) cid kale cibaadada Alle (S.W.) (markaa) hubaashii (dhammaan) camalladaadu waxay ahaan doonaan wax aan waxba ku ool, oo waxaad kamid ahaan doontaa khasaarayaasha” Az-Zumar, aayadda 65.

(2) JIMAAC (GALMADA): Ninka sooman haddii uu u galmoodo afadiisa si bareer ah (si bareer ah micnaheedu waxaa weeye isaga oo aan hilmaansanayn, ama si kama’ ah aan u sameyn, ama aan lagu qasbin) soonkiisu waa burayaa. Qofkii soonkiisu ku buro galmo waxaa korkiisa ah qalayn (gudid) iyo kafaaro wada jira, waxaana u daliil ah:

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa u yimid Nebiga (S.C.W.) (Ninkaas waa Salma bin Sakhar Al-Bayaadi) oo yiri: Waan hoogay Rasuul Alloow! Wuxuu yiri: Maxaa ku hoojiyey? Wuxuu yiri: Waxaan la galmooday afadeyda iyadoo maalin Ramadaan ah. Wuxuu markaas weydiiyey: Ma heli kartaa waxaad addoon ku xorayso? Wuxuu yiri: Maya; wuxuu yiri: Haddaba ma soomi kartaa laba bilood oo xiriir ah? Wuxuu yiri: Maya; Wuxuu yiri: Marka ma quudin kartaa lixdan (60) miskiin? Wuxuu yiri: Maya; markaasuu fariistay! Markaasaa Nabiga (S.C.W.) waxaa loo keenay dambiil (ay ku jirto soddon madaal oo) timir ah, oo yiri: Sadaqeyso, ninkii wuxuu yiri! Oo ma waxaa weeye inaan siiyo cid naga saboolsan? (Madiina) labadeeda shiil madow dhexdooda qoys iga baahi badani ma deggana, markaasuu Nabigu (S.C.W.) muusooday oo miciyihiisiina muuqdeen. Dabadeedna yiri: “Orod oo reerkaaga u gee“. W.W. As-Sabca (Todobadii) warintana waa tii Muslim.

Qofka sooman haddii uu u galmoodo afadiisa waxaa ku waajib ah afar (4) arrimood:
(1) In uu san waxba cunin ama cabbin maalinta inta ka harsan (af-haysasho).
(2) In uu Ilaahay (S.W.) uu u towbad keeno, maxaa yeelay wuxuu galay dembi aad u weyn.
(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
(4) In uu kafaaro bixiyo: KAFAARADUNA waa in uu addoon xoreeyo, haddii uusan heleyn, in uu 2 bilood oo isku xigta soomo, haddii uu awoodi waayana, in uu lixdan (60) miskiin quudiyo (intaas oo dhan haddii uu awoodi waayo oo uu sidaas ku dhinto kafaaradii waa ka dheceysaa).
_____________________

(3) CUNID ama CABBID BAREER AH (oo si u kas ah loo sameeyay): Waxaa u daliil ah Qowlkii Ilaahey (S.W.) “….Cuna oo cabba ilaa liilanka (dunta) cad (iftiinka fajarka salaadda subax) idinkaga caddaado liilanka madow (mugdiga habeenka), dabadeedna kaamila soonka ilaa gabbal dhaca……). Al-Baqarah, aayadda 187.
Aayaddaan waxay caddeyneysaa in cunnidda iyo cabbidda ay soonka jebiyaan, waxaana arrintaan lagu gaar yeelay qofka u sameeya si bareer ah (ula kac). Qofku haddii uu wax cuno ama cabbo isaga oo hilmaansan ama uu si kama’ ah u sameeyay, ama lagu qasbay soonkiisu waa u jiraa oo kama burayo. Waxaana u daliil ah Xadiiska soo socda:
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: “Qofkii is illaawa isaga oo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhamaystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay“. (Macnaha risiq Ilaahey (S.W.) siiyay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi – Laysku raac).

Sidoo kale Nabigu (S.C.W) wuxuu yiri: “Illaahay waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay“.
F.G. Qof muslim ah haddii uu arko qof sooman oo wax cunaya waa in uu baraarujiyaa oo xusuusiyaa in uu sooman yahay. Arrintaasna waxay ka mid tahay “wanaaga (macruuf), samafalka iyo Alle ka cabsiga oo lays faro iyo Munkarka oo layska reebo.

Qofka haddii uu si kas ah wax u cuno ama wax u cabbo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:
(1) In uu soomo maalinta inta ka harsan (imsaak ~ af-haysto).
(2) In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ah ayuu galay.
(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
_______________

(4) IS-MATAJINTA: Qofka sooman haddii uu matag iskii isaga keeno (yacni farta ama wax kale afka iska geliya, ama uu ursoodo wax uu ku matagi jiray) soonkiisu waa burayaa. Waxaana u daliil ah:
Abuu Hureyra (A.K.R) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii uu soo dhaafo matag (isagoo sooman) qalle laguma laha, qofkii is matajiyaase qalle baa korkiisa ah” W.W. Al-Khamsa.

Qofka haddii uu si kas ah isu-matajiyo waxaa ku waajib ah saddex (3) arrimood:
(1) In uu soomo maalinta inta ka harsan (imsaak ~ af-haysto).
(2) In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ah ayuu galay.
(3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda.
___________________

(5) DHIIGGA CAADADA IYO UMMUSHA (DHALMADA): Haweeneyda sooman haddii ay caadadii hesho soonkeedii waa burrayaa, xataa haddii ay maalintii ka dhiman yihiin daqiiqado yar, waa in ay afurtaa oo dib kasoo qalaysaa maalintii (ama maalmihii) ka tegay. Haweenka caadada qaba waxaa ka xaaraan ah in ay soomaan; haddii haweeney aan daahir ahayn (oo caadadii qabta) ay soonto soonkeedu ma ansaxayo, dhiigga dhalmadana waa la mid. Laakiin haddii ay isku aragto calaamadihii ay ku tiqiin in uu yimaado dhiigga caadada laakiin dhiiggii uusan farjigeeda kasoo bixin, soonkeedu waa saxiix waayoo dhiiggu inta uu caloosha ku jiro xukun malaha, marka uu banaanka u soo baxo oo ay isku aragto ayaa la xukumayaa.

(6) NIYADDA OO LAGU BURRIYO: Qofka sooman haddii uu qalbiga ka niyeysto in uu soonka furro, soonkiisu waa burayaa, waayoo niyaddu waa saldhigga camalka qofka Muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso.
Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn Al-khaddaab (A.K.R.) in uu yiri waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: “Camalka waxaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa…….“.

(7) CIRBADAHA NAFAQO SIDEENKA AH (Faleebo, iwm.) Qofka sooman haddii uu si bareer ah u isticmaalo cirbadaha nafaqada ee xiddidka laga qaato, cirbadahaas oo booxin kara kaalintii cunnidda ama cabidda, oo qofka ka bi’iya gaajada (baahida) ama oonka, soonkiisu waa burayaa. Qaybaha kale ee cirbadaha-daawada oo aan lahayn nafaqo baahida baabi’isa soonka ma jebiyaan.

(8)IN AY IBTA FARJIGA BIYO KAAGA YIMAADAAN SI IKHTIYAARKAAGA AH: Soonku waa ku buraa haddii qofku manidiisa ku soo saaro taabasho, dhunkasho ama gacan (iyo wixii la mid ah). Laakiin haddii ay manidu iskeed u soo baxdo oo qofku uusan sabab u ahayn soo bixiddeeda, ama isaga oo hurda ay kasoo baxdo wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix.

Caa’sha (A.K.R.) waxay tiri: Rauulkii Alle (S.C.W.) wuu i dhunkan jiray isagoo soomman, wuxuuna laabta i saari jiray isagoo sooman, laakiin wuxuu ahaa midka keliya ee idinku jira ee u hanan og (ka adag) naftiisa (yacni iska qaban kara inuu u hunguriyoodo galmo). Laysku Raac ~ Muttafaqun Caleyhi.
F.G. Qofka sooman waxaa la doonayaa in uusan ku xeel-dheeraan luqluqashada ama sandaarsiga marka uu weeseysanayo waayoo waxaa laga yaabaa in ay biyo ku cararaan.

Laqiid bin Sabira (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: “U weeseyso si dhan oo waafi ah (kaamil), oo nadiifi salka farahaaga halka ay laba farood ku kulmaan adigoo ku masaxaya faraha soo jeedkooda ah (is-dhexgelin), aadna u sandaarso, laakiinse haddii aad sooman tahay markaa iska jir sandaarsiga aadka ah (si aysan wax biyaha ka mid ah uga gelin calooshaada xagga sanka)”. W.W. Abuu Daa’uud iyo Tirmidi oo yiri waa xasan ah oo saxiix ah.

Qofka sooman waa in uu iska ilaaliyaa beenta, xanta isku diridda dadka, dhaqanka xun iwm. Culimada qaar, waxa ay qabaan in ay beenta, xanta, isku diridda, dhaqanka xun iwm. ay soonka jebiyaan. Culimada qaarna waxay qabaan in aysan soonka jebin balse ay ajarka soonka nuqsaamiyaan. Si kastaba ha ahaatee, qof kasta oo muslim ah waa in uu ku sifoobo dhaqan wanaagsan iyo muslinnimo khaalis ah, si soonkiisu u noqdo mid miro dhal ah.

WAXYAABAHA AAN SOONKA BURIN

Waxaa jira waxyaabo badan oo aan soonka jebin balse dad badan oo aan cilmi u lahayn ay rumeysan yihiin in ay soonka jebeyaan; waxyaabaas aan soonka burrin waxaa ka mid ah:

(1) Dhamaan WAXYAABAHA SOONKA BURRIYA (JEBIYA) oo aan kor ku soo xusay haddii ay dhacaan ama la sameeyo ayadoo la hilmaansanyahay (NISYAAN) ama gef ku dhacay (KHADA’), ama jaahilnimo u geysay (JAHLI) ama lagu qasbay (IKRAAH) soonka waxba uma dhimayaan.

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: “Qofkii is illaawa isagoo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhameystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay“. (Macnaha risiq Ilaahey siiyay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi – Laysku raac).
Sidoo kale Nabigu wuxuu yiri: “Illaahey waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay“

(2) Qofka haddii uu isku janaabo ama isaga iyo haweeneydiisu ay wada cayaaraan habeenka Ramadaanka ee uu waagu ku baryo iyagoon weli qubaysan soonkoodu waa u jiraa (yacni maalintaas waa soomi karaan, haddii ay habeennimaddii niyeysteen in ay soomayaan maalintaas). Waxaa daran in ay wax galmo ah sameeyaan kadib markuu waagu baryo.
Caa’isha (A.K.R.) iyo Ummu Salama (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Mar kasta oo Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isagoo aan daahir ahayn (yacni la galmoodo xaas ka mid ah xaasaskiisa iyadoo aysan aheyn riyo habeenkii ku biyo bax) waxuu (S.C.W.) la imaan jiray qubeys oo soomi jirey. Bukhaari iyo Muslim

SIDOO KALE
Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: “haddii Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isaga oo la galmooday Xaas ka mid ah xaasaskiisa, wuu qubeysan jiray sida caadiga ah“. Bukhaari iyo Muslim
(3) Dadka qaarkood waxay ka cabsadaan in ay subkadaan ama ay kareem is mariyaan, ama in ay barafuunka la isku buufiyo ama bakhuurka la is mariyo ama fooxa la shito ay isticmaalaan. Waxaas oo dhan soonka ma jebiyaan.
(4) Qofka haddii sankiisu dhiig ka yimaado (san-goror) ama uu ilig iska rido ee sidaas dhiig uga yimaado, wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix waxaase laga rabaa in uu san liqin ee iska tufo.
(5) Toobinka – Toobinka markii hore wuxuu kamid ahaa waxyaabaha soonka burriya laakiin dib ayaa laga nasakhay. Nabiguna (S.C.W.) waxuu is toobay isagoo sooman. Sidoo kale toobinka waxaa la mid ah oo aan soonka burin dhiigga yar oo miikariskoobka lagu eego oo sheybaarradu ka qaadaan dadka.

Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii u horeysay oo toobidda qofka soomman loo diiday waxay ahayd markii uu Jacfar bin Abii Daalib (A.K.R.) is toobay isagoo sooman, oo Nabigu (S.C.W.) soo maray oo yiri: “Labadaaniba waxay buriyeen soonkoodii.” Wixii markaas ka dambeeyayna Nabigu (S.C.W.) wuu u fasaxay inuu is toobo qof kasta oo sooman, Anasna wuxuu is toobi jiray isaga oo sooman. W.W. Ad-Daaraqudni oo sheegay inuu yahay Qawi. Xadiiskuna waa saxiix.

(6) Xuqna : suufka daawada leh ama sumboosto farjiga ama dabada la iska geliyo.
(7) Taqdiir : goojo dhegaha ama sanka lagu dhibciyo.
(8)Indha kuusha indhaha la marsado.
(9) tisxi duulaya, boor, barafka cirka ka da’a oo dhuunta ku carara (gala).
(10) Cunto dhadhamin, waxaase shardi ah in aan cuntada la liqin, ama aysan gaarin “xarafka X meesha uu kasoo boxo”.
(11) cadayashada : rumeysashada iyo luqluqashada.
(12) biyo is marmarin (isku qaboojin) ama maro la qooyay oo la is mar mariyo.
(13) In dhegaha la dhukaydo ama ciddiyaha la iska jaro, ama ilkaha oo la iska bix-bixiyo.

Gebagebadii, qoraalkan waxaan kusoo xirayaa nasteexo caam ah oo aan u gudbinayo dhammaan muslimiinta iyo nafteydaba, waxaana leeyahay aan ka faa’iideysanno fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan. Lama oga in ay nasoo mari doonto bil kale oo Ramadaan; haddaba, yaan laga dhoohnaan fadliga, ajarka iyo xasanaadka aan kasban karno haddii aan si dhab ah oo iimaan leh ugu soo jeesanno bishan barakaysan ee Ramadaan.
Wixii talo iyo turxaan bixin ah ee la xiriira qoraalkan waan soo dhaweynayaa.

Walaalkiin:
Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com




____________________

Codsi:-
Fadlan walaal khayrkan usii gudbi walaalahaaga Muslimiinta inta aad taqaano
Allaah ajar hakaasiiyee..jazakamu Allaahu Khayraa

Goloha Ducaada Soomaaliyed

daaciga@hotmail.com


Last edited by maanka on Thu Aug 26, 2010 5:04 am; edited 1 time in total
Back to top Go down
mujaahid123
shabakada maadow
shabakada maadow
mujaahid123


Mawduucyadaada : 58
ka Qeeb Qaadashaadaada : 123
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Halkaa joogto : muqdisho al ciz
Shaqadaada : xoreenta dalka

QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2" Empty
PostSubject: Re: QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2"   QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2" EmptyMon Aug 23, 2010 5:28 am

maa shaa laaah waa waxyaabo ay dad badan moogsanyihiin wlaal mahadsanid abuucumar
Back to top Go down
 
QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2"
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Soonka)"3"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (ICTIKAAFKA)"6"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Iska ilaali...!!!)''5''

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta axaadithta nabiga nabadgalyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaato-
Jump to: