Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila

Go down 
AuthorMessage
mujaahid123
shabakada maadow
shabakada maadow
mujaahid123


Mawduucyadaada : 58
ka Qeeb Qaadashaadaada : 123
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Halkaa joogto : muqdisho al ciz
Shaqadaada : xoreenta dalka

Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila  Empty
PostSubject: Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila    Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila  EmptyThu Oct 07, 2010 9:07 pm


بِسْمِ اللهِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِيْم
WAXYAABAHA BULSHADA AMA DADKA WALAALAHA AH KALA FOGEEYA, SABABNA U NOQDA IN DIINTA LAGU DHAQMI WAAYO OO LA HALAAGSAMO:
1. Daggalka, 2.Khilaafka, 3. Qabyaalada, 4. Is-xaqirida, 5. Is-ceebaynta, 6. Malaha, 7. Xanta, 8. Basaasnimada, 9. Naanneysta, 10. Is-dhaca, 11. Xaasidnimada, 12. Kaftanka Xun. Dhamaana Waa wax Allaah SWT uu Dadka ka xaaraantinimeeyey oo Reeban.
Bal aynu soo qaadano Diinta Islaamku waxay ka tidhi Qodobada aan kor ku xusnay:
Waxa halkan Allaah SWT uu ku xusayaa dadka muslimiinta ah hadii qaarkood khilaaf & xurguf iyo dhibaato ay dhexmarto sida loo dhamaynaayo. Markaas waa amuurta Ijtimaaciga ah ee Muslimiinta dhexdooda. Hadii qaar ka mida oo kuwan ayadahan soo socodaa kuway tirinayaan ka midyihiin aynu soo qaadano, waxaa kamida in uu Nabigu (S.C.W) uu diidaday in dadku kala tagaan, tusaale ahaan, laba qof baa wax isla yara seegaya oo afkay isku buurayaan dibna uma wada hadlayaan, taasna waa ladiiday oo waa wax reeban.
Waxaaba Rabbi uu ku sifeeyay dadka Muslimiinta ah inay isu dabac sanyihiin oo ay isjecelyihiin. Sida Rasuul keenii kasoo aroortay (SCW) maaha qofka Muslimka ahi inuu walaalkii saddex cisho wax kabadan u cadhaysnaado oo calool xumo u hayo, saddexdaas cisho hadii ay dhaafto waa inuu mid kood ka-kale salaama, hadii markaas isagu diido (kii lasalaamay) isagaa lawareegaya dambiga laakiin kan wax cafiyay sidaas buu ku xil baxayaa. Rasuulku SCW isagoo dadka Musliminta u sheegaya samaanta iyo wanaaga aad dadka dhex dooda ka samaysaa darajada ay leedahay wuxuu yidhi: “Waar maydin tusiyaa wax ka qiimo badan darajada lagu gaadhaayo Soonka, Salaada & Sakada markii ay haa yidhaah deena: Wuxuu ugu jawaabay: Waa umada dhexdooda oo la hagaajiyo”. Micnaha waa dadka muslimiinta ah qabaa’ilkooda, shakhsiyaadkooda & kooxohoodaba".
Dadka Muslimiinta ah ee xurguf ay dhex dooda martana wuxuu ku tilmaamay: waa tii xiiraysay (Al-xaaliqa) odhan maayo way xiirta laakiin diintay xiirtaa buu yidhi.
Dagaalka & Khilaafka
Ayadan wuxuu Rabbi SWT kula hadlayaa haday laba Qolo oo muslimiin ahi dagaalamaan Waxa layeelayo: Alle Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:
Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila  Xujraatayada9
“Haday Laba qolo oo Mu’miniinta ah dagaallamaan heshiisiiya dhex-dooda, Haday midu ku xadgudubto tan kale la dirira tan xadgudubtay intay amarka Alle uga noqoto (xaqa aqoonsato), Haday u noqotana si caddaalada ah u wanaajiya dhexdooda una Garsoora, Alle wuxuu jecelyahay kuwa garsoore”. (Al-Xujuraat:9)
Mu’miniintu waa Walaallo ee wanaajiya
Alle Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:
Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila  Xujraatayada10
“Mu’miniintu waa uun walaalo, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhowrsada, waxaad u dhawdihiin inuu idiin naxariiste". (Al-Xujuraat:10).
Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:
Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila  Almaa%27ida53
"Waa Dad u nugul Muuminiinta, ku ad-adag gaalada". ( Al-Ma'ida:53).
Yasida & Is ceebaynta waa layska Reebay
Allaah Subxaana Watacaala isagoo ka hadlaaya Qabiilka, is-xaqirida, is-ceebeynta iyo Naanneysaha layskugu yeedho wuxuu yiri:
Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila  Xujraatayada11
“Kuwa xaqa rumeeyow Qolana yeyna qolo yasin inay ka khayr badanyihiin baa laga yaabaaye, Ragna Rag (kale) yuuna yasin waxay u dhawdahay inuu kaa khayr badanyahaye, Haweenayna yayna Haweenay yasin waxay u dhawdahay inay ka khar badanyahaye, Hana ceebeynina Naftiina, Hana isugu dhawaaqina naanays xun, Waxaa xun magaca Faasiqnimda iimaan kadib, ciddaan towbad keeninna waa Daallimiin”. (Al-Xujuraat:11).
Malaha, Xanta & Basaasnimada Waa Xaaraan Waana Layska Reebay
Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila  Xujraatayada12
“Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada wax badan oo mala ah, maxaa yeelay malaha qaarkii waa dambi, hana is jaajuusina, qaarkiinna qaar yuusan xamanin, miyuu jecelyahay midkiina inuu cuno Hilibka walaalkii oo mayd ah, waad necebtihiin arintaa, Eebana ka dhawrsada waa toobad aqbale naxariiste”. (Al-Xujuraat:12)
Ilaahay SWT wuxuu Aayadan ku cadeeyay in Mala-awaalka, Isjaajuusida, Xanta iyo Isceebeynta intuba wax reeban oo Alle dadka ka madnuucay yihiin. Markaas waa in layska jiraa qofkii Alle ka baqayoow iska jir waa kaa xaaraane. Waxba kuu tarimayso Ruux walaalkaa ah oo aad xamato, ceebayso ama aad wax xun aad ku malaysid adigoon hubin, hadaad dayn waydana adiga uun bay hadhowto kugu soo noqon doontaa oo maan odhanin iyo waa laga been sheegay iyo nacnac iyo dhulkoo ku soo yaraada ayuun baad ku dambayn doontaa. Alle na wuxuu ku tilmaamay xanta adigoo walaalkaa hilibkiisa cunaaya oo kale. Runtii xantu wax sahlan maaha ee halayska jiro intii karaankiina ah. Allaahu Aclam.
Xadiis uu Abuu Hurayrah (A.K.R.) Warinaayo wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yidhi: Iska illaaliya malo awaalku waa wax been u weyne. (Bukhaari & Muslim).
Xadiis kale oo isna Abuu Hurayra (A.K.R.) Warinaayo wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yidhi: Qofka waxaa shar ugu filan inuu yaso walaalkiisa Muslimka ah. (Muslim).
Allaah Subxaana Watacaala isagoo la hadlaaya dadka wax xanta wuxuu yidhi:
Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila  Alhumazah1
“Waxaa hoog u sugnaaday mid kastoo Xan iyo Ceebeyn badan”. (Al-Humazah:1)
Qabiilka ayuu Alle Subxaanah Watacaala ka hadlayaa isagoo leh:
Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:
Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila  Xujraadayada13
“Dadow waxaan idinka abuurray lab iyo dhadig (Aadan & Xaawa), waxaana idinka yeelay shicibyo iyo qabiilooyin si aad isugu aqoonsataan, Ruuxase ugu sharafta badan Alle agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan”.(Al-Xujuraat:13)
Aayadan Qur'aanka wuxuu Alle ku cadeeyay oo yidhi waxaan idinka oo dhan idinka khalaqanay Aadaan iyo Xaawa (C.S), markaas kadib ayaan idinka dhignay shicibyo usii kala qaybsami doonta qabiilooyin, waxaan sidaas u yeelnay inaad is aqoon sataan oo qaraabadiina garataan oo is xidhiidhisaan oo qof walba qofka ehelkiisa ah uu xidhiidh gaara ku xidhiidhiyo. Rabbi ma dhinhin inaad dirirtaan, Rabbi ma dhihin inaad is-dhacdaan, Rabbi ma dhihin inaad wadan-wadan iskugu duushaan. Laakiin Rabbi SWT wuxuu yidhi inaad is aqoon sataan oo is xidhiidhi saan baan shacbiyo iyo qabiilooyin idiinka dhigay. kuligiina isku aabo iyo hooyo ayaad tihiin, qabiil laan dheere la yidhaahdo Alle ma sheegi Subxaana Watacaalaa. Qabiil meel gaara ka yimid oo aan dumarkiisu guursi galin na Alle SWT ma sheegin, Qabiil Midgo la yidhaah oo dadka kale ka hooseeyana Alle ma sheegin Subxaana Watacaala ee wuxuu yidhi kuligiin waxaad ka soo fircanteen Nin iyo Haweenay xagood.
Allaah SWT wuxuu yidhi dhamaantiin waxaad ka timaadeen Aadam & Xaawa (C.S), idinkuna Carruurtii Aadam ayaad tihiin. Aadamna carada ayaa laga Abuuray. Nabeguna (SCW) wuxuu yidhi Aadam waxaa laga abuuray Caradda aduunka oo dhan, caradda aduunkuna way kala midaba duwan tahay oo midi waa casaan, midi waa cadaan, midi waa madoowdahay, midina waa isku dhafan tahay. Sidaas awgeed ayuu ilma aadaamku uu mid nooc gaara u eegyahay oo midabada u kala duwanyahay. Markaas midabka iyo quruxdaba Ilaahay baa bixiya oo qofba in ka siiyay Rabbi baana sidaas ugu talagalay. Markaas waa in qof walba wuxuu Rabbi siiyay ku mahadiyaa. Qabyaalada, Is-xaqiirida iyo xumaanta oo dhana waa in layska joojiyaa cidii Alle ka baqaaysaa ee naxariista Rabbi rabtaa.
Xaasidnimada
Allaah SWT isaga oo la hadlaaya dadka wax xaasida een waxba u quudhin dadka kale wuxu yidhi:
Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila  Alnisaa53
Dadka ma waxay ku xasdaan nicmadda Alle ugu deeqay?. (An-Nisaa:53).
Xadiis uu Abuu Hurayra (A.K.R.) Warinaayo wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yidhi: Iska Jira xaasidnimada, maxaa yeelay xaasidnimadu waxay u cuntaa xasanaadka sida dabku u cuno xaabada. (abuu Daawuud).
Allaahu Aclam.
La soco Qaybaha dambe hadii Eebe idmo.
Back to top Go down
 
Qabyaalada:Waxyaabaha Bulshada Walaalaha ah kala dila
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» muxaadaro magaceeda tahay((qabyaalada))
» soomaaliya iyo saacadihii kala guurka
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN(WAXYAABAHA SOONKA BURIYA)"2"
» salaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaan walaalaha o idil
» isbarasho walaalaha dhan

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Gabayada iyo Murtida iyo Maahmahyada-
Jump to: