Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Sidee ugu diyaar gorownaa Bisha Rmamdan?

Go down 
2 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Sidee ugu diyaar gorownaa Bisha Rmamdan? Empty
PostSubject: Sidee ugu diyaar gorownaa Bisha Rmamdan?   Sidee ugu diyaar gorownaa Bisha Rmamdan? EmptyMon Jul 26, 2010 9:36 pm

Allaah ayaa mahadoodhan iskaleh Nabad galyo iyo Naxariis ha ahaato Suubanaheenna SCW
kadib
Waxaan jeclahay inaan walaalahayga kala qeyb qaato is xusuusinta hababka ugu wanaagsan ee aan kusoo dhaweyn karno bishaan barakeysan
Marka hore: Isdiyaarinta nafsaaniga iyo camaliga ama shaqada ee bishaan barakeysan:
 Ducada oo labadiyo inta uusan soogalin ramadaanka ducooyinka soo aroorayna waxaakamid ah :
A- (Allaahumma baarik lanaa fii rajab wa shacbaan wa ballignaa Ramadaan)
B- (Allaahumma sallimnii ilaa ramadaan wasallim lii ramadaan watasallamhu minnii mutaqabalan)
 Niyooyinka ay haboontahay in qofka uu sii nineysto intuusan imaanin ramadaanka:
Sida kusugan saxiixul muslim xadiithul qudsi ayuu allaah SXW kuleeyahay (Addoonkeyga hadii naftiisa uu ugu sheekeeyo inuu camal wanaagsan sameysto waxaan u qorayaa xasanah)
Niyooyinka larabo bishaan waxaakamid ah:
1- In qofka uu niyeysto inuu khatimo quraanka kariimka ah dhowr jeer.
2- In qofka uu niyeysto inuu allaah u towbad keeno asagoo katowbad keenayo dunuubtiisii oodhan.
3- Inuu niyeysto in bishan barakeysan ay unoqoto bishii uu kheyrka bilaabi lahaa siina wadi lahaa kheyrkaas waligiisba insha allaah.
4- Inuu qofka niyeysto inuu bishaan sameysto ajar aad iyo aad u fara badan waayo bishaan ajarka waa la laba jibaaraa.
5- Inuu qofka niyeysto inuu bishaan hagaajiyo akhlaaqdiisa iyo habdhaqankiisa uu dadka kula dhaqmaayo dhaqan wanaagsanna uu yeesho.
6- Inuu niyeysto inuu bishaan barakeysan ka shaqeeyo faafinta iyo fahamsiinta dadka diinteena islaamka ee qiimaha badan waayo bishaan waa bil ay dadka kheyrka usoo jeedaan jecel yihiinna.
Inuu niyeystaa inuu jadwal u sameysto cibaadada bishaan iyo daacadda allaah iskuna dayaa inuu jadwalkaas ku dhaqmaa
 Daalacashada iyo akhrinta kutubta iimaaniga ah: waxaana loola jeedaa in qofka uu akhriyo kutubta RAQAA'IQDA ama quluubta jilciso ee bishaan ugaarka ah si naftiisa ugu diyaar garowdo bishaan barakeysan caadifad iimaani ah oo wanaagsanna uu uhelo
• Aqri kitaabka (lataa if al macaarif) {babul wadaa if shahri ramadaan} natiijada waad arkeysaaye
• Soon wax kamid ah bisha shacbaan wuxuu kuugu noqonaayaa diyaar garow bisha ramadaane
• Walaal ka faa'iideyso fadaa'isha bishaan ramadaan iyo soonkeda: danbigaa lagu dhaafaa, naartaa la isaga xureeyaa, waxaa ku jirto habeenkii laylatul qadarka, oo malaa'ikta ay danbi dhaafka kuugu duceyneysay, ajarka ayaa la laalaabaa, waa bil naxariis ah waa bil la isu danbi dhaafo ka faa'iideyso qeybahaan oo dhan si naftaada aad usiiso nashaad iyo fir firconi
Dhageyso cajaladaha muxaadarooyinka ka hadlaayo bishaan
 Dhageyso Matalan hal cajal ama laba cajal kudhageyso guriga ama xitaa baabuurkaada waxad heleysaa natiijada insha allaah
 Aqri ama dhageyso aayadaha ramadaanka tafsiirkooda
 (Nala fadhiiso aan ramadaanka xasuusannee) waxaa kadhigataa cinwaan fadhi aad la qaadato dadka aad jeceshahay ee wanaaga aad ku taqaanno
 Isku day inaad u jarto qeyb kamid ah lacagta kusoo gasho bishaan oo aad ku fuliso mashaariicda bishaan sida:
 Sadaqada bisha ramadaan
 Inaad ku gado kutub risaalooyin iyo cajalado si aad ugu qeybiso lacag la'aan
 Inaad ka qeyb qaadato afurinta dadka baahan
 Inaad aado xaramka si aad usoo gudato cumro bishaan ramadaan haday suuro gal kuutahay
Waxaad barataa FIQIGA SOONKA (aadaabta iyo axkaamta) adigoo ka baranaayo masaajidda iyo maraakizta
Tag oo ka qeyb gal muxaadarooyinka nadwooyinka iyo duruusta ku saabsan bishaan ee la qabanaayo
Gurigaada u diyaari bishaan barakeeysan ilmaha iyo xaaska ( adiinkoo kawada hadlaayo sidee ugu diyaar garownaa bishaan barakeysan)
Gaba bao: waxaan allaah ka baryaa inuu nabad nagu gaarsiiyo bisha barakeysan ee ramadaan nagana dhigo kuwo kafaa’iideysta acmaal wanaagsanna sameysto laguna daro kuwa laga xureeyo naarta Allaahumma aamiin
Waxaan kusoo gaba gabeynayaa maqaalkan gaaban ee aan ugu talo galay inaan kagala qeyb qaato walaaladeey soodhaweynta bishan barakeysan waxaan allaah ka baryayaa wixii khalad ah ee ku jiro inuu iiga danbi dhaafo igana cafiyo
Walaaladeyda akhristayaasha ahna waxaan ka codsanayaa iney igasaxaan wixii khalad ah ama toosin ah waxaan shaki ku jirin inay adagtahay in lahelo wax wada saxan oo banii aadam sameeyay inuu allaah waafajiyo mooyee
Waxaan aad iyo aad ujeclahay inaan heli wixii talo iyo toosin ah anigoo isku dayi doono inaan kaga faa’iideysto qoraalada danbe insha allaah.
Asalaamu caleykum wr wb


by:
omar suleiman omar (Tita)
Back to top Go down
mujaahid123
shabakada maadow
shabakada maadow
mujaahid123


Mawduucyadaada : 58
ka Qeeb Qaadashaadaada : 123
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Halkaa joogto : muqdisho al ciz
Shaqadaada : xoreenta dalka

Sidee ugu diyaar gorownaa Bisha Rmamdan? Empty
PostSubject: Re: Sidee ugu diyaar gorownaa Bisha Rmamdan?   Sidee ugu diyaar gorownaa Bisha Rmamdan? EmptyTue Jul 27, 2010 8:54 pm

maashaa alaah wlaala waa maqaal zaaid u fiiaacan walaalhi mudane ina laga faadeesta jazaakalaahu kahayaaaraa wlaalal cumar
Back to top Go down
 
Sidee ugu diyaar gorownaa Bisha Rmamdan?
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» sidee loo joogteyn karaa jaceylka....!!
» fadliga bisha ramadaan
» sidee ku ogaan kartaa gabadha sida dhabta ah kuu jecel ?!!!
» Ruux Gooynta Shacabka bisha Ramadaan Miyaa Rajo Dowladnimo
» sidee laser wax loogu qalaa ??

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: