Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Walee Rag Jaceyl Baray (Sheeko Qosol iyo Xikmad leh).

Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Walee Rag Jaceyl Baray (Sheeko Qosol iyo Xikmad leh). Empty
PostSubject: Re: Walee Rag Jaceyl Baray (Sheeko Qosol iyo Xikmad leh).   Walee Rag Jaceyl Baray (Sheeko Qosol iyo Xikmad leh). EmptyMon May 31, 2010 8:48 pm

Walee Rag Jaceyl Baray (Sheeko Qoso iyo Xikmad leh).

Qarnigaan 21aad wax kasta wey hormareyn sida isgaarsiinta, aqoonta iyo tagnoolijiyada qeybaheeda kala duwan.

Waxaa sidoo kale hormarkaasi si fiican ula hana qaaday jaceylka u dhaxeeya labo qof oo isdooratay. Inkastoo jaceylka barashadiisa lookala hoorey.Hadaan Soomaali nahay jaceylka waagii hore qofba si ayuu u macneyn jiray walow raggu ay u yaqaaneyn jaceylka in uu yahay suuro ama kibir laguna yaqaanayey dhalinyarada hadba casrigaas cusub.

Laakiin dumarka wax un bey ka yaqaaneyn inkastoo xishood Alle u dhaliyey iyo usluub wanaag dhaqankeyna, ayaa u suurta galin weysay in ay soo bandhigaan.Hadaan u soo laabto ragga maanta jira ayaa jaceylka in badan wax ka fahmay marka loo barbardhigo raggii hore ee soomaalida,

hadaan tusaale ahaan u soo qaato raggii hore marka ay xaasaskooda u wacayaan midka ugu fiican ayaa waxuu ugu yeeri jiray magaceyda, inta kale waxay isticmaali jireyn magacyo aan fiicneyn sida naayaa ama sina weyneey iyo ereyo aan qofka loo yeeraayo qalbigiisa soo jeedaneyn,

laakiin waxaa dhaqankaas maanta badalay jiilka cusub oo marka ay xaasaskooda u wacayaan ugu yeera inta badan macaanto, gacaliso, indho u roon, nafta iyo ereyo badan oo aan qoraal lagu soo koobi karin oo qofka loogu Waco jecleysanaayo.

Intaas waxaa dheer, wax raggii hore ceeb u yaqaaneyn ayaa raggaan maanta cusub jaceyl u yaqaanaan, waxaana ka mid ah arinkaas in suuqa looga soo adeego iyo in hoosha guriga laga caawiyo xaaska,

arinkaasoo raggii hore ay ceeb weyn ka aheyd dhankooda. marka laga reebo in yar oo Alle wax fahansiiyey mooyee. Dhalinyarada maanta jirta hadaad dhageysato ayagoo la hadlaya xaasaskooda ama qof ay qorsheynayaan in ay guursadaan,
adiga oo jaceyl ku heyn ayaaba jaceyl ka qaadeysaa afkooda maxaa yeelay waxay isticmaalayaan erayba erayga uu ka naxariis badan yahay.

Dhalinyarada maanta cusub ayaa jaceylkooda inta badan guuleysto, kaalin lixaad leh-na ka qaatay hadiyooyinka kala duwan ee aalaaba u hadiyeeyaan xaasaskooda ama gacalisadooda taasoo keenta jaceyl fara badan sida rasuulkeyna Maxamed scw inoo sheegay asagoo dhahay “isku hadiyeeya aad is jeclaataane”.

Hadiyadaas ayaa wax kasta noqon karta sida fiyoore, dhar, mac-macaan ay gacalisadaada ay jaceshay ama wax walba oo qof binu’aadan ah qalbigiisa soo jeedan karaan.

Waxaa arin weyn oo lagu farxo ah in maanta ragga jira ay jaceylka aad ula anba qaadeyn, si wanaagsana u xushmeeyaan dumarka, marka gabdhaha maanta jira waxaa la gudboon in ay ka faa’deystaan fursadaan qaaliga ah oo ayagana dhinacooda ay jaceylka ka qabtaan maxaa yeelay horay ayaa waxaa loo yiri “ jaceyl aan lagula wadin waqtigaaga yuu lumin”,

sidaas darteed waxaan kula talinaa gabdhaha Somaaliyeed in aysan dhayicin fursadaan. Ugu dambeentiina sidoo kale ragga jaceyka aadka u fahmay kula talinayaa in ay meeshaas ka sii wadaan oo aan laga harin, inta aanan fahmina waxaan leeyahay wax weyn ayaa idinka maqan ee raadiya.

Waxaan jeclaan lahaa in aan aqristayaasha sharaf mudan aan soo dhax dhigo su’aal taasoo ah, waxaan la soconaa in cilmi boodhari iyo qays ay jaceyl u dhinteyn marka taariikh-da ma lagu haayaa gabar soomaaliyeed oo jaceyl u dhimatay ama u wax yeelooday?

by: omar suleiman omar
Back to top Go down
 
Walee Rag Jaceyl Baray (Sheeko Qosol iyo Xikmad leh).
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Ila Qosol KKKKKKKKKKKKKKKK
» sheeko xiiso badan:gabar lagu magaacbo
» Dhanbaalo Jaceyl
» Ma Rabtaa Jaceyl Xaqiiq ah?
» Naag Gabadheeda Siisay Nin uu Jaceyl dhexmaray (Qiso Cajiib ah)

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: