Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Ma Rabtaa Jaceyl Xaqiiq ah?

Go down 
2 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Ma Rabtaa Jaceyl Xaqiiq ah? Empty
PostSubject: Ma Rabtaa Jaceyl Xaqiiq ah?   Ma Rabtaa Jaceyl Xaqiiq ah? EmptyTue Jun 22, 2010 10:25 pm

MA RABTAA JACEYL XAQIIQ AH?
Hadii aad baahi uqabto jaceyl, waa in aad iska ilaalisaa nabaro badan oo qatar ku ah jaceylka, waxaa aadtahay wiil dhalinyaro ah ama gabar dhalinyaro ah, waxaad ku jirtaa xiligii dareen kaaga uu u baahna jaceyl, waxaad rabtaa in aad sameysato saxib ama saxibad, hadaba maxaa kula gudboon in aad sameyso? waa in aad ogaata jaceyl ka in uu yahay bad galid mooyee aan ka bixitan leheen waa in aad ogsoontahay qatarta uu leeyahay isla markaana uusan eheen jacylka wax dheel dheel gala ama kaftan iyo qoob ka cayaar.

Waxa uu wadanka Somalia soomaray xili aad u fiican nabad barwao jaceyl uu ka jiray hadaba xiligaas dadka maxay ahaayen? Maxay isticmaali jireen ? so baar marka aad so ogaato kadib adigana ku dhaqan, wixii aad wax ka so ogaatay, waadna dareemi kartaa faa’ido in ay lahaayen wixii xiligaas dadkii hore ay isticmaali jireen ……..

Xiligii hore somalida waxa ay lahaayen Abwaano Qatar ah bulshada dhamina magac ku lahaa waxa ay lahaayen buugaag ay qoreen, gabayo ay tiriyeen, heeso ay alifeen, dadka dhamaanina waxa ay ahaayen kuwo jecel, hadaba somalida waxa ay lahaayen dhaqan faa’ido badan leh, qof kii haleelahina uusan arkaynin dhib iyo shido midna, hadii aad u baahan tahay jacel xaqiiq ah in aad hesho waa in aad u dhaqantaa sidii ay u dhaqmi jireen dad kii hore, bulshadii hore , waa in aad aaminsantahay farqiga dadkii hore iyo dadka maantay u dhaxeeyaa uu yahay mid aad u kala fog, marka aad so ogaato asalkaaga waxa uu soo ahaan jiray, waxaa dareemeysa wax badan oo maantay dadka jiraa ay sameyan in uu yahay qalad iyo wax aan fiicneen, hadaba la soco wax aan dadaal badani loo soomarin laguma nasto, maadama aad tahay wiil jacel dhaba raba ama gabar jaceyl dhaba rabto hadaba waxaa qasab kugu ah, inaad so baarto dhaqan kagi so jireen ka ahaa, jacel kii dad kii idinka horeyay buugagti iyo heesihi ay inooga tageen abwanadi hore qorayashi hore…

Aan wax ka tilmaamno somalidii hore iyo qaab dhaqmeed kooda hasaawe, wiilka barbar ka ah marka uu gabar arkoodo waxa uu marka hore xajin jiray u dhawaan sheheeda, mar uu helo u dhawaan shaheeda, waxa uu hadana ku fakari jiray, meleysashadeeda, majiro qof aabe noqday 1989 ee nasib u yeeshay in uu alle owlaad siiyo ee mantay singal ah in uu dhintay ama dhimatay mooye, hadaba dadkaas maxay ku heleen nasib kaas ila fiiri marka dadkaas waxa ay ku gaareen mudnaantaas, waxa ay ahaayen dad alle waaxidnimadiisa hesyta ku dhagan, Beenta Neceb, xaaranta ka fog, qiyaana neceb, hadii ay is qilaafan is cafiya heshiiya, hadii ay barwaaqo helaan alle ku xamdiya, hadii owlaad u dhalata rabi ku xamdiya waqlalna u sameeyo, dadkii hore waxa ay ahaayen dad aktooda ka weenyahay jacelka, macnihiisana si wanaagsan u dareensan, kan asiga aan wax jeclan ee gabadha la iska siiyay ama gabadha wiilka la iska siiyay waxa ay ahaayen kuwa is wanaagsada kuna samra calafka alle waa fajiyay, marka ay aqal galaan kadib ayaa waxa u dhalan jiray macan iyo is fahan labada dhinacba ka jiro, dad kii hore laguma so bixi jirin muran kooda qeyladooda waxa ay ahaayen dad xishood badan ixtiram badan qof walba oow gurigiisa muran ka jiro cid ka baxsan gurigisa ma ogaan jirin waxaa xita dhab ah ilmahoda in aanay daren sanen in aabe iyo hooyo qilaaf u dhaxeyo, bulshadi Somali ee xilgaas jirtay waxa ay ku dhaqmi jireen wanaga waxa ay ka fogaayen xumaha waxa ay jeclaayen xikmadlowga abwanka qoraga waxa ay ka xishoon jiren wax xun sheega waatan lagu leeyahay xigamada somaliyed ( Somali been waa shegta lakin been kuma maah maahdo )

Hadaba waagas majirin gabar la xumeyay oo la taahayso wiil ayaa I xumeyay ama dhahayso nimanka Somali waa xun yihiin, majirin wiil leh gabar hebal ayaa dhulka igu jiiday niman kale iga raacday ama jaceyl beena ayeey igu aburtay, waxaas oo dhan waxa bulshadii hore ay ka ahaayen wax ceeb iyo dhaqan xumo ah dad kii hore waxa ay ahaayen xalaalmiirad qeer jeceyl, ilaahayna dhexdoda waxa uu markaas dhigay raxmad ka sheeken mudan dadka oo dhanina wada dhahaan BARI SAMAADKI oo loola jeedo waayo waayo iyo Somali sideey ahaan jirtay …………

Aan u so dagno marka bulshada maantay iyo farqiga u dhaxeyo bulshadi hore

Bulshada maantay waa mid 100 % aan u dhaween bulshadi hore iyo somalidi hore intaba bil caksina ka badalan dhan walba dhaqan iyo nidaamba,

Bulshadan maantay rabta iney kala helaan jaceylka dhabta ah, waa bulsho danbiyo fara badan galeen, ilaahayna danbiile ma cafiyo isaga oo aanan danbi dhaaf weeydiisan, bulshadan mantay Somali ee jirta waa kuwo u sacab tuma dulmiga xaqdarada iyo wax alle wixii fool xuma ah oo dhan, hadaba waxaa la dulmiyay walid masakin ah qof ayaa gurigiisa xoog loga baxsaday, qof ayaa gurigiisa lagu kor iibsaday qof ayaa beertiisa laga xoogay qof ayaa baqaaradiisa laga xoogay qof ayaa hantidiisa laga ceerteyay, oday ayaa gabadhisa iyadoon laga doonan lagala cararay, hooyo ayaa 1 wiil adunka ka heesatay lagu hor dilay, nin dhalin yar ah ilma waxa uu dabka ugu shito ugu so shaqa tagay ayaa galabki meed kisa loogeyay, ilmo ayaa abahod xaqdaro lagu dilay hooyadod asaay loosaray aabe ayaa xaas kiisa daawo la’aan la umul raacatay iyada iyo uur keedi dad masakin ah oo iska ladan ayaa la galiyay Qax Qaxootinimo Cagabarar , xoolahodana la boobay, gaajana udhimanaya

Hadaba meeshaas musiibadaas ay ka jirto maka dhalan karaa Jaceyl ku dhisan run iyo daacad? kan jacelka rabo waa dulmilow waxa uuna rabaa been inuu jaceyl waxaa macqul eh asiga oo gabar saxib la ah umada kalena rabo inow lasaxibo tan wax jecel iyana waa beented oo waxa ay adeeg sanee naagi kun bey korisaa kow bay kala baxdaa, oo ilaahay maxuu u xaaran tinimeeyay beenta hadii wax la isticmali karo tahay waayabe, xaalka oo sidaa ah side ku dhalan karaa jaceyl xaqiiq ah? walaalkis ama walaashis rababaan iney wax jeclaadan ama jaceyl uu ka dhex dhashow marka hore ilaah u noqda danbi dhaaf weydiista, beenta iyo dulmiga ka waan tooba, daahiriya naftiina, ogowna inaa tahay qof Somaliyed waqtiga yuusan ku badalin waxaad leedahay dhaqan ku dhisan edeb iyo ixtiraam ha garab marin, hana ka tagin, hadaa rabto inaad hesho lamane ku jecel ama aad jeclaato,

Jaceyl waxa uu imaada marka uu qofka muslimka ah ku xiran yahay ilaahisa, heysto nabad barwaqo iyo dal, adiga qofka somaligow waxaa dun san dalkaaga waxaa dulmi lagu hayaa dad kaaga waxaa baahi u dhimanaya boqolal Somali ah waxaa xaq daro u dhimanaya boqolal Somali ah waxaa boob lagu heestaa boqolaal Somalia ah waxaa xoog lagu heesta xolo dadoow, side rabtaa marka inaad ku hesho NAXARIISTA ALLE IYO JECEYL DHABA ?

Sidaa waxa ay ka jirtaa dalkaagi, ok dad ayaa iyaga nasiib u yeeshay dhibkaas in ay ka qaxaan, waxa ay u carareen dowlado kale, waxa ay ka heleen garab iyo taakulen, waxaa lagu siiyay sharci wadan adan u dhalan, maahan marka in aad ilaawda kaagi oodan dib u soo eegin aadna tiraah meshi qaxa aad ku tagtay ayaan ka tirsanahay, ok meeshi aad la tagtay maxaa ku haysaa?

Waxaad Uguurta marba gobol, adiga oo raadinaya aduunyo badsi, waxaad iska dhigtaa qof cusub si aad u hesho aqonsi kale, waxad isku maga cowdaa magac cusub iyo aabe aan ku dhalin aduunyo badsi darted, waxaad sheegta been, si aad aduunyo ugu hesho, waxaad tiri naagtadi ma qabo ee waa saxibtay, oo waxaad wecel ku tilmaamtay cunugaagi aduunyo badsi darted, hadaba adiga iyo moorayanka Somalia jooga maxaa is dhaantan adiga aaba ka danbi badan ooba ado xalaal heli karo xaraan wax ku raadinaa, hadaba cunugii lagu koriyay xaraan iyo xoolo aan fiicnen sidee uu ku noqonaa cunug hagaaga? sideyse ku suurobeysa in qof aan xalaal quudan in uu helo, nolol fiican iyo jaceyl, waxaad arkaysaa 15 jir Somalia aah oo aan la karsiin karin ( faataxada ) maxaa u sabab ah 1 asiga oo ku dhex dhashay bulsho gaala u badantahay, korintiisa oo ay ka buuxan xoolo aan fiicnen, iyo been marka sidee buu cunugaas ku noqona mid waalidki maqla adeeca u hogaan sanaado amarkooda, hadii uu doono waa uu dacwen haday canantan sida hadaba dhacdo imisaa waalidkod xabsi sabab ugu noqday.

Hadaba hadii aad dooneyso jaceyl xaqiiq ah waa in aad marxaladahaan oo dhan naftaada aad ka daahirisaa allena danbi dhaaf weydiisataa, kana waan towdaa beenta dabinka xaranta iyo qiyaanada aad u sheegeyso dadka kale ..

Intaas marka aad nadiif ka noqoto allena aad ku xirnaato adiga wax ku dhibo ma arkaysid wax kasto ood alle weydiisatana waxaa ku heleysaa si sahlan waxaadna noqoneysa mid gabar fiican hela, bulshada dhamina hadalkiisa ay u riyaaqan xikmadiisa laga helo lana weeneyo, sharaftaasna waxaa ku gaari kartaa adoo alle ku xirnaada si dhaba danbi dhaaf mar walbo u weeydista ku dadaala salaadisa soonkiisa sadaqadiisa xajkisa ku tarbiyeeyo caruurtiisa jidkii alle iyo sunadii rasulikena ( csw )

Intaas markii bulshada maantay jirtaa laga helaa waxa ay noqonayaan kow ilmahoda ay is jeclaadan diintoda fiicnaato imaan kooda wanaag sanaado wax fiicana u hor seedo umadaha kale, lakin iyada oo aan alle loo noqon wax ma haagayo DAL walaa JACEYL . somaliduna xaqiiqda waa ay inkirtaa waxaa xaqiiq ah in jaceyl fiican uusan imaanayna lana heleynin laba is qabtaahina isku daahaynin heshiisna aysan noqoneynin inta wax alle naga reebay oodhani aan isticmaaleyno, waxa uu alle naga reebay beenta qiyaadana xaaranta isku dirka dulmiga, intaasna waan sameynaa, marka intaas angoon alle ka danbi dhaaf weydiisan haka yaabina in laba saxib nimo ku heshiso ay u toosto ama laba aqal dhisatay u hagaago, waxaa meel mari oo mustaqbalkisa dhismi kii intaa ka daahiriya naftiisa aqalkiisana uu agaaga iyo mustaqbalkiisa
By: OMAR SULEIMAN OMAR (Tita)
Back to top Go down
cabdalla
shabakada maadow
shabakada maadow
cabdalla


Mawduucyadaada : 9
ka Qeeb Qaadashaadaada : 13
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 22/03/2010
36
Halkaa joogto : England-london
Shaqadaada : arday

Ma Rabtaa Jaceyl Xaqiiq ah? Empty
PostSubject: Re: Ma Rabtaa Jaceyl Xaqiiq ah?   Ma Rabtaa Jaceyl Xaqiiq ah? EmptyWed Jun 23, 2010 8:31 pm

mahadsanid walaaalo
Back to top Go down
 
Ma Rabtaa Jaceyl Xaqiiq ah?
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Dhanbaalo Jaceyl
» wax sii qalad ma iskiiga tirtay ma rabtaa inaad soo cesheto gal inta!!!!!!!!!!
» Naag Gabadheeda Siisay Nin uu Jaceyl dhexmaray (Qiso Cajiib ah)

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: