Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Taariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro)

Go down 
AuthorMessage
wadani
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 71
ka Qeeb Qaadashaadaada : 119
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010

Taariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro) Empty
PostSubject: Taariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro)   Taariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro) EmptyWed Jun 15, 2011 1:59 am

Maanta waxay Ummada Soomaaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu
fadhidaa, isla markaana kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii
xoriyada ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii.
Halgankii ummadda Soomaaliyeed uu hogaanka u soo hayay xisibgii SYL
iyo qaar ka mid ah halgamayaashii dalka u soo halgamay waxay aheyd
talaabo loo qaaday dhanka sidii la isaga qaadi lahaa heeryadii
guumaysiga isla markaana ummada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa xoriyad
taam ah.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayey suurtagal tahay inaanay maanta la
socon inay tahay maalin quluubta shacabka Soomaaliyeed kaga taal meel
muhiim ah, isla markaana taariikhda Dalka Soomaaliyeed ka gashey baal
dahab.
Waxaa sidoo kale si buuxda u soo baxdey inay jiraan dad badan aan
fahmansaneyn qiimaha ay leedahay xorimada iyo in dad waliba uu yeesho
calan iyo dawlad caalamka laga aqoonsan yahay.
Xoriyadii ummada Soomaaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii waxaa loo
marey halgan aad u dheer oo dhiig badani ku qabtey, isla markaana
halgamayaal fara badani ay maalmooda iyo naftooda u hureen, si ummada
Soomaaliyeed ay u helaan xornimo, iyadoo xiligaasi ay aheyd xili ay
qaaradan Afrika ay si weyn ug halgamaysay xoriyada iyo inay iska qaado
heeryadii guumaysatayaashii reer Yurub.
Xiligaasi waxaa qaarada Afrika ka shidnaa shulcad loogu magacdaray
“Kacdoonkii Xoriyada ee Afrika” shulcadaasi guumaysi diidka ee ifaysay
Soomaaliyana waxay qayb ka aheyd ummadihii kale ee Qaarada madow ee
halganka ugu jirey hanashada xoriyada.
Maanta oo kale 15-kii May 1943 waxaa u suurta gashey 13 dhalinyaro
Soomaaliyeed ah inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC
(Somali Youth Club ) ama ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo
markii dambe u xuubsiibtey ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL
(Somali Youth League), sanadkii 1947-kii bishii May maanta oo kale ayaa
ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatey .


Xiligaasi waxaa ururka dhisey 13 dhalinayaro ah kuwaasi oo kala ahaa






1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin. Waxa uu ku dhashay Degmada Tiyeeglow
ee ka tirsan Gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919kii. ( xiligaasi
wuxu jitey 24 sano.
2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii), waxa uu ku dhashay Magaalaa Mareeg oo
ka tirsan Gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915kii, xiligaasi wuxuu
jirey 28 sano.
3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke , waxa uu ku dhashay Degmada
Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey
26 sano
4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sano)
5. Cismaan Geedi Raage, waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano)
6. Dheere Xaaji Dheere. Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1926kii Xiligaasi wuxuu jirey 17 sano
7. Daahir Xaaji Cusmaan. Waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano ah)
8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1927kii (xiligaasi wuxuu jirey 24 sano )
9. Maxamed Cali Nuur, waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani oo ka
tirsan Gobolka Banaadir, sanadkii 1927kii (xiligaas wuxuu jirey 16 sano)
10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan
Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii xiligaasi wuxuu jirey 18 sano.
11. Xaaji Maxamed C/llaahi (Xayeesi), Waxa uu ku dhashay Muqdisho,
Gobolka Banaadir sanadkii 1918kii(xiligaasi wuxuu jirey 25 sano)
12. Huudoow Macallin Cabdulle waxa uu ku dhashay Mareerey oo ka
tirsan Gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926kii (xiligaasi wuxuu jirey 17 sano)
13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay Baardheere oo ka tirsan
Gobolka Gedo sanadkii 1910kii(xiligaasi wuxuu jirey 33 sano)
Waxaa ururkii SYL sanadkaasi xoghaye loo doortey Cabdulaahi Ciise
Max’uud oo isugu ahaa ra’isalwasaarihii xukuumadii daakhaliga aheyd ee
ka horeysay xiligii gobanimada la qaatey.
Ururka SYL wuxuu shaaca ka qaadey qorshihihiisii siyaasadeed waxaana
uu sheegay in u taagan yahay xornimo gaarsiinta Ummada Soomaaliyeed,
iyadoo xiligaasi Soomaaliya ay u qaybsaneyd 5 gobol oo gacanta ay ku
hayeen guumaystayaashii reer Yurub.
SYL waxay shidey iftiin gobanimo doon ah waxaana hoosta ay ka
xariiqdey in ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto inay hesho
gobanimo taam ah, isla markaana la helaa Soomaali weyn.
Dhallinyaraasi SYL waxaa xiligaasi u suurtagashey in ay mideeyaan
shacabka Soomaaliyeed si looga hor tago gumeysiga , iyaga oo aaminsanaa
haddii la helo midnimo laga guuleysan doono gumeysiga isla markaasina
waxaa quluubtooddii ku weyneyd waddaniyadda oo ay wax walba ay ka
hormsiin jireen si ay u gaaraan ujeeddooyinkoodda ku xusnaa dastuurka
xisbiga SYL oo ahayd in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam
ah iyo in la helo Soomaaliyeed weyn.
Xisbigii SYL waxaa la soo gudboonaadey turaanturooyin badan iyo
hagardaamooyin badan oo la doonayey in lagu wiiqo ujeedooyinkooda
gobanimo doon, waxaana ay taasi kaga gudbeen isku duubni, hal adeyg,
aqoon, iyo dadaal kasta oo ay ku gaari karaan inay ku mideeyaan shacabka
Soomaaliyeed.
Inkastoo badi dadkii Soomaaliyeed ay xiligaasi si weyn ugu bisleyn
qiimaha xornimada, laakin waxaa quluubtooda arintaasi ku shubey xisbigii
SYL oo si weyn ugu dadaalay in Soomaalida laga dhaadhiciyo qiimaha
xornimada.
Intii uu socdey halgankii SYL ee ay hormoodka ka ahaayeen baadi
goobta xornimada ummada Soomaaliyeed waxaa jirey dad tiro yar oo
Soomaali ah oo la dhacsanaa ku hoos jirka heeryada guumaystaha, waxaana
dadkaasi ay ku xirnaayeen nidaamkii guumaystaha Talyaaniga.
Dadkaasi guumaysi kalkaalka ahaa waxay qaarkood ku biireen xisbigii
SYL si ay u kala dhantaalaan orodkii ama ruclihii loogu jirey xornimo
gaarsiinta ummada Soomaaliyeed.
Cali Xuseen oo ahaa ninkii Xisbihii SYL u qaabilsanaa dhanka
suugaanta wuxuu gabayadii uu tiriyey ku muujin jirey inay SYL ay ka mid
yihiin dad doonaya in ay jilbaha qabtaan dadaalka xisbiga. waana halka
ay murti Soomaaliyeed ka tiri “Baadida nin baa kula day dayi oo doonayen
daa’in abidkaa inaad hesho”.
Sidoo kale Axmed Xaaji Suleymaan oo dhanka qoraalada u qaabilsanaa
xisbiga ayaa mar uu ka hadley shir ay lahaayeen golihii xisbigii SYL
wuxuu ku sheegay in xisbiga ay ka mid yihiin dad diidan in xisbiga ku
guuleysto ujeedooyinkiisa.
Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in xisbigii SYL uu
kaalinta ugu balaaran ku lahaa hanashadii xornimada ummada Soomaaliyeed
ee la hantey sanadkii 1960-kii, inkastoo ujeedooyinkii dhalinyaradii
13-ka ahaa ee SYL aan wali la gaarin 50 sano ka dib, tiiyoo waliba ay
meesha ku jirto in labadii gobo lee Koonfur iyo Waqooyi ee xornimada
qaatey 1960-kii ay hada Goboladii waqooyi sheeganayaan inay yihiin
dawlad madaxbanaan.
Halka gobolkii Koonfureed uu yahay mid ay la degeen dagaalo mudo 20
sano ka badan ka aloosnaa gobolada dalka, tiiyoo ay u sii dheer tahay in
maanta ay halis ku jirto midnimadii guud ee gobolkaasi, maadama ay soo
baxeen maamulo u muuqanaya kuwa aan u hiilineyn riyadii SYL.
SYL sidee ku aasaasantey ?
Horaantii sanadkii 1943-kii ayaa waxaa sheekaystey sida ay
taariikhyahano ii sheegeen C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin
Xaaji Cusmaan Sharmark oo rag saaxiibo ah oo si weyn isugu xirnaa,
islana socon jirey mar kasta, waxay kawahadleen sidii ummada
Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii guumaysiga.
Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxay midba uu jirey 24 iyo 26 sano
waxay mudo ka sheekaysanayeen sidii bal guumaystaha looga xoroobi
lahaa, waxaana C/qadir Sheekh Sakhaawadiin uu soo jeediyey fikir ahaa in
la aasaaso xibsi Islaami ah oo dadka mideeya, isla markaana ka saara
guumaysiga, laakin Yaasin Xaaji Cismaan ayaa wuxuu soo jeediyey fikir
kale oo ahaa in xisbiga laga dhigo mid siyaasi ah oo shacabka oo dhan
matala.
Ka dib wahadaladii labada nine e dhalinyarada ah waxaa ku soo biirey
dhalinyaro kale waxaana la isku raacay in la dhiso golle ama naadi
dhalinyaro oo ay isku bartaan dhalinyarada, islamarkaana dhalinyaradu
wax isku baraan, iyadoo la baranayo Luuqada Ingiriiska oo xiligaasi
aheyd mid ku cusbeyd gobolada Koonfureed.
Kulankaasi dhalinyaradu waxay isla garteen in la dhiso golle
dhalinyaro inta laga gaarayo waqti ku haboon in la dhiso xisbi siyaasi
ah, waxaana la dhisey golaha dhalinyarada Soomaaliyeed SYC (Somali
Youth Club), waxaana xiligaasi ay aheyd 15-kii May 1943-kii.
Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:-

  • In xukuumadda Ingriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku
    doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC (Somali Youth Club) oo
    dhalinyarada ku kulanto.
  • In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.
  • In la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo dabooli kara qorshaha
    shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.

Markii ay qoreen codsigii ayay 13 kii dhalinyaro waxay tageen
xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Ingriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u
gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in
fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan
doonaan iskaba daa in codsigoodu u hirgalo,laakiin wuxuu ugu jawaabay
oraahdii caanka baxday ee aheyd:-
“Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala
duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi
toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari xero lagu wada
xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan..

Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin karin
madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay “Hadalkaaga waxaan ka dhiganeynaa
cashar aan ka faa’iideysano,waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si
aysan ariga u cunin,mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool
Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin”.
Maalmo ayay jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay
warqad lagu xusay in Ingriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u
baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday in ay furtaan
naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.
Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin
laheyd naadiga C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen
halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku
xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye.
Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay aheyd ka xoreynta dalka gumeystaha ku
soo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado
la dagaalanka qabyaaladaa iyo midab kala sooca.
Laga soo bilaabo sanadkii 1943-kii waxaa Xisbiga SYL laga furay
gobollada dalka Soomaaliya oo idil, waxaana sii kordhay taageerada uu
helayo taasi oo aheyd mid ay u dhan yihiin Ummada Soomaaliyeed sida
qaybaha Odayaasha, Culima’udiinka, dhalinyarada, Haweenka, &
Ganacsatada.
Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo
magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:

  1. Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin.
  2. Damaca gumeeystayaasha Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in
    Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la
    soo celiyo maamulkiisii.
  3. Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

Goor dambe oo xisbigii uu meel fiican gaarsiiyey halgankiisii
gobanimo doonka ayaa waxaa geeriyoodey xoghayihii xisbiga Yaasin Xaaji
Cusmaan Sharma’arke waxaana uu ku dardaarmey in jagadiisii loo magacaabo
Halgame Cabdulaahi Ciise Max’uud oo xiligaasi ahaa wakiilkii SYL ee
magaalada Baladweyne. halkaasi ayaa laga soo wadey Cabdulaahi Ciise
waxaana uu qabtey jagada xoghayaha guud ee SYL, isagoo hayey xilkaasi
ilaa iyo ay SYL ay keentey guusha xoriyada ummada Soomaaliyeed, waxaana
Cabdulaahi Ciise loo magacaabey Ra’isalwasaarihii xukuumada daakhilga
aheyd ee Soomaaliya intii aan xoriyada si buuxda loo qaadan
Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo
xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Waxaase nasiibdarro ah inaan hananweeynayn xorriyaddii iyo
dowladnimadii.
Dhinaca kalena waxaa taasi ku lamaansan daqaro, haarro & wadno
goyn weyn oo xiligan lagu hayo midnimadii dadka iyo dalka Soomaaliyeed,
iyadoo ay dhici karto awlaadii 13-ka dhalinyaro ee SYL ay maanta ku lug
leeyihiin in dalka loo kala googooyo iyadoo ay haatan soo kordhayaan
nidaam cusub oo ah in tuulo, degmo & gobolka kasta uu sheegto dawlad
taasi oo ay u sii dheertahay toabaan calan & tobanaan
madaxweyneyaal oo ay yar tahay in maskaxdooda ay ku jirto dawlad loo
dhan yahay, midnimo & qaranimada Soomaaliyeed.
Waxaa nasiib daro weyn ah in 13-kii dhalinyarada SYL ee hormuudka u
ahaa horiyada Ummada Soomaaliyeed oo qaarkood ay ka yaraayeen 20 sano
halkii ay ka diideen guumeysi in dalka uu sii xukumo inay jiraan
siyaasiyiin ka da’a weyn, ka aqoon badan, ka waayo aragsan in aanay
laheyn haykal & himilo qaranimo ayna dhici karto in caasimado
ajanabi ah inay laga maamulayo amaba ay dhici karto inay ka sugayaan
wixii ay dalkooda u sameyn lahaayeen.
Daawo Sawirada
Taariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro) SYL4
Taariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro) SYL_calankaTaariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro) SYL6Taariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro) SYL5Taariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro) SYL7Taariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro) Syl_dhalinayaroTaariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro) SYL1



walaaalkiin wadani
Back to top Go down
 
Taariikhda Ururka SYL ee gobanimodoonka Somaliyeed (Warbixin+Sawirro)
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» maamaaah somaliyeed
» majeceshahay taariikhda nabiga!!!!!!!!!
» muxaadaro magaceeda tahay:-warbixin shacabka soomaaliyeed uu soo jeedinaayo sheekh boqolsoon
» halkaan kadagso kitaabka soo koobaya taariikhda nabigee csw نور اليقين فى سيرة سيد المرسلين

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Sawirada iyo Fiidiyawyada-
Jump to: