Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Dhirta Daawadda leh (Geedo karis)

Go down 
3 posters
AuthorMessage
Dr.Mohamed
Madaxa Qeebta Caafimaadka
Madaxa Qeebta Caafimaadka



Mawduucyadaada : 10
ka Qeeb Qaadashaadaada : 28
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 12/09/2010

Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) Empty
PostSubject: Dhirta Daawadda leh (Geedo karis)   Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) EmptySat Jan 01, 2011 8:25 pm

waxaan qoraalka idiinka soo gubiyay Buugg uu qoray nin Somali ah oo
la qoray 1984, waxuu u shaqayn jira AKADEEMIYADDA CILMIGA IYO FANKA
ee dowladdii hore ee Somali.
bal aan is waydiino wax yaala
Somaliddu dawada u isticmaalan, sidda waxa caloosha lagu bixiyo,
bahalka qaniinka,kabida qof jabay, baanashada umusha iyo waxa lagu
daryeelo, dhiig joojin maxay u isticmaali kareen qaas ahaan dhalmadda,
ilko toosin (sida cadayga)
Suaal Muhiim: hadii ay reer
galbeedka,Asianka, iyo Arabta naga ii biyaan waxalaha dawadda maxay
Somali wax u Qooshi wayday iyanna Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) Rolleyes


Carmo:

waa
geed mira yar yar oo la cuni karo leh,oo kuwa bunka u eg,kalka ay
geedka ku yaaliin,inta ay bislaan miruhi oo cagaar ka yihiin baa biyo
lagu kari yaa,ka dib waa laga miraa,oo la qaboojiyaa inta dacar fal
ahaan loo cabin,caleenta carmadda waa la qaliyaa,oo la tumaa, kadib
dabqaad dhuxul ah baa lagu shubaa caleentiisa la budeeyay, sida
luubaanta,qofka hargabka iyo xumadda haysa ayaa hoosta loo galiyaa
dabqaadkii oo caleentii carmadda qaceedii ka dulluumayo,sida fooxa,buste
baa la huwiyaa qofka, si uumigu udgoon ee carmadda u diiriyo oogadda
qofka.

Dacarta:


xaskusha
bay u eg tahay araga guud,dhulka bannaan iyo balliyadda bay ka
baxdaa,aalaaba,caleemo ballaaran oo buruq iyo dhacaan casi ka buuxa buu
leeyahay geedkaas, laf iyo mayrax toona ma leh,marka ay gahayrto laantu
hoos ayay laantu hoos bay u godantaa,way engegtaa ka dibna geedka ka
godaa,Ubax kali ah oo labo mitir dherer le eg ayaa baa kor uga dhex baxa
caleenta dacarta,sida hooto waran,
ereyga dacar micnihiisu waa
calool xanuun, qaras,kharaar, dheecaanka dacarta aad buu qaraar
yahay,sidaas la adligeedbaa geedka loogu bixiyaya dacar,
caleenteeda
qalalan dadka duumadda qaba ayaa lagu uumiyaa,waa la tumaa oo budda
laga dhigaa,markaas baa biyo lagu daraa oo la miiro, la cabsiiyaa qofka
qarasbixinta u baahan,
dacarta waxaa kale oo laga sameeyaa sunta
dugaaga lagu laayo, dhecaanka dacarta oo aan biyo lagu barxin baa loo
mariyaa hilibka lagu dagayo dugaga.

Galool:


waa
geed dheer oo ka baxa dhulka sare iyo godbaha mulaaxa laamaha aan weli
gahayrin baa la ruugsiiyaa qofka la dacar falayo,dhacaanka mulaaxa oo
macaan dhanaan xigeen ah waa la liqaa,caana geel ama ari ama fuud baan
la cabbaa goortu ay caloosho socota ka bacdi,sida ay yiraahdeen
dhiryaqanaddu,cunno qalafsan lama siiyo intii beri ama labo bari ah, si
ayan caloosha u joojin,.

Jaleelo ama salamako:


waa
geed gaaban oo ka baxa dhulka banaan, sida balliyada nugaaleed,
xididiisa yar yar baa rujiyaa ama caleenta, qoraxda baa lagu qalijiyaa
oo la tumaa,ka dib caano lo'aan ama ari baa lagu kariyaa oo la
qaboojiyaa,si xididdada gufarkoodu weelka salkiisu ugu ururo oo
dureeruhu u miirmo,qofka la qaras bixinayo ayaa markaas la cabsiyaa.

Kulan:


waa
geed dawooyin badan laga sameeyo,oo yaaq ama canjeel u eg,qodxihiisa
moyee,caleenta kulanku waligeed ma engento oo waa abaar ku noole geedku,
mulaaxadda cad ee laamaha baa biyo lagu kariyaa,sida jeeladda,ka dibna
waa la miraa oo la cabaa,miro sida kuwa bunka u eg kase waa wayn ayaa
ka baxa geedka kulanka.xagaagii buu mireeyaa kulanka, casaan iyo madow
isku dhafan weeye midabka miruhu,kolka ay bislaadaan dhuguc guduudan bay
korka uga ekedaan, qolof adag oo beer saliid leh hoosta uga jiro, sida
lawka,bay miruhu gudaha ku leeyihiin, miraha bisil biyo baa lagu
kariyaa,sonkor ama malab baa lagu daraa, si loo macaaneeyo dhadhanka
dureeraha ay qabowdo baa hadba in yar laga cabaa, si loo socodsiiyo
caloosha,beerka iyo kelyahana dheef bay siisaa sida ay sheegeen geeda
kari yayaalku.

Murcanyo:

waa
geed dherer iyo toos uga baxa dhulka sare, miro yar yar oo guduudan
kolka ay bisladaan oo la cuno baa ka baxa murcanyadda xidido casaan
xigeen ah oo yar yar buu lee yahay geedku, iyagaana la rujiyaa oo la
tumaa, oo dhacaankooda bay ku rafaaqaan, sida bunka, nabarka caalinka ah
ama markaas cusub ayaa lagu dhejiyaa raqaaqa murcanyahha, oo loo daayaa
qorraxadu ha qalijisee, malaxada iyo dhacaanka ayaa rafaaqu ka soo
nugaa nabarka, waan engejiyaa oo sifeeyaa meesha bukta iyo agagaarkeeda.


Waa sii soctaa...


Xigasho
Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) Empty
PostSubject: Re: Dhirta Daawadda leh (Geedo karis)   Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) EmptyFri Jan 14, 2011 2:08 pm

mahadsanid dr
Back to top Go down
deeqsan
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 1
ka Qeeb Qaadashaadaada : 1
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 19/07/2013

Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) Empty
PostSubject: Re: Dhirta Daawadda leh (Geedo karis)   Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) EmptyFri Jul 19, 2013 3:43 pm

waad mahad santhay dr
Back to top Go down
Sponsored content





Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) Empty
PostSubject: Re: Dhirta Daawadda leh (Geedo karis)   Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) Empty

Back to top Go down
 
Dhirta Daawadda leh (Geedo karis)
Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Caafimaadka-
Jump to: