Dr.Mohamed Madaxa Qeebta Caafimaadka
Mawduucyadaada : 10 ka Qeeb Qaadashaadaada : 28 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 12/09/2010
| Subject: GUDIINKA FIRCOONIGA Mon Nov 08, 2010 9:51 pm | |
| salaamu calykum kusoo dhawaada waa topic ku saabsan gudiinka fircooniga
Sideynu ognahay ummad walba waxay leedahay dhaqan iyo caado, mararka qaar waxay noqon karaan dhaqamadaasi kuwa waxyeelo ba'an u geysta caafimaadka bulshada. Gudniinka Dumarka (Fircooniga) wuxuu ka mid yahay dhaqamada soojireenka ah ee soomalidu joogteeysay.
XAGEE KASOO JEEDAA GUDNIINKA FIRCOONIGA? :-
Waxa la sheegaa inuu gudniinkani bilowday waqtigii Faraaciinta Masar, ka dib markii reer Bani-israa'il oo waqtaasi la gumeysan jirey nin faalalow ahi u sheegay boqorki xilligaas inuu talada kala wareegi doono wiil ka dhalan doona dadkaan ay gumeystaan. dabadeedna uu amar ku bixiyey in la (gudo) oo la tolo dhamaan naagahooda, waxana muhiimadaasi qabanayey Umulisooyin la shaqeenayey boqortooyada, si loo kantaroolo guur-kooda , uurkooda iyo dhalitaankooda, ka dibna wixi wiil ah oo xiligaasi dhasha lagu amri jirey in la dilo.
WADAMADA LAGA ISTICMAALO GUDNIINKA FIRCOONIGA:-
Wadamada isticmaala dhaqankan waxa ugu horeeya Masaarida iyadoo ah meeshii ay ka bilaabatay inkastoo sanadihii u danbeeyay ay hoos udhacday tirada dadka isticmaala oo gaartay ilaa 54%. Wadanka SUDAN oo deris la ah dowladda Masar isagana aad baa looga isticmaalaa waxay gaareysaa ilaa 80%. Somaliya: wadankeena isaga waxay uga timid dhanka masaaridda, walow ay hadda somalidu yihiin dadka ugu badan ee isticaamaala gudniinkaas tira-koobkii u danbeeyay oo sheegaya in kabadan boqolkiiba sagaashan 90%. waxaan iyagu haba yaraatee isticmaalin Gudniinkan wadamada Islaamka iyo kuwa carabta, taasoo ku tusineysa inan diinta islaamka lagasoo gaarin.
NOOCYADA GUDNIINKA:- Waxa loo qeybiyaa ilaa 3 nooc 1. waxa la jaraa Kintirka (Clitoris). 2.Jaridda kintirka + faruuryaha yaryar iyo faruuryaha waaweyn (Labia Minora & Labia Majora). 3.jaridda kintirka + faruuryaha+ tolliin.
Saddexdaasi nooc ayaa intaba laga isticmaala somaliya, inkastoo nooca u danbeeya aad looga isticmaalo waddanka SUDAN.
DHIBAATOOYINKA GUDNIINKA:- aad ayay u fara badan yihiin, waxa loo kala qaadaa laba nooc. A- Dhibaatooyin soo deg-dega: - waxa ka mida dhiig-bax fara badan oo sababi kara dhiig-yari - in la jaro qaar kamida kaadi-mareenada (Urethra) - Xanuun daran waqtida gudniinka oo sababi kara suuxdin - Huritaan ama nabarka oo infections qaada -Kaadida oo ku dhegta (Incarceration of urine) -u gudbin cudurada faafa sida Teetano qalabka oon nadiif ahayn dartii.
Dhibaatooyinka Mustaqbalka:- - Dhiigga-Caadada oo ku adkaada - Foosha oo ku cuslaata -Xanuun xilliga galmada -Dhibsasho ninka himiga jinsiga oo yaraada awgii -Furitaanka lammaanaha is qaba oo siyaada Faa'iidada uu Kintirku u leeyahay dumarka:- Waxan shaki ku jirin in waxkasta oo ilaahay abuuray uu xikmad iyo macna weyn ku fadhiyo, Dhakhaatiirka anotimiga waxay sheegaan inuu kintir-ku u dhigmo qooraha ragga, waayo wuxu leeyahey Nerve iyo blood suplies, waxyaala uu qabtana waxa ka mida, inuu Viginaha (taranka dumarka)u yahay dabool, marki la jarana waxa dhici kara iney becteeriyo iyo jeermis fara badani u godbo ilma-galeenka.
Dhaqanka soomaalida iyo fikirkaaga ku aaddan gudniinka: Dad badani waxay ku doodaan in aan laga tegin dhaqankaan, waxayna aamin-sanyihiin inuu fa'iido u leeyahay dhalinta, gaar ahaan gabdhaha, iyagoo ku andacoonaya in gudniinka lagu ilaalinayo Gabar-ahaanta hablaha. Halka qaar-kalena rumeysan yihiin iney tahay wax-diini ah oon laga tallaabsan karin marna, sidoo kale waxa jira soomaali badan oo qabta inuu yahay kintirka dumarku (Najaaso) ama cad xun, sidaa darteedna ay ceeb tahay i gabari noqoto kintirleey.
HADABA FADLAN KA DHIIBO WIXI FIKIR AH, IYO SIDA UGU HABBOON EE LAGU WACYI GELIN KARO BULSHADEENA SOOMAALIYEED.
XIGASHO
| |
|
wadani shabakada maadow
Mawduucyadaada : 71 ka Qeeb Qaadashaadaada : 119 Mahadcelin : 0 Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010
| Subject: Re: GUDIINKA FIRCOONIGA Mon Aug 01, 2011 9:56 pm | |
| | |
|