Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah!

Go down 
3 posters
AuthorMessage
Dr.Mohamed
Madaxa Qeebta Caafimaadka
Madaxa Qeebta Caafimaadka



Mawduucyadaada : 10
ka Qeeb Qaadashaadaada : 28
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 12/09/2010

Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah! Empty
PostSubject: Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah!   Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah! EmptySun Sep 12, 2010 4:31 am

TB-du waa maxay?
"TB" waa magac la soo gaabiyay ee loo yaqaan cudurka qaaxada ama tiibishada.
Marka uu qofka cudurka Qaaxada ku dhaco, ugana dhaco sambabada ama dhuunta oo uu qufaco, hadlo, qoslo ama hindhiso, jeermiga qaaxada ayuu hawada ku firdhiyaa. Qof walba oo u dhowna waxaa sambabada uga faafa jeermiga qaaxada ama tiibishada .
Jeermiga qaaxada ama tiibishada jirkaada ayuu ku noolaan karaa adiga oo aan la jiranin. Taasna waxaa loo yaqaan jeermiga qaaxada dhaliya. Difaaca jirkaada ayaa kaydiya jeermiga qaaxada, si uu u sugo caafimaadkaada.
Marmarka qaarkood, jirkaada ma awoodo inuu iska difaaco geermiga qaaxada ama tiibishada. Haddii aad la jirato jeermigaas waxaa loo yaqaanaa cudura qaaxada ama tiibishada. Jeermiga wuxuu badi ku dhacaa sambabada. Sidoo kale waxuu ku dhici karaa kalyaha, maskaxda, lafta dhabarka, ama qaybaha kale ee jirka. Haduu cudurka qaaxada ama tiibishadu kugu dhaco, waxaad u baahantahay daaweyn. Waxaadna ku bogsoon kartaa daawen sax ah. Laakiin, hadaan lagu daaweyn waad u dhiman kartaa.

Maxay muhiim u tahay inaan ogaado inaan qabo jeermiga dhaliaya cudurada qaaxada ama HIV-da?
Jeermiga HIV-da wuxuu daciifiyaa (wiiqaa) difaaca jirkaada. Hadii aad qabto jeermiga Qaaxada ama HIV-da, waxaad halis u tahay inaad u jirato cudura qaaxada ama tiibshada.

War Farxad leh!
Waad ka hortegi kartaa geermiga TB-da intuusan isu badelin cudurka Qaaxada ama Tiibishada! Tilaabada ugu horeysa oo aad ku ogaan karto inaad qabto geermiga TB-da waa inaad ogaataa, hadii aad qaaday jeermiga TB-da. Taasna waxaad ku ogaan kartaa adoo jirkaada ka baara qaaxada ama tiibishada.

Waa maxay baaritaanka qaaxada ama tiibishada ee jirka?
Baaritaanka TB-da ee jirkaada waxaa lagu sameeyaa gacanta. Labo ilaa saddex bari gudohood, ayuu daryeelaha caafimaadkaada fiirin doonaa gacantaada si uu u arko inuu dhacay fal kiimikaad. Soo barar “boosatiibo” ah macnaheedu waa inaad qabto geermiga TB-da.

Jeermiga HIV-da ma saamayn karaa natiijada baaritaanka TB-da ee jirka?
Mararka qaarkood, hadii aad qabto jeermiga HIV-da iyo TB-da, laga yaabe in natiijada falgalka kiimikaad ee TB-da jirka ay lama hubaan “negatifo” noqoto. Taasna macnaheedu waa difaaca jirkaada oo aan si haboon u shaqaynayn. Daryeelahaaga caafimaadka ayaa kaala hadli doono hadaad halis u tahay geermiga TB-da ama cudurka Qaaxada. Laga yaabe inaad u baahato baaritaan kale oo caafimaad ama daaweyn.

Maxay tahay inaan sameeyo hadii aan qabo geermiska dhaliya labada cudur ee HIV-da iyo Qaaxada?
Waxaa shardi ah inaad baaritaan is dabajoog ah samayso. Taasoo ay ka mid yihiin raajada xabadka iyo baaritaano kale. Hadii baaritaanadaas ay cadeeyaan inaad qabto cudurka qaaxada ama tiibishada, daryeelaha caafimaadkaada ayaa ku siin doono daawooyinka lagu daaweeyo qaaxadaada ama tiibishadaada.
Haday baaritaanadaadu cadeeyaan inaad qabto jeermiska qaaxada ama tiibishada dhaliya, laga yaabee daryeelaha caafimaadkaadaa inuu ku siiyo daawooyinka dila jeermiska qaaxada si uusan cudurka isugu badalin Qaaxo ama Tiibijo.

Maxaan u baahnahay inaan ka ogaado daawooyinkayga?
Daryeelaha caafimaadkaada ayaa kuu sheegi doono sida loo qaato daawooyinkaada iyo dhibaatooyinka ay keenaan.
Back to top Go down
Admin
Maamule Ku Xigeen
Maamule Ku Xigeen
Admin


Mawduucyadaada : 77
ka Qeeb Qaadashaadaada : 155
Mahadcelin : 2
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010

Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah! Empty
PostSubject: Re: Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah!   Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah! EmptyFri Sep 17, 2010 3:45 am

waa mahadsantahay dr waa wax zaaid aa oogu faaideesanay
Back to top Go down
halyeey_soomaaliyeed
shabakada maadow
shabakada maadow
halyeey_soomaaliyeed


Mawduucyadaada : 49
ka Qeeb Qaadashaadaada : 113
Mahadcelin : 4
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010
Shaqadaada : arday jaamacadeed

Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah! Empty
PostSubject: Re: Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah!   Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah! EmptyFri Sep 24, 2010 2:56 am

mahad sanid Dr.mustaf
Back to top Go down
Dr.Mohamed
Madaxa Qeebta Caafimaadka
Madaxa Qeebta Caafimaadka



Mawduucyadaada : 10
ka Qeeb Qaadashaadaada : 28
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 12/09/2010

Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah! Empty
PostSubject: Re: Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah!   Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah! EmptyThu Oct 14, 2010 8:04 pm

adaa mudan walala
Back to top Go down
Sponsored content





Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah! Empty
PostSubject: Re: Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah!   Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah! Empty

Back to top Go down
 
Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah!
Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Caafimaadka-
Jump to: