tita shabakada maadow
Mawduucyadaada : 59 ka Qeeb Qaadashaadaada : 165 Mahadcelin : 1 Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010 37 Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities
| Subject: Somalia: Dal Dad Waayay iyo Dunni Damiir Beeshay!. Mon Jul 26, 2010 8:27 pm | |
| Shucuubta caalamku waxay u qeyb-sanyihiin kuwa dhulkii qaadi waayay oo dalalkoodii ay ku yar yihiin iyo kuwa uu ka baaxad wayn yahay dalkooda, markaas farqiga u dhaxeeya labadaasi qaybood waxaad moodaa in si la fahmi karo u kala duwan yahay, iyadoo aysan jirin cid maanka ku haysa wax ka yar arrintaasi. Musiibooyinku, iyana waxay u qaybsamayaan labo qaybood oo kala ah mid ay dadku gacmahooda ku kasbadaan iyo mid dabiici ah, laakin isla musiibooyinkaas waxaa dunnidda aan ku nool nahay ay ula taacamulayaan hadba sida ugu haboon ee wax looga qaban karo ama haddii ay dhacaan musiibooyinkani loo daryeelo dadkii iyo meelaha ay ka dhaceen. Soomaaliya oo ka mid ah shucuubta tira ahaan dalkoodu uu ka baaxad wayn-yahay waxay u muuqataa mid dhimatay oo aan la oran Karin waxabaa u haray marka laga reebo fool-xumo kale oo u harsan dadka ku abtirsada Soomaalida oo colaadu ku gaamurtay 20 sanno. Colaada dalka Soomaaliya waxay noqotay mida ugu dheer dal ka mid ah aduunka, iyadoo ay maalin kasta ka baxsanayaan dalka kumanaan carruur iyo haween u badan oo miciin bidaya dalalka dibada, haba ugu badnaadeen kuwa dariska sida Kenya, Itoobiya , Uganda ,Yeman iyo dalal kale oo fara badan. Heerka colaadaha Soomaaliya! Sida iska cad waxaa la ogyahay in dagaalada Sokeeye ee Soomaaliya ay soo mareen marxalado dhib badan oo loogu yeeri karo axmaqnimo islamarkaana ummadaasi ay isku dishay si fool xun kana fog caqliga wanaagsan , iyadoo waliba dagaaladaasi ay sabab u noqdeen Dhimasho, dhaawac, bur-bur, Baaba hanti badan, Barakac, iyo musiibooyin kale oo fara badan.
Si kastaba ha ahaatee meesha ay maanta colaadaasi soo gaartay waxay u muuqataa meel kama dambeys ah oo Soomaaliya ay ku soo afjarmayso maadama ay ummadii waxaas oo xadgudub ah isku gaysatay ay misna hadda kala dhuuqayaan dhiig ka badan kii hore iyagoo adeegsanaya magacyo iyo muuqaalo ka duwan kuwii hore. Murugadu waxaa ay tahay Diintii Islaamka oo meel looga dhacay waxana dhinacyada rabshadaha wada ama ay u dhaxeeyaan ay adeegsanayaan magaca Dinta Islaamka oo ah Diinta ugu wanaagsan koonkan islamarkaana ah diinta kaliyah ee dhabta ah ee si xaq ah u dhowreysa nabada iyo xasiloonida. Goobaha dagaalada Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaad ku arkeysaa dhimasho badan iyo dhaawac daadsan waddooyinka xiliyada colaadaha sida dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, waxaadna kale oo aad arkeysaa Magaalada oo aad cidlo u ah, dadkiina uu ka baxay intiisa badani. Wal-walka Muqdisho! Muqdisho ayaa u eg mid ooyintii ka sii dhamaanayso, waxaadna waddooyinka ku arkeysa xayawaanno u badan Eeyo, Bisado, iyo Dameero, kuwaas oo looga siibtay ama looga qaxay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho. xayawaankaasi waxey u muuqdaan kuwa walaaca la wadaagaya Caasimada iyo goobaha kale ee colaadu ka taagantahay ee Soomaaliya.
Wal-walka ugu wayn ee haysan kara xayawaankan iyo Caasimada dadkeedii duleeyeen ee Muqdisho, waxa uu yahay, Cida Bedeli doonta oo degi doonta mar haddii Soomaalidii duleysay Dalkeeda. Carruurtii iyo haweenkii qaarbaa adkeysanaya oo Magaalada sheedda ka eeganaya iyagoo guryo cooshado ah ka sameystay meelo cidlo ah oo aan caasimada ka fogeyn, Kumanaan kale ayaad ku arkeysaa wadamada dariska sida kuwa aan kor ku soo sheegay waxayna dadkaasi ka nolol liitaan xayawaanka, laakin dadbaa u haysta in haddii ay Soomaaliya ka soo baxsadeen ay haystaan nolol wanaagsan. Qaar ka mid ah dalalka afrikaanka ah ee dadkaasi ay u qaxeen waa ay gadanayaan Soomaalida yacni dadkii soo qaxay ayaa lacag ah oo aad u moodaa in ay dani ugu jirto kuwa la miciin biday dalalkooda sida dalalka ku yaala barriga afrika. “Anigga waxaa laga iga qaaday boqol doolar markii aan sameysanayay kaarka magangangalyo doonka ee aan ka qaadanayay Uganada markii aan soo galay, laakin waxaa layaab igu noqday qofkii Soomaali ah oo aan lacag bixin oo Booliska iyo xaafisyada diiwaangalinta taga lama siinayo warqad uu dalka ku joogi karo iyadoo aan laga qaadin lacag, sidaas waxa tiri gabar Soomaaliyeed oo Magaceeda ku soo koobtay”. Xalimo, Xeryaha qaxootiga ee dalalka dariska la ah Soomaaliya oo ay ka buuxaan Soomaali fara badan oo ka soo baxsanaya wali dagaalada foosha xun ee ka socda Koofurta Soomaaliya ayaa waxay dadkaasi muujinaya cabasho ka xoog badan mida gudaha ee ay qabaan waxaana ka mid ah iyadoo loogu goodinayo in ciidii ay u dhasheen aysan joogin sidaasi darteedna ay u nuglaadaan wax walba oo lagu sameeyo, Tu’saale ahaan inladuleysto oo kale.
Caalamku muxuu u fiirsanayaa dhibkan? Beesha caalamka oo iyadu mas’uul ka ah qayb ka mid ah Musiibada ku dhacday Soomaalida iyo dalkooda ayaa ku jirta jees jees iyo in ay ka cago jiido in wax laga qabto colaada labaatan jirsatay ee Soomaaliya Islamarkaana la helo dowlad soo celisa sumcadii Soomaaliya, amarkii iyo kala dambeyntii, balse taa bedelkeeda waxaa xaqiiqo ah in Beesha caalamka wadamo ka mid ahi ay sii hurinayaa colaada Soomaaliya si Soomaaliya ay u noqoto Dal Dad Kale Lagu Beero, maadama Soomaalidii dooratay qaxooti iyo in ay ku noolaadaan wadamo aan dani igu jirin mustaqbalka dhaw iyo midka dheerba. Ma’suuliyadda oo dhan ee dhibaatada Soomaalida oo aan sabab looga dhigi Karin beesha caalamka oo kaliya, laakin Soomaalidu ay kow ka tahay, waxaad moodaa dhibaatadaasi in ay ku timid, dhowr arrimood sida, Dal dad waayay, iyo Dunni Damiir Beeshay, Soomaalida oo Daw Mooday deganaanshaha daafaha caalamka iyo ku noolaashaha xeryaha qaxootiga si dullinimo, Daacadnimada iyo Cadaalada oo ka dhamaatay damacsidayaasha Soomaalida, iyo Soomaalidii oo dan mooday Darwarsiga dadyowga dunida kale. Arrinta Burcad badeeda!. Qodabkan waa mid xasaasi ah wuxuuna u baahanyahay daraasad dheeri ah iyo in Soomaalidu ay ogaato in markaana Baddeedii loo diyaar garoobay si loo dhalan rogo, iyadoo la adeegsanayo Burcad Badeednimo, dhaqan-xumada ay keenen kooxahaasi iyo dano kale. Arrinta burcad-badeedku ma ahan wax u sahlan sida dad badan oo Soomaali ka soo jeeda u haystaan waxana arrintaas ka fog ajandaha qarsoon ee Caalamka iyo shirkadaha shisheeye ee sida sharcidarada ah uga kalluumeya Biyaha Badweynta Soomaaliya oo aan lahayn cid ama hay’ad u dooda xaquuqdooda. Ugu dambeyntii waxaan Maqaalka ku gaabinayaa"Mee ummada Soomaaliyeed mey dib isu dabaqabtaan si dalka Soomaaliya uusan u noqon Bahala galeen kadibna uusan isugu bedelin goob lagu tallaalo ummado kale. By: Omar Suleiman Omar (Tita)
| |
|