asw.walaal tix gabay uu idin tirinayo walaal kiina kafaa,iideysi wacan.
waa gabay ka tarjumaya waaqica hadda jira oo muslimiinta kitaabkooda ay kadoorbideen wax lagu magacaabo dimoqraadi. shar oo dhan waxay usugnaatay dimuqraadi.
magaca gabaygana waa : kudhaqma diintiina /kafogaada dimoqradiyadda
Dad haduu islaam yahay *dibnaha ka ashahaataan
Mu’miniin ku doodaan *wixii daa’im faray iyo
Diintana ilaawaan *durbaan uu ibleys sido
Dirirada ku dheelaan*duuflaal ku baaqiyo
Dalaal iyo wax lagu lumay*ay daba raqleeyaan
Xukumada kusoo daga*dambigeeda uu dhalo
Diintay ku taalaa *duna laguma dhaafine
Miyaasbe hoosna loo dayin*miyaan daa’inkeyn oran
Duul haduu icaasiyo*duqeyda ay xilsaaraan
Waa jeedal daranoo*iyagii dib ula dhaco
Dal dal ee xabsiga geey*dila iyo rasaas mari
Iyo horiya daba diid".
waa tix gabay ah uu tiriyay,, ,E.cubaydullaah.