Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 maansada darxumo

Go down 
3 posters
AuthorMessage
abdi hafid abdi salan1
Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
abdi hafid abdi salan1


Mawduucyadaada : 20
ka Qeeb Qaadashaadaada : 46
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 14/02/2010
35
Shaqadaada : student at university

maansada darxumo Empty
PostSubject: maansada darxumo   maansada darxumo EmptySun Feb 14, 2010 3:10 am

Darxumo

Maansadaan la magac baxday Darxumo waxay si kooban u guud mareysaa daruufaha iyo darxumada heysato shacabka Soomaaliyeed Abwaankana waxuu ilaah ka baryayaa in uu dalkaan dhibaatada ku dhacday samata bixiyo

waxaa hal-abuuray Abwaan C/fitaax Xasan Maxamuud (Xaaxaale)





Deeleyda maansada

Haddii daaha laga rogay

Suugaanta dahabkaa

Waageed dilaacoo

Marlabaad digleysaa

Kama daahin anigoo

Durdurkeeda buuxaan

Wadaan soo darsanayaa

Daa’inow alahayow

Umadeena daadihi





Hal-abuurka soo dagay

Da’yartaan afmaalkaa

Waan idiin dardaarmoo

Dhaqankeena duuggaa

Afka aan dabiibnoo

Xeer daab ilaaliyo

Dabin aan sameynoo

Qolo naga dambeysaa

Dhaxal loogu deeqana

Dowgeena weeyaan

Daa’inow alahayow

Umadeena daadihi



Anigoo damaashaad

Moqokori dusheediyo

Maxaas soo dalxiisoo

Nugaal oo daruuruhu

Wali roobku da’yayoo

Oo haradu doogiyo

Shimbiruhu dul buubaan

Waa deeq ilaahoo

Dalkeenaa ku faanee

Daa’inow alahayow

Umadeena daadihi



Hadaan deelka maansada

Murti aan ku sii daro

Dulucda iyo ujeedada

Hadaan dacal ka soo rogo

Dalka iyo dadkeenii

Darxumaa haleeshoo

Dihaal iyo dhibkiisii

Diif baa ku raagtoo

Cudur baa dilaayoo

Dawo looma haayee

Daa’inow alahayow

Umadeena daadihi





Umadyahay dalkeenii

Duul baa ku soo dagay

Dacalada ka soo galay

Diin iyo wanaageed

Iyagaa ka daadagay

Dhaqankeeni dahabkaa

Waa horaa la duugoo

Dirac iyo hagoog baa

Raggi loogu duubee

Daainow alahayow

Umadeena daadihe



Adduunyada dareeniyo

Waa daar dhib badanoo

Waa guri dab naariyo

Waa hooy dahsoonoo

Holoc aan dameyniyo

Olol sii durkaayee

Kolna waa dux roonoo

Waa daad rogmaayoo

Waa doog baxaayoo

Ishu eey ka daaline

Waa duunyo dhaqaniyo

Nimco lagu dareeree

Waa dumar qurxooniyo

Aqal lagu dakeeyee

Waa dambar macaaniyo

Adhi sabada daaqee

Ninki sabin ku daahana

Mar baa laga dul qaadaa

Daa’ino alahayow

Umadeena daadihi





Wadaad iyo dirkiisana

Waa in aan ka durugnaa

Kol hadeyba diintii

Qaab kale u dalillsheen

Sabiyadiina dooxeen

Duub iyo waxgaradkii

Maati eysan deeyneyn

Iyagaa dulleysane

Kolley umaddu diidaye

Daa’inow alahayow

Umadeena daadihi



Ardeydii kuwii dilay

Kumanaan daweynaa

Dhiigooda daadshoo

Jihad loogu dowgalay

Amarkey dulsaaraan

Ruuxii ka daahana

Diintuu ka baxayaa

Dastuurkooda suu qabo

Sidaas baa ka daacada

Dakana kuwii galay

Dagaalada sokeeyiyo

Kuwi deebta hurin jiray

Taariikhda daabacan

Iyadaa diiwaan galin

Daa’inow alahayow

Umadeena daadihi



waxaa curiyay Abwaan :C/fitaax Xasan Maxamuud (Xaaxaale)

xaaxaale77@hotmail.com


Tafatire
abdi hafid abdi salan

Email
xaafidyare88@hotmail.com



-------------------------------------------------------------------------------
Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

maansada darxumo Empty
PostSubject: waaaaaaaaaaaaaw   maansada darxumo EmptySun Feb 14, 2010 3:24 am

walaahi sxb maansadaan waaa maanso zaaid u qatar inkastoo aan ahayn dadka xiiseeya maansooyinka laakin saamayn ay iigu yeshay walaal abdi hafid wad dadaaalkaa salamu calykum
Back to top Go down
abdi hafid abdi salan1
Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
abdi hafid abdi salan1


Mawduucyadaada : 20
ka Qeeb Qaadashaadaada : 46
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 14/02/2010
35
Shaqadaada : student at university

maansada darxumo Empty
PostSubject: kkkkkkkkkkkkkkkk   maansada darxumo EmptySun Feb 14, 2010 5:43 am

BinMaadow wrote:
walaahi sxb maansadaan waaa maanso zaaid u qatar inkastoo aan ahayn dadka xiiseeya maansooyinka laakin saamayn ay iigu yeshay walaal abdi hafid wad dadaaalkaa salamu calykum

sxb adaa mudan
Back to top Go down
Dr.Jabjab
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 3
ka Qeeb Qaadashaadaada : 3
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 25/02/2010

maansada darxumo Empty
PostSubject: Re: maansada darxumo   maansada darxumo EmptyThu Feb 25, 2010 2:51 am

masha'allah hafid mansadad aad ay ii soo jeediti, run ahaanti waxa ku dheehan murag iyo xaqiiq, dalka ilaah ha badbaadiyo ummada in badan ay nabad la'an tahay , wax qeyr qabo iino keeno Very Happy Embarassed
Back to top Go down
Sponsored content





maansada darxumo Empty
PostSubject: Re: maansada darxumo   maansada darxumo Empty

Back to top Go down
 
maansada darxumo
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» maansada sooyaal

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Gabayada iyo Murtida iyo Maahmahyada-
Jump to: