Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 ha khiyaamin naftaada

Go down 
AuthorMessage
abdi hafid abdi salan1
Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
abdi hafid abdi salan1


Mawduucyadaada : 20
ka Qeeb Qaadashaadaada : 46
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 14/02/2010
35
Shaqadaada : student at university

ha khiyaamin naftaada Empty
PostSubject: ha khiyaamin naftaada   ha khiyaamin naftaada EmptySun Feb 28, 2010 9:45 am

Ha Khiyaamin Naftaada !!!

Shaki la'aan Jacaylka waa awoodda qofka u keenta in uu la yimaado wanaagiisa heerka ugu sareeya ama tabar dari caqli iyo jir ahaaneed heerka ugu hooseeya.

Inkastoo uu bani aadanku leeyahay dareeno kala duwan haddana ma jirto dareen ku miisaan ah jacaylka insaankuna uu ku bixiyay waqti fara badan oo daraasad, baaritaan iyo wax iska weydiin ah, runtuse waxay tahay in waxa aan ka aqrinayno buugaagta jacaylka ama aan ka daawanayno shaashadaha TV-ga ay tahay si noloshuna si kale, waayo waxaa iska caadi ah in uu jilaha filimka uu u sameeyo jacaylkiisa nafhurnimo waali ah laakin nolosha dhabta ah nafhurnimadaas waa dhif iyo nadir.

Inta badan gabdhaha hadda dhaw uun qaangaarka soo noqday ee aan khibrada lahayn waxaa daashaday oo fara ba'an ku haya nolol dhalanteed ah iyo jacayl aragtida koowaad ah oo ay naftooda ku khiyaameen kuna salaysan gaariga uu wato, xaafada uu deganyahay iyo habka lebiskiisa iwm jacaylka dhabta ahna suurogal ma ahan in uu ku dhasho si kedis ah ee waa kan ka dhasha miraha is barasho dhamaystiran oo bislaatay.

Jacaylka ugu horeeya ee gabadha ay la jisho wiilka ay u aragto in uu yahay shakhsiga riyadeeda, iftiinka nolosheeda iyo baraaraha qoys ay yeelato ayaa haddana la xaqiijiyay in uu fashil ku dhamaado sababo badan oo isbiirsaday darted:

1: Gabar kasta oo aaminsan in ay ugu qurux badantahay gabdhahoo idil, uguna deganaan caqli iyo soo jiidasho sareyso taasi oo kedo gelisa wiilkana uu kaga faa'iideysto malaheedaas una fuulo buur kasta si uu u burburiyo dhalanteedkaas isagoo ammaan, haddiyado, sheekooyin jacayl iyo hadal macaani isagu daraya ilaa ay dabinka ka soo gasho.

2: gabadha oo ku degdegta in ay ka gungaarto jacaylkeeda iyadoo uu horbaadayo wiil aanan khibrad iyo waayo aragnimo dheereyn.

3: U bareerida shukaansiga qaldan ee shumiska iyo dhuuqmada ay u yihiin dhextaalka iyo gunaanadka ee diinteena iyo dhaqankeena ku qaldan, hubanti wiilku ma guursado gabadha ilaa uu kaga kalsoonaado mana ku kalsoonaanayo illaa xishood, dhowrsanaan iyo akhlaaq mooyaane, sidaas darted ha u ogolaan wiilka qayb ka mid ah jirkaaga guur ka hor, haddiise aad tahay mid raqiis ku soo gashay ayna dhacdo in uu ku guursado ma heleysid kalsoonidiisa oo buuxda waayo waxa uusan halmaamayn in aad ahayd mid sahlan oo raqiis ah guurka ka hor.

Ogsoonow wiil uu damac kaga jiro jirkaaga guur xalaal ah ka hor in uusan dan ka lahayn mustaqbalkaaga danbe jacayl daacad ah aanu kuu qabin, ha u qaadan rabitaanka jinsayadeed ee uu damacsanyahay wiilka in ay ka midtahay siyaabaha lagu muujiyo jacaylka.

Qiimee oo baaritaan dheer ku samee qofka aad naftaada ku aaminayso oo ka gaar heer kalsooni la hubo, mana la gaarayo kalsooni buuxda ilaa aad qofka la dhadhamiso rajo iyo quus, farxad iyo xanaaq, oohin iyo qosol, gaajo iyo dhereg jacaylka waa meesha ugu sareysa ee iskaashiga bini aadanka, waana in aad jeclaataa lammaankaaga xaalad kasta, waxay ahaan doontaa mid muqadas ah oo taagnaan doonta in jacayl la isu qaado inta nolosha aadanaha ay jirto, haddaba u dhaaf dareenkaaga in uu ku tuso dooqaaga balse u daa caqligaaga in uu lahaado go'aanka saxda ah.

Jacaylku waa isku xirka nafeed ee ka dhaxeeya labada dhinac, kuna dhisan ka mideysnaan fikir iyo aragti ah, waxaanse ka xumahay inaan ugu yeerno jacayl xiriir walba oo wiil iyo gabar ka dhexeeya ee aan ka badnayn baashaal iyo waqti lumin, macquulna ma ahan in uu ku noolaado jacaylka nolol malo iyo been abuur iska ah ee waa cadceed duhur taagan iyo Ileys yaala banaan.


C/nasir Maxamed Axmed Zero

Tafatire
cabdi xaafid cabdi salan ibraahim
tel 0922678749

Sudan Qartum
Back to top Go down
 
ha khiyaamin naftaada
Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: