Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 12-aad: Noocyada Processor-ka 3

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 12-aad: Noocyada Processor-ka 3 Empty
PostSubject: Casharka 12-aad: Noocyada Processor-ka 3   Casharka 12-aad: Noocyada Processor-ka 3 EmptyThu Feb 10, 2011 3:30 am

Noocyada Processor-ka (Way socotaa...)



Sidaan ku soo aragnay [You must be registered and logged in to see this link.] waxaa processor-rada loo qaybiyaa dhawr jiil. Casharka
10-aad waxaan ku soo qaadanay jiilalka 1-aad ilaa 4-aad.
[You must be registered and logged in to see this link.] na waxaan ku soo qaadanay jiilka 5-aad. Casharkaanna
waxaan ku soo qaadan doonnaa jiilka 6-aad.



  1. Sexth Generation (P6)
    Bishii September ee sanadkii 1995-kii
    ayay Intel soo bandhigtay processor-kii ugu horeeyay
    processor-rada jiilka 6-aad. Jiilkaani wuxuu noqday
    jiilkii ugu horreeyay ee gilgilay shirkadda Intel
    islamarkaana wax weyn ka beddelay haysashadii ay Intel
    haysatay suuqa processor-rada. Waxaa si xoog leh u
    kordhay tartanka ay shirkadaha processor-rada sameeya oo
    ay ka mid tahay AMD ku hayaan Intel.

    Jiilkana wuxuu farsamadii jiilka 5-aad
    ku sii kordhiyay arrimo dhawr ah oo sii kordhiyay
    xawaaraha iyo hawl qabadka processor-ka. Farsamooyinka uu
    jiilkaan soo kordhiyay waxaa ka mid ah farsamada loo
    yaqaan Dynamic Excution oo surtogal ka dhigtay in dhawr
    [You must be registered and logged in to see this link.] si barbarro ah isku mar loo fuliyo taasoo
    keentay in xawaaraha hawl qabad ee processor uu kor u
    kaco. Waxa kale oo uu jiilkaani soo krodhiyay
    Data
    Bus
    hor leh oo loogu tala galay
    in uu processor-ku kula xiriiro Memory-da loo yaqaan
    [You must be registered and logged in to see this link.] (Level 2). Sidaan hore u soo aragnay xawaaraha Data
    Bus
    -ka caadiga ahi wuxuu la mid
    yahay kan Motherboar-ka. Laakiin Data Bus-ka labaad ee uu
    jiilkani soo kordhiyay wuxuu xawaarihiisu la mid yahay
    xawaaraha Processor-ka oo la kala baray. Taasina waxay
    keenaysaa inuu processor-ku akhbaarta ku kaydsan L2
    Cache-ka ku soo akhristo xawaare aad uga dheereeya kan
    Motherbord-ka. Halkii wareeg wuxuu jiilkani ku fulin
    karaa ilaa saddex
    [You must be registered and logged in to see this link.]. Intaas
    waxaa u sii dheer xawaaraha Processor-ka oo si aad ah kor
    loogu qaaday.

    Processor-rada jiilka 6-aad waxay kala
    yihiin:


    • Pentium Pro
      Noocani waa noocii ugu
      horreeyay jiilkaan waxaan la soo bandhigay bishii
      September ee sanadkii 1995, laakiin wuxuu suuqa
      si fii can u soo galay bartamihii sandkii [You must be registered and logged in to see this image.]
      1996-kii. Pentuim Pro wuxuu qaataa
      Motherboard leh
      [You must be registered and logged in to see this link.] sidaa
      darteed Pentium Pro ma qaato Motherboard loogu
      tala galay Pentium. Noocani wuxuu uga duwan yahay
      noocyada kale ee jiilkaan isagoo leh L2 Cache ku
      dhex dhisan qolofka processor-ka, baaxaddiisu ay
      u dhaxayso 256 K ilaa 1M. Bartamaha sawirka
      midige waxaad ka aragtaa laba afar gees oo isku
      dhinac yaalla. Labdaas midkood waa Processor-ka
      laftiisa kan kalena waa L2 Cache. Maadaama uu L2
      Cache-kaasi ku dhex dhisan yahay qolofka
      processor-ka wuxuu xawaarihiisu la mid yahay kan
      processor-ka. Pentium Pro wuxuu leeyahay
      xawaareyaasha kala ah 150, 166, 180 iyo 200 Mhz.
      Wuxuu leeyahay Internal Register ay baaxaddiisu
      tahay 32-bit, laba
      [You must be registered and logged in to see this link.] oo uu
      kiiba balliciisu yahay 64-bit,
      [You must be registered and logged in to see this link.] uu balliciisu yahay 36-bit.

      Pentium Pro way ku adkaatay
      inuu ku faafo suuqa caadiga ee PC-ga ay dadka
      caadiga ahi isticmaalaan taasna waxaa sababay
      isagoo qaali ahaa taasna waxaa keenay L2 Cache-ka
      lagu dhex dhisay. Laakiin wuxuu suuq ka helay oo
      si aad ah loogu isticmaalaa kumbiyuutarrada loo
      yaqaan File Servers-ka oo ah kuwa lagu kaydiyo
      dokumentiga iyo program-yada ay isla isticmaalaan
      dadka isku meel ka shaqeeya siiba dadka u
      shaqeeyay hay'adaha dawliga ah iyo shirkadaha
      waaweyn.




  • Pentium II
    Bishii May ee sanadkii 1997-kii
    ayay Intel soo saartay processor-ka Pentium II oo
    loogu dhawaaqo (Pentium 2). Pentium II wuxuu aad
    wax uga beddelay muuqaalkii [You must be registered and logged in to see this image.]
    processor-rada lagu yaqaanay. Halka
    processor-radii ka horreeyay ay lahaayeen qaab
    afar gees ah oo si ballaar ah ugu xirma
    Motherboard-ka wuxuu Pentium II ku dul samaysan
    yahay kaar yar oo u eg kararka
    [You must be registered and logged in to see this link.]. Wuxuuna Motherbord-ka kaga xirmaa Slot
    u qaab eg
    [You must be registered and logged in to see this link.] PCI
    iyo ISA isagoo Motherbord-ka la samaynaya xagal
    toosan oo 90 digrii ah (Fiiri sawirka Midige).
    Kaarkaas waxaa kale oo ku dul rakiban L2 Cache
    iyo
    [You must be registered and logged in to see this link.]-ka
    labaad ee xiriiriya Processor-ka iyo L2 Cache-ka
    oo sida caadiga ah 512 K. Taasi waxay keentay in
    qiimaha samayska ee processor-ku uu ka jabnaado
    kii Pentium Pro maadaama ay processor-ka iyo L2
    Cache-ku kala madax bannaan yihiin oo aysan isku
    qolof ku jirin sidii Pentium Pro. Waxa kale oo ay
    taasi suurto gal ka dhigtay in Intel ay
    isticmaasho L2 Cache ay sameeyeen shirkado kale
    iyo in xawaaraha L2 Cache-ku uu la mid noqdo
    xawaaraha processor-ka barkii. Taasoo keentay in
    Pentium II uu isticmaalo L2 Cache uu qiimaheedu
    jaban yahay maadaama uu xawaareheedu hooseeyo.

    Pentium II wuxuu farsamadii
    Pentium Pro ku daray farsamada loo yaqaan MMX oo
    sidaan ku soo aragnay
    Cashar-ka
    10-aad
    ah farsamo si
    gaar ah loogu tala galay program-yada uu noocoodu
    yahay Multimedia. Sidaa darteed Pentium II wuxuu
    ka samaysan yahay Pentium Pro iyo Pentium MMX oo
    la isu geeyay. Pentium II wuxuu leeyahay
    xawaareyaasha kala ah 233, 266, 300, 333, 350,
    400 iyo 450 Mhz. Xawaareyaasha 233, 266, 300 iyo
    333 waxay isticmaalaan Motherboard uu
    xawaarihiisu yahay 66 Mhz. 350, 400 iyo 450 na
    waxay isticmaalaan Motherboard uu xawaarihiisu
    yahay 100 Mhz.




  • CeleronBishii April ee sanadkii 1998-kii ayaa
    waxay Intel soo saartay processor-ka loo yaqaan
    Celeron oo asal ahaan ah Pentium II oo wax laga
    beddelay si qiimo jaban loogu gado. Celeron wuxuu
    ku soo baxay isagoo inta kale kala mid ah Pentium
    II laakiin laga reebay L2 Cache-kii iyo Data
    Bus-kii labaad ee la socday Pentium II iyo
    Pentium Pro, wuxuuna ku soo baxxay xawaareyaasha
    kala ah 266 iyo 300 Mhz. Celeron waxaa loogu tala
    galay in lagu isticmaalo kumbiyuutarrada qiimaha
    jaban lagu gado. Laakiin arrintaas Intel way ku
    guul darraysatay maadaama uu Celeron sida Pentium
    II u baahnaa Motherboard cusub oo leh Slot 1.
    Sidaa darteed waxay Intel go'aansatay inay L2
    Cache-kii dib ugu soo celiso. Bishii august ee
    1998-kii ayaa waxay Intel soo saartay Celeron
    wata L2 Cache uu xaddigiisu yahay 128 K.
    Magiiciisana waxay markaas u beddeshay Celeron
    A
    . Celeron A wuxuu ku soo baxay
    xawaareyaasha kala ah 300 iyo 333 Mhz.

    Bishii december ee 1998 ayaa
    waxay intel beddeshay samayskii Celeron A iyadoo
    daba socota fikraddeedii ahayd in Celeron uu
    noqdo processor qiimo jaban. Waxay soo saartay
    Socket cusub oo loo bixiyay Socket 370
    kaasoo qiimo ahaan ka jabnaa Slot 1.
    Taasna waxay keentay in magaca processor-ku uu
    mar kale isbeddelo oo uu noqdo Celeron A 370.
    Noocani wuxuu isna ku soo baxay
    xawaareyaasha kala ah 366 iyo 400 Mhz.




  • Pentium III
    Bishii March ee 1999 ayaa Intel
    waxay soo saartay Processor ay u bixisay Pentium
    III. Magaca Pentium III waa la filaayay laakiin
    waxay dad badan u haysteen run ahaantiina Intel
    lafteeda markii hore u qorshaysnayd in magacaas
    loo kaydinayo Processor-ka ugu horreeya Jiilka
    7-aad oo aan weli soo bixin. Laakiin Intel way
    isbeddeshay waxayna dooratay in Processor-kaan oo
    ka mid ah processor-rada jiilka 6-aad ay u bixiso
    Pentium III.

    Pentium III wuxuu farsamadii
    Pentium II ku sii kordhiyay awood dheeraad ah oo
    loogu tala galay inay kor u qaaddo hawl qabadka
    program-yada isticmaala waxa loo yaqaan
    3D-graphics iyo Multimedia. Waxa kale oo
    processor-rada noocaan ah loo sameeyay nambar
    taxane ah (serialnumber)
    oo
    aqoonsi u ah processor kasta. Nambarkaas
    processor-ka ayuu farsamo ahaan ku dhex samaysan
    yahay waxayna kumbiyuutarradu isugu gudbin karaan
    tusaale ahaan Internet. Nambarkaas waxaa loo
    yaqaanaa PSN (Personal SerialNumber) waxaana
    loogu tala galay in kumbiyuutarka lagu aqoonsado
    marka tusaale ahaan Internet wax lagu kala
    gadanayo. Maadaama kumbiyuutarka laga rabo inuu
    is caddeeyo oo uu soo gudbiyo PSN-ka
    processor-kiisa waxaa adkaanaysa in qof kale oo
    isticmaalaya kumbiyuutar kale uu adeegsado
    magacaaga oo uu wax ku iibsado. Waxa kale oo loo
    adeegsan karaa ayay Intel leedahay cod bixinta
    doorashooyinka baarlamaanka iyo wixii la mid ah
    in lagu qabto Internet oo uu qofku isagoo
    gurigiisa fadhiya codkiisa dhiibto. Islamarkaana
    laga badbaado in uu qof magac uusan lahayn
    adeegsado.

    Waxayse taasi khasab ka
    dhigaysaa in kumbyuutarka aad adeegsanayso aad
    adigu leedahay isla markaana uu magac ahaan adiga
    kugu qoran yahay. Taasi waxay keenaysaa inaadan
    isticmaali karin kumbiyuutarrada yaalla shaqada,
    Maktabadda iwm. Waxa kale oo jirta cabsi laga
    muujiyay in taasi ay keento in xad gudub ah in
    aysan qofka waxba u qarsoomin oo hadduuba
    Internet galo uu kashifan yahay. Iyo weliba in
    PSN-ka ay haddii ay helaan isticmaali karaan
    dadka loo yaqaan Hackers-ka oo ay sidaas ku
    maamulan karaan kumbiyuutarkaaga. Eedahaasi waxay
    keeneen in Intel ay processor-ka soo saarto
    isagoo PSN-ku xayiran yahay iyadoo islmarkaa
    processor kasta soo raacisay program qofka gatay
    hadduu doonayo u suurto galinaya inuu nambarkaas
    fasaxdo. Pentium III wuxuu leeyahay xawaareyaal u
    dhexeeya 450 Mhz ilaa 1.13 Ghz (1130 Mhz). Dadka
    farsamo yaqaannada ahi waxay ka cawdaan nooca ugu
    dheereeya ee uu xawaarihiisu yahay 1.13 Ghz oo ay
    yiraahdaan wuu cillado badan yahay oo sidii loogu
    tala galay uma shaqeeyo.




  • AMD-K6 Bishii November ee sanadkii 1996-kii
    ayaa shirkadda AMD waxay soo saartay processor
    loo bixiyey AMD K6 oo noqday processor ay AMD aad
    ugu guulaysatay run ahaantiina muddo gaaban
    hogaaminayay processor-rada jiilka lixaad ilaa ay
    Intel ka soo saartay Pentium II. AMD-K6 waxaa ku
    dhex dhisan farsamada MMX oo ay AMD ka gadatay
    Intel wuxuuna isticmaalaa L2 Cache uu
    xawaarihiisu la mid yahay kan Motherboard-ka. AMD
    waxay Intel kula tartartaa xagga qiimaha oo ay
    mar kasta kaga hoosayso sidaa darteed K6 qiimo
    ahaan wuu ka jaban yahay processor-rada jiilka
    6-aad ee ay Intel samayso laakiin xagga tayada
    waa looga fiican yahay. K6 wuxuu ku soo baxay
    xawaareyaasha kala ah 166 iyo 200 Mhz. Bishii
    April 1997-kii ayaa wuxuu K6 ku soo baxay
    xawaaraha 233 Mhz. Bishii April 1998-kiina waxa
    soo baxay xawaareyaasha kala ah: 266 iyo 300 Mhz.




  • AMD K6-2 Bishii May ee sanadkii 1998-kii ayaa AMD
    waxay soo saartay K6-2 oo ay ugu tala gashay inay
    kula tartanto Pentium II oo K6 si fiican uga
    adkaaday. Taasna way ku [You must be registered and logged in to see this image.]
    guulaysatay
    oo K6-2 wuxuu noqday mid si fiican ula tartama
    Pentium II. K6-2 wuxuu lahaa farsamo ay AMD u
    bixisay 3D-NOW oo loogu tala galay program-yada
    isticmaala farsamada loo yaqaan 3D graphics.
    Wuxuuse lahaa L2 Cache ay baaxaddiisu ahayd 512
    oo uu xawaarihiisu la mid ahaa kan
    Motherboard-ka. Taas ayaana ugu dambayntii culaab
    ku noqotay keentayna in tartankii uu Pentium II
    ku guulaysto maadaama uu leeyahay L2 Cache uu
    xawaarihiisu la mid yahay xawaaraha processor-ka
    barkii. Laakiin maadaama uu xagga qiimaha kaga
    jabnaa Pentium II wuxuu helay qeyb lixaad leh oo
    suuqa ka mid ah. K6-2 wuxuu leeyahay
    xawaarayaasha kala ah: 266, 300, 333 Mhz oo soo
    baxay 28/05/98
    iyo 350 iyo
    400 Mhz oo soo kala baxay
    27/08/98.




  • AMD K6-3Billawgii sanadkii 1999-kii ayaa AMD
    waxay soo saartay K6-3 oo ay ugu tala gashay inay
    kaga adkaato Pentium II islamarkaana ay kula
    tartanto Pentium III. K6-3 Wuxuu la mid yahay
    K6-2 laakiin waxaa lagu soo kordhiyay L2 Cache ku
    dhexdhisan qolofka processor-ka oo uu
    xawaarihiisuna la mid yahay kan processor-ka.
    Cilladda ugu weyn ee uu Pentium II uga adkaaday
    K6-2 waxay ahayd L2 Cache-ka K6-2 oo uu
    xawaarihiisu la mid ahaa kan Motherboard-ka.
    Sidaa darteed ayay AMD u go'aansatay inay L2
    Cache-ka ku dhexdhisto Processor-ka. Taasi waxa
    weyn ayay ku kordhisay xawaaraha hawlqabadka ee
    K6-3 laakiin weli Pentium III ayaa ka dheereeya
    taasna waxa keenay Math processor-ka ku
    dhexdhisan Pentium II iyo Pentium III oo ka
    dheereeya kan ku dhexdhisan K6-2 iyo K6-3. K6-3
    wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah: 350, 400
    iyo 450 Mhz.




  • AMD AthlonKa dib markii uu K6-3 sidii la rabay ula
    tartami waayay Pentium III ayaa AMD waxay soo
    saartay Athlon
    si ay uga
    adkaato Pentium III. AMD aad ayay ugu guulaysatay
    ula jeeddadii ay ka lahayd Athlon waayo waxaa
    dhacaday inuu xataa ka hor maray Pentium III oo
    uu xawaare ahaan iyo tayo ahaanba kaga adkaaday
    Pentium III. Maanta waxaa la sugayaa in Intel ay
    soo saarto Processor iska dhicin kara Ethlon
    maadaama uu Pentium III si fiican uga adkaaday.
    Intel waxay mar hore sheegtay inay soo waddo
    processor la yiraahdo Prntium 4 oo ugu horrayn
    doona processor-rada jiilka lixaad ee Intel.
    Laakiin nasiib darro waxaa dhacday in dhawr jeer
    uu dib u dhac ku yimid soo saaridda Pentium 4.
    Athlon wuxuu leeyahay xawaareyaasha kala ah: 850,
    900, 950, 1000 iyo 1200 Mhz1.2GHz(1200MHz), 1100,
    1000, 950, 900, and 850MHz.


</li>



Casharkaana oo ah kii ugu dambeeyay casharradii
aan uga hadlaynay Processor-rada halkaas ayaan ku joojinaynaa.
Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa
Memory-da loo yaqaan RAM (Random Access Memory) iyo noocyadeeda.







Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
Back to top Go down
 
Casharka 12-aad: Noocyada Processor-ka 3
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Casharka 10-aad: Noocyada Processor-ka 1
» Casharka 11-aad: Noocyada Processor-ka 2
» Casharka 9-aad: Processor-ka
» Casharka 17-aad: Noocyada Hard Disk-ga
» Casharka 6-aad: Qaybaha Motherboard-ka 2

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
Jump to: