Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Casharka 2-aad: Personal Computers (PC)

Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka
Kuliyada Shabakada Maadow


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

Casharka 2-aad: Personal Computers (PC) Empty
PostSubject: Casharka 2-aad: Personal Computers (PC)   Casharka 2-aad: Personal Computers (PC) EmptyThu Feb 10, 2011 3:08 am

Personal
Computers (PC)


Waxaan casharkeenii koobaad ku soo qeexnay waxa uu yahay
kumbiyuutarku, inta nooc ee guud ahaan loo qaybiyo iyo nooc walba meelaha
ama waxa inta badan loo isticmaalo. Casharkaan oo ah kii labaad waxaan
si faahfaahsan ugaga hadli doonaa Personal Computers (PC) oo ah
mid ka mid ah noocyaddii aan u soo kala qaybinay kumbiyuutarka.


Personal Computers oo loo soo gaabiyo PC waxay u kala
baxaan laba nooc oo kala ah:


  1. PC

  2. Macintosh

Haddaba inta aanan sii dhexgalin dhismaha iyo qeybaha uu
ka kooban yahay personal Computer-ku waxaan dib ugu yara noqonaynaa taariikhda
noocaan kumbiyuutarrada ah iyo siday ku billowdeen:


Taariikhda Personal Computers

Sanadkii 1975 ayaa waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa sanadkii
uu noocaani dhashay oo soo saaristiisa la bilaabay. Joornaal la oran jiray
Popular Electronics ayaa wuxuu sanadkaas soo bandhigay kumbiyuutar magiciisa
loo bixiyey Altair 8800 oo ay soo saartay shirkad la oran jiray
MITS. Kumbiyuutyarkaas oo ahaa PC-gii ugu horeeyay wuxuu qiimihiisu ahaa
$397 doollar.


Sanadkii 1976 ayaa shirkadda Apple waxay soo saartay
kumbiyuutar loo bixiyey Apple I. Processor-kiisa (maskaxda kumbiyuutarka)
oo loo bixiyey 6502 waxaa lahaa shirkadda Motorola. Sannadkii 1977ayaa
waxaa soo baxay Apple II oo isagu noqday fikrad lagu guulaystay
muddo sanado badan ahna haystay suuqa PC-ga.


Sanadkii 1981 ayaa waxaa soo baxay kumbiyuutar aad wax
uga beddelay taariikhda Personal Computers-ka. Kumbiyuutarkaas oo loo bixiyey
IBM PC waxaa sida magiciisa ka muuqata soo saaray shirkadda IBM
processor-kiisa oo ahaa 8088 waxaa lahaa shirkadda ilaa iyo maanta
hormuudka u ah samaynta processor-adda ee la yiraahdo
Intel. Program-ka
kumbiyuutarka ka shaqaysiiya (Operating system) waxay IBM u dooratay MS-DOS
oo ay soo saartay shirkad aan markaas aad loo aqoonin laakiin maanta haysata
suuqa program-yada oo la yiraahdo Micrsoft
(waa shirkadda samaysay
Windows, Word, Excel, Powepoint, Internet Explorer iyo program-yo kale
oo fara badan).


IBM PC ma aysan lahayn Hard Drive oo ah halka lagu kaydiyo
wixii kumbiyuutarka la galiyo. Waxayse lahayd Diskette (Cajaladda yar ee
kumbiyuutarka loo isticmaalo) uu qaadkeedu ahaa 360 KB.


IBM PC wuxuu noqday nooc si dhakhso ah suuqo ugu fiday
muddo yar kadibna waxaa suuqa Personal Computers-ka qabsaday IBM PC iyo
MS-DOS.


Sanadkii 1983 waxay IBM soo saartay IBM PC/XT. Noocaas
oo lahaa Hard Drive qaaday 10 MB wuxuuna aad kor ugu qaaday isticmaalka
Personal Computers-ka. Sanadkii 1984 waxay Intel soo saartay processor
cusub oo loo bixiyey 80286 inta baddanna loo soo gaabiyo 286. Halkaasna
waxaa ka billowday nambar taxane ah oo magac looga dhigay processor-adda
ay soo saarto Intel. Taasina waxay keentay inay IBM soo saarto kumbiyuutar
la oran jiray AT oo wata processor-ka 80286 iyo Diskette uu qaadkeedu ahaa
1,2 MB.


Sanadkii 1984 ayaa shirkadda Apple waxay soo saartay kumbiyuutarkii
ugu horreeyay ee uu noociisu yahay Macintosh. Noocaasi wuxuu keenay in
shirkadda Apple ay suuqa ku soo noqoto.


IBM waxay dooratay inay u bandhigto una fasaxdo cid kasta
oo xiisaynaysa inay isticmaalaan farsamada ay kumbyuutarradeedu ku salaysan
yihiin, halka ay Apple ka dooratay inay farsamadeeda gacanta ku haysato
oo aysan cid kale u ogalaan. Arrintaasi waxay keentay inay shirkado fara
badani qaataan farsamada IBM oo ay sameeyaan kumbiyuutarro ku salaysan
habkii loo sameeyay IBM PC. Shirkadaha qaatay farsamada IBM waxaa ka mid
ah Compaq, Dell, HP iyo kuwa fara badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
Shirkadahaasi waxay ilaa maanta soo saaraan kumbuyuutarro loo yaqaan IBM
Compatibles oo micnaheedu yahay inay ku salaysan yihiin farsamadii IBM.


Sanadkii 1985 waxay Intel soo saartay processor-ka loo
yaqaan 80386 loona soo gaabiyo 386. 386 wuxuu ahaa processor-kii ugu horreeyay
ee uu noociisu yahay 32-bit. Taasina waxay keentay inay shirkado badani
sameeyaan kumbiyuutarro wata processor-kaas.


1987-kii waxay Apple soo saartay Mac II oo watay
processor loo bixiyey 68020. 1988-kiina waxa soo baxay Mac IIx oo
wadatay processor-ka 68030 waxaana ku xigay processor-ka 68040. 1984 waxay
Apple soo saartay Power Mac oo watay processor ay ka wada shaqeeyeen
IBM, Apple iyo Motorola oo loo yaqaan PowerPC.


Sanadkii 1989 waxay Intel soo saartay processor-ka loo
yaqaan 80486 loona soo gaabiyo 486. Processor-kaasi aad ayuu suuqa u qabsatay
oo waxaa soo baxay kubiyuutarro aad u fara badan oo wata processor-kaas
isla markaana si aad ah ayaa loo gatay. Markaa ayaa waxaa dhacday in shirkado
kale oo aan ahayn Intel ayna ka mid yihiin Cyrix iyo AMD ay sameeyaan processor
wata magaca 486. Taasi waxay keentay in Intel ay ka xumaato islamarkaana
ay ku dacwooto in shirkadahaasi ay ku xad gudbeen xuquuqda Copyright-ka
Intel. Waxayse maxkamaddii arrintaas la hor keenay go'aamisay in maadaamaa
486 ay tahay tiro, aanay cidina gaar u sheegan karin. Intel halkaas ayaa
dacwadii looga adkaaday oo way weyday wax ay ku difaacdo magaca 486.


Sanadkii 1993 waxay Intel soo saartay processor-kii ku
xigay 486. Laakiin halkii laga filaayay inuu magaciisu noqon doono 586
waxay u bixisay Pentium. Taasna waxay u yeeshay si ay ugu suurtowdo
in ay sharci ahaan Copyright uga difaacdo shirkadaha kale inay magcaas
la baxaan. Kadibna waxaa si isdaba joog ah u soo baxay Pentium MMX,
Pentium Pro, Pentium II iyo Pentium III oo hadda ugu
dambaysay.


Itaas ayaan casharkaan ku joojinaynaa. Casharka xiga waxaan
hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa dhismaha guud iyo qeybaha ay PC
ka kooban tahay. Ka dibna casharrada ku sii xigaa ayaan mid mid ugu soo
qaadan doonnaa mid kasta oo ka mid ah qeybahaas.





Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
Back to top Go down
 
Casharka 2-aad: Personal Computers (PC)
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Casharka 22-aad: DVD Drive-ka
» Casharka 9-aad: Processor-ka
» Casharka 13-aad: Memory-da
» Casharka 19-aad: CD-ROM Drive-ka
» Casharka 21-aad: CD Burner-ka

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
Jump to: