Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeFAQSearchRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

Share | 
 

 Casharka 3-aad: Dhismaha Kumbiyuutarka (PC)

View previous topic View next topic Go down 
AuthorMessage
Kuliyada Shabakada Maadow
Maamulka
Maamulka


Mawduucyadaada : 42
ka Qeeb Qaadashaadaada : 129
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 18/11/2010

PostSubject: Casharka 3-aad: Dhismaha Kumbiyuutarka (PC)   Thu Feb 10, 2011 3:10 am

Dhismaha Personal
Computer (PC)


[You must be registered and logged in to see this image.]Sida
aan ku soo sheegnay Casharka 2-aad,
Personal Computers waxaa loo kala qeybiyaa laba qeybood oo kala ah PC
iyo Macintosh. Kumbiyuutarrada noocaan ah ee maanta la isticmaalo
95% (boqolkiiba sagaashan iyo shan) waa PC. 5% (boqolkiiba shan)
waa Macintosh. In kasta oo ay PC iyo Macintosh iskaga mid yihiin
wax badan oo aan uga hadlayno casharkaan iyo casharradeena dambeeyaba haddana
waxaa jira wax badan oo ay ku kala duwan yihiin. Sidaa darteed ayaan casharradeenna
inta ka hartay waxaaan uga hadli doonnaa oo ay si gaar ah ugu saabsanasan
doonaan nooca PC, maadaama uu yahay nooca ugu badan ee maanta la
isticmaalo.


Dhismaha guud ee PC

PC waxay ka kooban tahay qeybo kala madax bannaan
oo la iksu xiriiriyay. Qeybahaas waxaa guud ahaan loo sii kala qeybiyaa 4 (afar)
qeybood oo waa weyn oo kala ah:


  1. Computer Case oo ah qeybta u taagan kumbiyuutarka.

  2. In Devices oo loo adeegsado in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo.

  3. Out Devices oo loo adeegsado in akhbaar kumbiyuutarka ku jirta
    lagula soo baxo.


  4. In and Out Devices oo loo adeegsado in kumbiyuutarka wax lagu galiyo
    iyo in wax lagula soo baxo labadaba.


[You must be registered and logged in to see this image.]

Afartaas qeybood ayaan mid mid u soo qaadanaynaa innagoo
mid walba sheegayna waxna ka taabnayna qeybaha soo hoos gala iyo mid walba
waxa loo adeegsado. Casharradeenna xiga ayaan qeybahaas si faafaahfaasan
uga hadli doonnaa hadduu rabi idmo. Casharkaan waxaan ugu tala galnay inuu
sawir guud ka bixiyo dhismaha PC.



  1. Computer CaseComputer Case waa santuukha birta iyo balaastiga isku jira
    ka samaysan ee ay fiilooyinku xagga dambe kaga jiraan. Dadka badankiisu
    qeybtaan muhiim uma arkaan laakiin waa qeybta saldhigga u ah kumbiyuutarka
    iyo qeybaha uu ka kooban yahay. Run ahaantii kumbuutarku waa qeybtaan.


    [You must be registered and logged in to see this image.]


    Computer Case waxay u kala baxdaa laba nooc oo kala ah
    Tower
    iyo Desktop.


    Tower oo ah nooca kaaga muuqda sawirka waa nooca ugu
    badan ee la isticmaalo. Tower waxaa loogu tala galay in la dhigo dhulka
    miiska hoostiisa ah, wuuna ka waasacsan yahay oo ka qaad badan yahay
    Desktop.


    Desktop waa nooc jiifa waxaana loogu talagalay in la
    saaro miiska dushiisa. Screen-ka ayaana inta badan dusha laga sii saaraa.

    Cumputer Case waxaa ku jira qeybaha kumbiyuutarka ugu
    muhiimsan uguna xasaasisan, waxayna qeybahaas u tahay gaashaan ka ilaaliya
    inay wax gaaraan. Waxaa kale oo ay kumbiyuutarka ka ilaalisaa kulaylka
    oo waxaa ku rakiban marwaxad qaboojisa oo hoos u dhigta heerkulka kumbiyuutarka
    si uusan u guban.

    Qeybaha muhiimka ah ee ku dhexjira Combuter Case waxaa
    ka mid ah:


    Motherboard ama Mainboard oo ah sagxadda
    ay ku fadhiyaan waxa loo yaqaanno Cards oo aan uga hadli doonno casharrada
    dambe. Motherboard wuxuu xiriiriyaa oo uu korontada iyo akhbaarta u kala
    gudbiyaa dhammaan qeybaha kale ee kumbiyuutarka waana qeybta ugu muhiimsan
    kumbiyuutarka.


    Processor oo ah qeybta hagta ee maskaxda u ah
    kumbiyuutarka, xawaaraha kumbiyuutarkuna iyada ayuu ku xiran yahay.


    Hard Drive waa halka lagu kaydiyo wixii akhbaar
    ah ee kumbiyuutarka la galiyo.


    Memory waxaa si ku meelgaar ah loogu kaydiyaa
    wixii akhbaar ah ee diyaarinteeda gacanta lagu hayo inta aan la dooran
    in si rasmi ah loo kaydiyo. Wixii halkaas lagu kaydiyo waxaad heli kartaa
    inta uu kumbiyuutarku shidan yahay. Haddiise kumbiyuutka la damiyo wey
    lumayaan. Memory waxaa kale oo isticmaala hadba program-yada markaas shidan.


    Floppy Disk Drive waa halka kumyuutarka laga galiyo
    cajaladda yar ee kumbiyuutarrada lagu isticmaalo.


    CD-ROM waa halka kumbiyuutarka laga galiyo nooca
    cajaladda ah ee loo yaqaan CD.


    Cards waxaa la isku yiraahdaa kaarar loo isticmaalo
    hawlo kala duwan. Kaararkaas waxaa ka mid ah Sound Card, Graphic Card,
    Network Card, Video Card iwm.

    Mid kasta oo ka mid ah qeybhaas cashar u gaar ah ayaan
    ku soo qaadan doonnaa markaa ayaanan si faahfaahsan uga hadli doonnaa.


    Waxaa aad muhiim u ah in Computer Case-ku ay waasac tahay
    waayo waxay taasi fududaynaysaa qulqulka hawada ka soo baxaysa marwaxadda.
    Waxaa kale oo ay taasi kuu suurto galinaysaa inaad kumbiyuutarkaaga sii
    dhisto oo aad ku sii kordhiso qeybo kale.


  2. In devicesIn devices waxaa sidaan soo sheegnay la isku yiraahdaa
    aaladaha loo adeegsado in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo. Aaladahaas
    waxaa ka mid ah:



Waxaa loo adeegsadaa in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo.
Xarfaha Keyboard-ka ka muuqda iyo sida ay u safan yihiin labadaba waxay
ku xiran yihiin hadba waddanka loogu tala galay in laga isticmaalo. Laakiin
waxaa caadi ah inuu yeesho 101 ama 102 batoon iyo wixii ka badan. Nooca
ka muuqda sawirka waa nooca caadiga ah laakiin waxaa jira noocyo qalqalloocan
oo ay qolyaha samayay yiraahdaan waxaan u qaabaynay si gacmaha u roon.




  • Mouse

Mouse wuxuu noqday aalad aan laga maarmin marka ay soo baxeen operative
systems ku salaysan graphic sida Windows. Waxa kale oo isticmaalkiisa sii
badiyay internet oo inta badan lagu saleeyo in mouse-ka lagu taabto qoraal
iyo sawirro kala duwan. Inta badan wuxuu leeyahay 2 ilaa 3 batoon. Waxaa
jira qaar ay intaas u sii dheer tahay garaangar yar oo batoommada dhexdooda
ku taalla oo loogu talgalay in bogga kor iyo hoos loogu socodsiiyo. Waxa
kale oo uu sida caadiga ah dhanka hoose ku leeyahay kuul yar oo ku dul
wareegata hadba meesha la dul saaro. Kuushaasi waxay suurto galisaa in
fallaarta mouse-ka loo dhaqaajiyo hadba dhinacii la doono.




  • Scanner
Waxaa loo isticmaalaa in sawir ama qoraal buug ama warqad
ku yaalla lagu akhriyo si kumbiyuutarka loo galiyo. Scanner waxaa ugu badan
nooca loo yaqaan flat Scanner oo ah nooc u eg mishiinka loo isticmaalo
koobiyeynta waraaqaha waana kan sawirka ka muuqda. Sida daabacaha ayuu
scanner-ku wuxuu ku kala duwan yahay xagga xawaaraha iyo tayada waxa uu
koobiyeeyo. Waxaa jira noocyo yaryar oo gacanta lagu qabto oo la dul mariyo
waxa la koobiyeynayo. Noocaan waxaa inta badan lagu arkaa dukaammada waaweyn
oo waxaa lagu akhriyaa kood ku dhaggan shayga aad gadatay oo sheegaya nooca
iyo qiimaha shaygaas.




  • Makarafoon (Microphone)
Makrafoon inta badan gaar ayaa loo soo gataa oo lama socdo
kumbiyuutarka waayo waxaa loo baahdaa marka aad adigu rabto inaad kumbiyuutarka
cod ku duubto. Arrintaasna dadka intiisa badan waxaa laga yaabaa inaysan
u baahan.




  • Joysticks
Waxaa loo isticmaalaa ciyaaraha kumbiyuutarka lagu ciyaaro
sida kuwa dagaallada ee xabbadaha la rido, diyaarada, baabuurta iwm. Joystik
wuxuu leeyahay gacan taagan oo dhinaca hore ku leh batoommo loo adeegsado
hawlo kala duwan sida in xabbad la rido, in meel laga boodo, in la dhabacdo
iwm. Gacan-ka laftiisa waxaa loo adeegsadaa in diyaarad, baabuur ama qof
lagu hago sida in marba dhinac loo leexiyo, in horay ama gadaal loo socdo
iyo in la joojiyo.




  • Gamepad
Gamepads waxaa inta badan loo isticmaalaa ciyaaraha baabuurta.
Waxay inta badan u kala baxaan laba nooc.
Nooc yar oo fidsan oo leh batoommo fara badan oo loogu
tala galay hawlo kala duwan.
Nooc ka kooban isteerin u eg kan baabuurta oo leh batoommo
fara badan iyo qeyb dhulka la dhigo oo shabahda fariinka iyo sheelaraha
baabuurta. Taasi waxay keentaa in qofka ciyaarayaa uu dareemo sidii inuu
baabuur rasmi ah wado oo kale.




  • Out devicesOut devices waxaa iyagana sidaan soo sheegnay la
    isku yiraahdaa aaladaha loo adeegsado in akhbaar kumbiyuutarka ku jirta
    lagula soo baxo. Aaladahaas waxaa ka mid ah:





    • Monitor (Screen)
    [You must be registered and logged in to see this image.]Monitor
    ama Screen waa muraayadda aad ka aragto waxa kumbiyuutarka ku jira. Monitor-ku
    waa qeyb muhiim ah waayo waa halka lagala xiriiro kumbiyuutarka. Monitor
    wuxuu leeyahay noocyo iyo cabirro kala duwan wuxuuna la shaqeeyaa oo isaga
    iyo kumbiyuutarka u kala turjuma kaar loo yaqaan Graphic Card oo ka mid
    ah kaararka ku jira sanduuqa kumbiyuutarka. Haddii monitor-kaaga ama Graphic
    Card-kaagu uu duq yahay waxay keenysaa in uu sawirka monitor-ka ka muuqdaa
    uu yara gargariiro oo uu indhahaaga wax u dhimo. Sidaa darteed waa muhiim
    in kumbiyuutarku uu leeyahay Monitor iyo Graphic Card casri ah oo ay tayadoodu
    fiican tahay.

    Monitor-ka waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan 'tum'
    oo ay astaan u tahay (") una dhigma 2,5 cm. Waxaa tusaale ahaan la cabbiraa
    fogaanta u dhaxaysa muraayadda geeskeeda bidixe ee hoose iyo geeskeeda
    midige ee sare. Cabbirrada monitor-ka waxaa ka mid ah 14", 15", 17", 19,
    20", iyo 21". Kumbiyuutarrada cusub ee maanta suuqa yaallaa waxay u badan
    yihiin cabbirka 15" 17", iyo 19". Mar kasta oo uu cabbirka Monitor-ku sii
    weynaadaba waxaa sii kordha qiimihiisa.



    • Daabace (Printer)
    Daabace waxaa loo isticmaalaa in akhbaar kumbiyuutarka ku
    jirta warqad lagu daabaco. Daabuhu inta badan lama socdo kumbiyuutarka
    laakiin gaar ayaa loo soo gataa. Daabucuhu wuu noocyo badan yahay oo wuxuu
    ku kala duwan yahay samayska farsamo ahaan, xawaaraha uu wax ku daabaco,
    tayada waxa uu daabaco iyo isticmaalkiisa oo kala fudud. Xagga farsamada
    waxaa loo kala qeybiyaa saddex qeybood oo waa weyn.

    Matrix Printer ama Dot Printer waa nooc duq ah
    oo aan inta badan maanta suuqa laga helin. Wuxuu adeegsadaa farsamo laga
    tagey oo adeegsnaysa irbado xarfaha dhibic dhic u qora. Noocaani aad ayuu
    u gaabiyaa waxa uu qorana aad ayay tayadoodu u hoosaysaa markuu wax qoraayana
    aad ayuu u qeyliyaa.

    Inkjet Printer waa nooca dadka caadiga ahi ay
    u badan yihiin wuxuuna adeegsadaa khad shubmaysa oo warqadda lagu cadaadiyo.
    Daabacahaani noocyo badan ayuu u sii kala baxaa wuxuuna ku sii kala duwan
    yahay xawaaraha, tayada iyo midabka waxa uu qoro iyo isticmaalka. Xagga
    tayada wuu ka fiican yahay nooca hore laakiin haddii tusaale ahaan qoyaan
    uu gaaro warqadda uu wax ku qoray waxaa dhacaysa in ay khaddu dhaqanto
    oo ay xarfuhu isku dardarsamaan. Sidaa darteed noocaan looma isticmaalo
    wixii qoraal ah ee la rabo in muddo badan la keydiyo.

    Laser Printer waa nooca ugu dheereeya uguna tayo
    fiican waxaana inta badan laga isticmaalaa xafiisyada dawliga ah, ururrada
    iyo shirkadaha waaweyn. Noocani wuxuu xagga farsamada, qaabka iyo cabbirkaba
    shabahaa mishiinnada loo isticmaalo koobiyeynta waraaqaha.




    • Samaacado (Speakers)
    Kumbiyuutarrada maanta suuqa yaalla intooda badan waxaa la
    socda oo lagu soo gataa kaarka codka (sound Card) iyo samaacado. Samaacaduhu
    wey kala nooc iyo cabbir duwan yihiin. Laakiin inta badan waxtarkoodu qofka
    caadiga ah uma kala duwana. Samaacadaha waxaa loo adeegsadaa in lagu dhagaysto
    codka ka soo baxa program-yada kala duwan ee kumbiyuutarka lagu isticmaalo.
    Program-yada codka leh waxaa ugu badan kuwa ciyaaraha ah laakiin waxaa
    jira kuwo waxbarasho ah oo dhageysi ku salaysan. Xataa waxaa kale oo jira
    CD-yo uu ku duuban yahay quraanka oo dhan oo cod ahaan loo dhagaysto. Sidaa
    darteed waxaa muhiim ah in haddii aad kumbiyuutar gadanayso aad iska fiiriso
    inuu wato kaarka codka iyo samaacado.




  • In and Out devices


  • In and out Devices waa aaladaha loo adeegsado in akhbaar lagu
    galiyo loogalana soo baxo kumbiyuutarka. Aaladaha noocaas ah waxaa ka mid
    ah:



    • Modem

    Waa aaladda suurto galisa in ay laba kumbiyuutar ama in ka
    badni xiriiraan iyagoo adeegsanaya laynka telefon-ka. Modem hawshiisa waxaa
    lagu soo koobi karaa in uu hadal qoraal ah u rogo cod si loogu diro laynka
    telefon-ka. Iyo inuu codka telefon-ka u rogo qoraal uu kubiyuutarku fahmi
    karo. Modem waa aaladda hadda kuu suurto galisay inaad timaaddo halkaan
    oo aad casharkaad akhriso.



    Casharkaanna halkaas ayaan ku joojinaynaa. Casharrada
    xiga waxaan hadduu rabbi idmo mid mid ugu soo qaadanaynaa qeybaha aan halkaan
    ku dulmarnay anagoo si faahfaahsan oo technically ah u dhex galayna.





    Copyright © 2000 Somali Software. All rights reserved. [You must be registered and logged in to see this link.]
    Back to top Go down
     
    Casharka 3-aad: Dhismaha Kumbiyuutarka (PC)
    View previous topic View next topic Back to top 
    Page 1 of 1

    Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
    Shabkada Maadow :: Kuliyada Maadow Eee Tiknoolojiyada-
    Jump to: