Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Gabay xiin faniin

Go down 
2 posters
AuthorMessage
halyeey_soomaaliyeed
shabakada maadow
shabakada maadow
halyeey_soomaaliyeed


Mawduucyadaada : 49
ka Qeeb Qaadashaadaada : 113
Mahadcelin : 4
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010
Shaqadaada : arday jaamacadeed

Gabay xiin faniin Empty
PostSubject: Gabay xiin faniin   Gabay xiin faniin EmptySun Nov 28, 2010 11:10 pm

salaamu calykum
dhamaan waa salaamantihiin waxaan idin hayaa gabay uu tiriyay sayid maxamed cabdule xasay

nolosha Sayid Maxamed waxay ahayd nolol saaqan oo ay saaqday wadaniyad iyo siyaasad ku dhisan la dagaalanka gumaysiga iyo kasbashada qabaa'ilka Soomaaliyeed. Dhinac walba haddii aad ka eegto, waxaad qiraysaa in siyaasadi gundhig u ahayd tallaabo walba oo uu Sayidku qaado. Gabayadiisa, guurkiisa, degaankiisa iwm wuxuu qadarinta ugu weyn Sayidku siin jiray maxsuulka siyaasiga ah ee ka dhalan kara.

Meelaha aad si degdeg ah u xaqiijin karto noloshaa siyaasadaysan waxaa kamid ah guurkii Sayidka. Sayid Maxamed dumarkii uu guursaday waxaa ka mid ahaa Faadumo Islaan Aadan oo la dhalatay oday hoggaamin jiray laf lafaha Majeerteen ka mid ah oo la odhan jiray Faarax Islaan Aadan. Sayidku wuxuu danaynayey inuu taageero iyo garabgalba ka helo degaanka ninkaasi ka taliyo. Yarad iyo xurmo badan oo nooc walba leh ayuu Sayidku dhiibay. Xurmadaa uu Sayidku guddoonsiiyey Faarax Islaan waxaa ka mid ahaa geel iyo fardo badan.
Intaa ka dib, waxaa degaankii Faarax Islaan yimid niman Isaaq ah oo doonayey inay Sayidka iyo Faarax Islaan iska hor keenaan. Waxay nimankaasi Islaan Faarax ku yidhaahdeen 'Sayidku labadeena degaanba waa u col, wuuna ina kala gaabinayaa ee aan si wadajir ah uga hortagno.' Islaan Faarax wuxuu yidhi, "Sayidka waanu xididnay, xumaanina nooma dhexayso sidaa awgeed sabab aan u collaysto ma garanayo." Waxay dabeed ku yidhaahdeen 'haddii uu xididtinimo kugu qadarinayo car wakaase ha ku siiyo faraska uu aadka u jecel yahay ee uu geeraarka amaanta ah u mariyey.' Waa faraskii caanka ahaa ee Xiin-finiin.
Haddaba Faarax Islaan Aadan wuxuu Sayidka usoo diray waraaq uu ku waydiisanayo faraskii Sayidku aadka u jeclaa ee Xiin Finiin. Daraawiish oo dhan gaar ahaan Sayidka fardaha xaggooda lagama mari jirin, Xiin Finiina kuwa uu Sayidku ugu jecel yahay ayuu ka mid ahaa. Hase ahaatee, Sayidku deeqsi is nacay ayuu ahaa, dhagxumada iyo xanta la xidhiidha xididka iyo waxbixinta guud ahaanbana wuu iska dhawri jiray. Sidoo kale wuxuu Sayidku ka warhayey nimankaa warxuma-tashiilka ugu yimid Islaan Faarax.
Sidaa awgeed Sayidku wuxuu go'aansaday inuu Xiin Finiin bixiyo. Laakiin wuxuu tiriyey gabay arintaa taariikhdeeda xafiday oo ina soo gaadhsiiyey, xilligaa dadkii noolaana wada maqashiiyey. Ninkii xaashida keenay oo la odhan jiray Faarax Dhaban-Senge ayuu faraskii gudoonsiiyey gabayganna qaybsiiyey si uu u gaadhsiiyo Faarax iyo Soomaali oo dhan. Wuxuu yidhi Sayidku:



  • Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye


  • Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyihayne


  • Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye




  • Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye


  • Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni


  • Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye




  • Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane


  • Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye


  • Markaad Xiin Finiin damacday baan, kaa xanuunsadaye




  • Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye


  • Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye


  • Nin kalaan xafiilaba adaan, xaayda kaa rogaye




  • Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto


  • Xayow iyo qayuumeey haddii, la igu xoodaansho


  • Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye




  • Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone


  • Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag


  • Xaggii loo eryaba waa gammaan, xulashadiisiye




  • Xubna toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e


  • Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne


  • Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere




  • Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule


  • Isagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge


  • Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe




  • Xayskaa da'aayaan lahaa, Xallin ka dooyeeye


  • Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye


  • Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode




  • Xujey-reebta Reer Hagar anoon, xabashyadii ruubin


  • Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan


  • Xaaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin




  • Xiddaysane ma dhiibeen anoon, xaaladday bogane


  • Xaaraami unbaa arlada, xula abidkiise


  • Wax unbay xushleeyaan sidii, Xabashi-Iidoore


  • Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane




  • Xaashaa Lillaahiye nin gob ah, xamasho waw ceebe


  • Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne


  • Intii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye




  • Aduu galabta kuu xoolo yahay, Xamarkii dheeraaye


  • Waa Xiin Finiin neefka aad, xadhigga haysaaye


  • Xayawaanka oo idil naftey, kala xaroodaane


  • Mar hadduu suldaan igu xil lihi, igaga xayddaantay


  • Xadhiggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.



Dhagayso gabayga

sidaasi iyo nabad galy
Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

Gabay xiin faniin Empty
PostSubject: Re: Gabay xiin faniin   Gabay xiin faniin EmptySat May 07, 2011 11:45 pm

mahadsanid walaal waa gabay xasuus igu leh
Back to top Go down
 
Gabay xiin faniin
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Gabay Koofil
» Gabay qiimo badan uu magaciisa yahay((takoor))
» ramadaan kariim & gabay uu tiriiyay cabdulaahi suldaan timacade

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Gabayada iyo Murtida iyo Maahmahyada-
Jump to: