Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeFAQSearchRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

Share | 
 

 Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests)

View previous topic View next topic Go down 
AuthorMessage
Dr.Mohamed
Madaxa Qeebta Caafimaadka
Madaxa Qeebta Caafimaadka


Mawduucyadaada : 10
ka Qeeb Qaadashaadaada : 28
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 12/09/2010

PostSubject: Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests)   Mon Nov 08, 2010 10:20 pm

Waxaa jira noocya kala duwam ee baaritaanada dhiiga. Kuwa soo socda waa baaritaano caadi ah taasoo takhtarkaaga weydiisan karo, iyo qiyaasta caddadda dhiiga la qaado baaritaan walba.

Sokorta (Macaanka): Tan waa meesha ugu muhiimsan oo ay ka timaado quwadda noolaha oo dhan. Sokorta heerka ka sareeya 120 ee qofka, kaasoo soomanaa (waxna cunin) 12 saacadood, waxaa loo soo jeedin karaa oo ay u jaleecdaa sokorow. Tan waa baaritaan aad wax-tar u leh taasoo saadaalin karta sokorowga sannado ka hor qofka inuu isku beddeli karo cudurka dhabta ah. Caddadda dhiiga la qaado = 4 miliiliiter (in ka yar 1 macalgadda-shaaha).

Sodium: Soodiyam wuxuu kaalin weyn ka ciyaaraa cusbada iyo dheelitirka biyaha jirkaada. heerka soodiyamka dhiiga ku jira oo hooseeya wuxuu keeni kara biyo cabitaan aad u badan, wadnaha oo shaqadiisa gaba, ama kelida oo shaqadeeda gabta. Caddadda dhiiga la qaado = 4 miliiliiter (in ka yar 1 macalgadda-shaaha).

Creatinine: Kariyaatiniin waa sheey dhiiga ku jira kaas wuxuu ka dhacaa oo ka yimaadaa burburitaan cuntada nacfiga leh. Heerka kariyaatiniin ee jirka ku jira waa tilmaamaha muruqyada buuxa ee jirka. Heerarka hoose wuxuu sababi karaa qaadashada nacfiga oo hooseeya, cudurka beerka, kelida oo dhaawac gaaro ama uurka. Heerarka sare inta badan wuxuu sababaa kelida oo dhaawac gaaro iyo inay u baahato in si taxadar ah loola socdo. Caddadda dhiiga la qaado = 4 miliiliiter (in ka yar 1 macalgadda-shaaha).

Bir (Iron): Birta waxay muhiim u tahay wax soo saarka unugyada dhiiga gaduudan ee jirka. Jirka wuxuu u baahan yahay bir si uu u sameeyo unugyada dhiiga gaduudan. Unugyada dhiiga gaduudan waxay caawiyaan inay oksijiin ka soo qaadaan sambabada una gudbiyaan muruqyada iyo jirka. Haddii jirka uusan helin bir ku filan, unugyada jirka oo dhan si fiican uma shaqeeyaan. Haddii ay birta kugu yar tahay, waxaad u baahan kartaa baaritaanka birta, gaar ahaan haddii aad tahay dheddig welina caadada kaa timaado. Caddadda dhiiga la qaado = 4 miliiliiter (in ka yar 1 macalgadda-shaaha).

Baruur (Cholesterol): Baruurta waa koox xeer ah taasoo ku nool jirka. Heerarka sare ee baruurta, si-kastaba, waxaa muujinaaya cuntada oo aad ugu badan kaarbo-haaydareytis, gaar ahaan sokorta. Heerka baruurta oo sareysa muddo badan waxay keeni kartaa cudurka wadnaha.
Cunooyinka intooda badan waxay leeyahiin karbo-haydareytis (karbo-haydareytis wuxuu ku jiraa sokorta, bariiska, bataatiga, faaybar oo ah khudaarta iyo miraha diirka leh, buunshada). Karbo-haydareytis wuxuu ka yimaadaa cunta kala duwan- wuxuu ku jiraa digirta, caanaha, daangada, rootiga, buskutka, baastada, doolshada laga sameeyay miraha jeeriga (cherry pie)-laakiin cunooyinkaan mawada laha karbo-haydareytis isku wada mid ah. Karbo-haydareytis waa qayb muhiim ah waana cunto caafimaad leh maxaa yeelay jirka wuxuu siiyaa quwad qofka u baahan yahay firfircooni iyo xubnaha jirka iney si hagaagsan u shaqeeyaan. Marka karbo-haydareytis aad u badan jirkaada leeyahay, quwad badan oo aad isticmaali kartid oo ka heshid cuntadaada, jirka ayay dhex degaan sida heerka xeerta oo sii saa’idda.
Heerarka hoose ee baruurta waxaa xaqiijinaaya cuntada oo xeerta ku yar tahay, ama caloosha iyo mindhicirada oo aan caadi u nuugeynin xeerta. Caddadda dhiiga la qaado = 4 miliiliiter (in ka yar 1 macalgadda-shaaha).

HDL/LDL: HDL waa “fiican yahay” waa baruurta caawisa inay ka soo saarto jirka baruurta xad-dhaafka ah. LDL waa “xun yahay” waa baruur taasoo qaada baruur una geysa unugyada, laakiin gadaal ku dhaafta baruur xad-dhaaf ah agagaarka halbowlaha iyo jirka. Heerka sare LDL iyo Heerka hoose HDL waxay muujinaayaan cuntada ku badan kaarboo-haaydareytis oo sifaysan. Caddadda dhiiga la qaado = 4 miliiliitar (in ka yar 1 macalgadda-shaaha).

Unugyada Dhiiga Cad (WBC): Tirada dhiiga cad wuxuu cabiraa isugeynta nambarka ee unugyada dhiiga cad oo loo hibeeyay caddad dhiig ah. Maxaa yeelay unugyada dhiiga cad waxay dilaan bakteeriyada, tiradaan waa qiyaasta jirka sida uu ogu jaab celinaayo cudurka dhaliya jeermiga. Caddada dhiiga la qaado = 3 miliiliitar (in ka yar 1 macalgadda-shaaha).

Hemoglobin (Unugyada Dhiiga Gaduudan): Unugyada dhiiga gaduudan waxay qaadaan oksijiinka iyo kaarboonka dhiiga ku jira. Heerka hoose ee unugyada dhiiga gaduudan waxaa xaqiijinaaya joogitaanka aniimiya ama cuntada iyo nafaqada oo liidato. Caddadda dhiiga la qaado = 3 miliiliiter (in ka yar 1 macalgadda-shaaha).

Taariikh Nolaleedka Baruurta: waa koox baaritaano ah kuwaasoo inta badan si wada jir ah loo dalbo si go’aan looga gaaro khatarta cudurka halbowlayaasha wadnaha. sida caadiga ah waxay qiyaasaan dufanta, baruurta iyo sokorta. Dufanta waa aasaaska sameynta xeerta, oo ku wareega dur-durka dhiigaada. badanaa xeerta jirkaada waxay ku timaadaa qaab-kaan. Dufanta waxay u dhanbalantaa laba meelood: 1) cunooyinka aad cuntid, ugu badnaan sokorta, cuntada xoolaha ka timaada iyo xeerta oo buux-dhaafta iyo, 2) waxay ka timaada beerka naftiisa. Baruurta xataa waa xeer, badanaa waxaa dhaliya beerkaada iyo waxay ka timaadaa cuntada aad cuntid. Heerarka sokorta ee dhiigaada ku jirta sida caadiga ah xataa waxaa lagu qiyaasaa Taariikh Nololeedka Baruuurta.
XIGASHO
Back to top Go down
Admin
Maamule Ku Xigeen
Maamule Ku Xigeen


Mawduucyadaada : 77
ka Qeeb Qaadashaadaada : 155
Mahadcelin : 2
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010

PostSubject: Re: Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests)   Tue Nov 16, 2010 3:59 am

mahadsanid walaal



Shabaakda Maadow


Shabakada Aqoon Isweedaarsiga ee Maadow
Back to top Go down
umu-salama
shabakada maadow
shabakada maadow


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 86
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 10/03/2010

PostSubject: Re: Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests)   Sat Nov 20, 2010 1:10 pm

waa ku mahad santahay walaal maqalooyinka oo zaaid u wanagsan oo aad noo soo gudbinaysid walaal
Back to top Go down
Sponsored content




PostSubject: Re: Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests)   Today at 8:47 pm

Back to top Go down
 
Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests)
View previous topic View next topic Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Caafimaadka-
Jump to: