Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 GUDIINKA FIRCOONIGA

Go down 
2 posters
AuthorMessage
Dr.Mohamed
Madaxa Qeebta Caafimaadka
Madaxa Qeebta Caafimaadka



Mawduucyadaada : 10
ka Qeeb Qaadashaadaada : 28
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 12/09/2010

GUDIINKA FIRCOONIGA Empty
PostSubject: GUDIINKA FIRCOONIGA   GUDIINKA FIRCOONIGA EmptyMon Nov 08, 2010 9:51 pm

salaamu calykum
kusoo dhawaada waa topic ku saabsan gudiinka fircooniga

Sideynu ognahay ummad walba waxay leedahay dhaqan iyo caado, mararka qaar waxay noqon karaan dhaqamadaasi kuwa waxyeelo ba'an u geysta caafimaadka bulshada. Gudniinka Dumarka (Fircooniga) wuxuu ka mid yahay dhaqamada soojireenka ah ee soomalidu joogteeysay.

XAGEE KASOO JEEDAA GUDNIINKA FIRCOONIGA? :-

Waxa la sheegaa inuu gudniinkani bilowday waqtigii Faraaciinta Masar, ka dib markii reer Bani-israa'il oo waqtaasi la gumeysan jirey nin faalalow ahi u sheegay boqorki xilligaas inuu talada kala wareegi doono wiil ka dhalan doona dadkaan ay gumeystaan. dabadeedna uu amar ku bixiyey in la (gudo) oo la tolo dhamaan naagahooda, waxana muhiimadaasi qabanayey Umulisooyin la shaqeenayey boqortooyada, si loo kantaroolo guur-kooda , uurkooda iyo dhalitaankooda, ka dibna wixi wiil ah oo xiligaasi dhasha lagu amri jirey in la dilo.

WADAMADA LAGA ISTICMAALO GUDNIINKA FIRCOONIGA:-

Wadamada isticmaala dhaqankan waxa ugu horeeya Masaarida iyadoo ah meeshii ay ka bilaabatay inkastoo sanadihii u danbeeyay ay hoos udhacday tirada dadka isticmaala oo gaartay ilaa 54%.
Wadanka SUDAN oo deris la ah dowladda Masar isagana aad baa looga isticmaalaa waxay gaareysaa ilaa 80%.
Somaliya: wadankeena isaga waxay uga timid dhanka masaaridda, walow ay hadda somalidu yihiin dadka ugu badan ee isticaamaala gudniinkaas tira-koobkii u danbeeyay oo sheegaya in kabadan boqolkiiba sagaashan 90%. waxaan iyagu haba yaraatee isticmaalin Gudniinkan wadamada Islaamka iyo kuwa carabta, taasoo ku tusineysa inan diinta islaamka lagasoo gaarin.

NOOCYADA GUDNIINKA:-
Waxa loo qeybiyaa ilaa 3 nooc
1. waxa la jaraa Kintirka (Clitoris).
2.Jaridda kintirka + faruuryaha yaryar iyo faruuryaha waaweyn (Labia Minora & Labia Majora).
3.jaridda kintirka + faruuryaha+ tolliin.

Saddexdaasi nooc ayaa intaba laga isticmaala somaliya, inkastoo nooca u danbeeya aad looga isticmaalo waddanka SUDAN.

DHIBAATOOYINKA GUDNIINKA:-
aad ayay u fara badan yihiin, waxa loo kala qaadaa laba nooc.
A- Dhibaatooyin soo deg-dega:
- waxa ka mida dhiig-bax fara badan oo sababi kara dhiig-yari
- in la jaro qaar kamida kaadi-mareenada (Urethra)
- Xanuun daran waqtida gudniinka oo sababi kara suuxdin
- Huritaan ama nabarka oo infections qaada
-Kaadida oo ku dhegta (Incarceration of urine)
-u gudbin cudurada faafa sida Teetano qalabka oon nadiif ahayn dartii.

Dhibaatooyinka Mustaqbalka:-
- Dhiigga-Caadada oo ku adkaada
- Foosha oo ku cuslaata
-Xanuun xilliga galmada
-Dhibsasho ninka himiga jinsiga oo yaraada awgii
-Furitaanka lammaanaha is qaba oo siyaada

Faa'iidada uu Kintirku u leeyahay dumarka:-
Waxan shaki ku jirin in waxkasta oo ilaahay abuuray uu xikmad iyo macna weyn ku fadhiyo, Dhakhaatiirka anotimiga waxay sheegaan inuu kintir-ku u dhigmo qooraha ragga, waayo wuxu leeyahey Nerve iyo blood suplies, waxyaala uu qabtana waxa ka mida, inuu Viginaha (taranka dumarka)u yahay dabool, marki la jarana waxa dhici kara iney becteeriyo iyo jeermis fara badani u godbo ilma-galeenka.

Dhaqanka soomaalida iyo fikirkaaga ku aaddan gudniinka:
Dad badani waxay ku doodaan in aan laga tegin dhaqankaan, waxayna aamin-sanyihiin inuu fa'iido u leeyahay dhalinta, gaar ahaan gabdhaha, iyagoo ku andacoonaya in gudniinka lagu ilaalinayo Gabar-ahaanta hablaha.
Halka qaar-kalena rumeysan yihiin iney tahay wax-diini ah oon laga tallaabsan karin marna, sidoo kale waxa jira soomaali badan oo qabta inuu yahay kintirka dumarku (Najaaso) ama cad xun, sidaa darteedna ay ceeb tahay i gabari noqoto kintirleey.

HADABA FADLAN KA DHIIBO WIXI FIKIR AH, IYO SIDA UGU HABBOON EE LAGU WACYI GELIN KARO BULSHADEENA SOOMAALIYEED.

XIGASHO
Back to top Go down
wadani
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 71
ka Qeeb Qaadashaadaada : 119
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010

GUDIINKA FIRCOONIGA Empty
PostSubject: Re: GUDIINKA FIRCOONIGA   GUDIINKA FIRCOONIGA EmptyMon Aug 01, 2011 9:56 pm

mahadsandi Dr
Back to top Go down
 
GUDIINKA FIRCOONIGA
Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Caafimaadka-
Jump to: