Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

  Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook...

Go down 
3 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

 Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook... Empty
PostSubject: Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook...    Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook... EmptyMon Oct 25, 2010 10:09 pm

Waxaa jiray labo gabdhood oo saaxiibo ah, kuna nool dalka Austrelia. Waxeey ahayeen gabdho nolosha iska fududeesta oo aduunyadaba wax qiimo ugu fadhiyo aysan jirin ilaa ay gareen in ay galaan sawiro jirkooda intiisa badan qaawanyihiin sida gabdhaha toppmodell ka. Gabdhahaasi mid ka mid ah ayaa waxey aheed dadka emailka aadka u isticmaala, habeen iyo maalin computerka shaqo ka dhigtay laga yaabee in ay wanaag mooday?! Hadane ragga aadka ula kaftanta, ugana sheekeeysa, una dirta sawiradeedii qaawnaa oo la mooday in ay fashion jileyso. Sawiradaasi oo ahaa kuwa ragga aad u soo jiita aadna u galiyo dareen jinsiyeed, kaaga daranta kuma ekeen hal nin oo kaliya oo ninkey aragtaba wey u diri jirtay isla sawiradii ilaa ay sababeen dagaalo fara badan iyo maseer aad u daran oo ka dhex dhacay raggii kadib markay is aqoonsadeen raggii sawirada loo diri jiray. Waxeyna ula baxeen gabadhii shabeelnimood meeshii laga dhihi jiray waagii hore ragga shabeel nagood! adduunya gadoon badnaa!!
Nasiib wanaag wuxuu Illaaheey hanuuniyay gabadhii saxiibadeed oo rabta in ay qaado waddada toosan, waxeeyna noqotay gabar xijaaban oo Illaah ka baqda kana tooba keentay falaalkii xumaa iyo dhaqankii qaabka darnaa oo ay horay u heeysan jirtay. ileen ilaah ka baqid iyo raga kaa ajnabiyaa sawir u dir mel islama gashee,Waxeeyna la hadashay raggii ey u diri jirtay sawiradii qawnaa wey ayaan badnedee ileen qof Illaah ku xiran Illaah ma dayacee, raggii markay ka codsatay in sawiradeeda qashinka laguu darro wey ka ogoladeen oo wey ka tirtireen wixii ay sawir ka haayeen.
Laakiin Masiibo iyo Magac maalin ay baxaane saxiibadeed ayaa waxeey ku noqotay qof xun oo qalbiga ka qaawan (Damiir iyo diin midna laheeyn) taas oo Illaah ku caasisay ayaa gabadhii ficneed inta ay u timid misana ku tiri<> Laakiin lagama hoos qaadin warkaas Hanuunka iyo macaanka badan xinbaarsan, ee tii warka loo sheegaayay waa is dhagool siisay,gabadhiina hadalkeeda yastay iyada oo kibir iyo islaweeynin ku jira, sheydaane durbaan ku tumaa ayeey sidii u sii wadatay howsheedii foosha xumeed inkastoo ay saaxiibteeda balan qaaday in ay sawirada ay leedahay ka tirtiri doonto emailada iyo computerkaba.
Markii ay ka so wareegatay wada hadalkii labada gabdhoodi mudo 3 malmood ayeey midii weli halaaga ku jirtay wiil waxeey iska barteen msnka misana ku dhahay ii so dir sawirkaaga una dirtay ayada iyo saaxiibteed oo isla sawiran islamaarkaana ah kuwa aad u qaawan oo cawradoodi dhanba muuqata! Ala hadii ay ogaan laheed waxa u soo socdo ama ku dhici rabo meysan sameyseen!! In la ogaadasa fiicnaan laheyda .
Kama aysan soo wareeganin markii ay sariirteeda ka kor qeylisay saacad oo familkeedii isku so baxeen ayadii oo jirkedii ka fiiqmay maqaarka ileen waa intii ay qaawiseee inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun!!!! Markiiba waxaa loo qaaday isbitaalka ayada oo lala yaabanyahay cudurkaan dagdagta ah oo gabadha maqaarka ka asiibay hadana maha cudurku mid jirka dhan wada asiibay ee waa meela ka mid ah, hadana ah meelaha jirkeeda ugu muhiimsan uguna qurxoon, madaxa oo waxaa ka biday timihii oo ka ruqruqday ayadii oo dhan, sidoo kale qoorta garbaha, xabadka iyo bodooyinka ilaa lugaha ayaa maqaarkii ka dhacay sida in uu cunay bahal ama laga fiiqday.
Nasiib darro cudurkedii maha mid dhaqatiirta daween karaan ee waa mucjiso loo so diray gabadhaan laga waayay jooji sawiradaan aad u direyso raga kaa ajnabiga ah, hadane ka madax adeegtay, oo dhalanteed mooday wanaagii loo shee***!! Markiiba ayada weey fahantay in ay Illaah ka gashay qalad weyn oo quruxdii uu siiyay Allaah oo la dhahay ka astur ragga ajnabiga kaa ah ayeey u bandhigtay raggii iyo gabadhii saaxiibadeed aheed oo ay ka diiday hadaladii wanaaga ahaa oo ay u sheegtay isla markaane sawiradeedi ay ku tiri, iga tirtir ayeey u dirtay raggii lagu yiri ha iiga dirin, hana iga tusin. Balan ka bax waa shey xaraan ah ee Illaah nagama dhigo kuwa ka baxa balanta ay la galaan Illaaah, aduumadiisa iyo naftoodaba!!
Aduunka korkiisa ayaaba gabadhaas sidaan loogu ciqabee bal ka warama aakhira hadii aysan toobad keenin oo ay ku dhimato sidaan maxaa ka horeeyo oo ay la hortagi doontaa Rabigii abuuray???!!!
Janada waa la kasbadaa ee dheel iyo dhalanteed laguma tago walaalayaal. Qofkii Illaah caro gelisane janada carafteeda xata ma arkeyso iska dhaaf in ay gasho ama la tusee. Sidaas darteed gabadhaan aheeyd ayaan daranta gabdhaha sariirtii laga seexiyay isbitaalkaba kama aysan kicin intii uu baaritaanka ku socday ayaaba tii Alle u timid, naftiine sidii looga qaaday, oo ayadoo loo hugiyay maro cad, loona wado gudkii mugdiga ahaa oo cariiriga badnaa ilaa qof Illaah u waasiciya mooyee ayaa laga soo baxshay isbitalkii!!
Illaah nagama dhigo kuwii qabriga caririiga iyo mugdiga looga dhigo, laguna cadaabo tan xisaabta ka hor aamiiin aaamiin aamiin.
DIGNIIN
Digniin: Bal gabaryahey isxisaabi inta aan lagu xisaabinin, ogaaw qaladkaaga iyo xumaantaada inta aan lagaa tusin kitaabka bidixda lagaa siin doono maalinka qiyaamada((Illaah ayaan ka magan galnay in kitaabkeena bidixda nagala siiyee) isisax inta aan lagugu ciqabin qaladkaaga!!
gabaryahay Muslimada ah hadii aad tahay mid damiir iyo qalbi wax dareemo leh waxaa waano kuugu filan gabadhaan adigoo kala aheeyd oo xumaanta ku dhimatay, iyo saaxiibteeda oo mantay ku nool jano adduunyo midii aakhirane ay uu hubantahay hadii ay saan ku sii socoto. Adigoonan laguu soo daliishanin Quraan iyo Axaadiis midna ayaad aqligaaga saafiga ah isiticmaali kartaa, isla markasna ogaan kartaa meeesha wanaaga kuugu jiro, waxaadna sii keeydsan kartaa waxaad birito la hor tagi laheeyd Rabigii ku abuurtay, ee ka faaiideeyso Janiskaan walaashayda Muslimada aheeyd.
Hadii aad hurdeysay toos, ka kac hurda iyo qalbi la\aanta. Hadii aad tahay gabdhaha sawirada gabdhaha kale nimanka ka gado/diro iska daa, Rabi waa awoodaa inuu kuu jaribo sida gabadhaan oo kale. Hadii aad aheeyd mid u dirto sawiradeeda oo qaawan ragga iska daa hadaba, ileen waa danbi weeyn oo aad ka gashay Rabigii ku abuurtay iyo naftaada Qaaliyeey!!
Qiso wa qiso waa taad taqaanay, BALSA midaan maahan mid ciyaar ah ama loo sameeyay in shaaha lagu cabo waa DHAB, indhahaaga iyo qalbigaaga si fiican u fur markaad qoraalkaan aqrineysid,, dhowr jeerna isku day in aad aqrisid maxaayelay hal mar waxba laguma fahmo!!.
Allaha naga dhigo kuwii qaata wanaaga ay xinbaarsantahay warqadaan dhamaanteen insha alaaaaaaaaaaaah walaalayaaal udir walaalahaaga kale si ey uga fa ideestaan janiskaan adigane ilaah kaaga siiyo ajir . Ascwww
Aaamiin Aaamin Aamii
Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

 Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook... Empty
PostSubject: Re: Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook...    Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook... EmptyTue Oct 26, 2010 7:08 pm

maa shaa alaah walaal mahadsanid
Back to top Go down
Admin
Maamule Ku Xigeen
Maamule Ku Xigeen
Admin


Mawduucyadaada : 77
ka Qeeb Qaadashaadaada : 155
Mahadcelin : 2
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010

 Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook... Empty
PostSubject: Re: Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook...    Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook... EmptySat Oct 30, 2010 9:39 am

jazaaklaaahu khayraaa
Back to top Go down
Sponsored content





 Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook... Empty
PostSubject: Re: Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook...    Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook... Empty

Back to top Go down
 
Fariin ku socota dhamaan Xubnaha Somali Facebook...
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» salaan dhamaan dhalnyarada oodhan
» Maxaad ka taqaanaa gabadha Soomaaliyeed ee sida Yaanyuurta u socota, Cat walking lady ?
» Dhamaan Walaalaha Shabakada waxaan leenahay Ciid Wanaagsan
» google somali
» wikipedia somali

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: