Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 khilaafka shariif iyo sharma'arke ma dan shacabaa mise waa sheekadii hore?

Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

khilaafka shariif iyo sharma'arke ma dan shacabaa mise waa sheekadii hore? Empty
PostSubject: khilaafka shariif iyo sharma'arke ma dan shacabaa mise waa sheekadii hore?   khilaafka shariif iyo sharma'arke ma dan shacabaa mise waa sheekadii hore? EmptySun Sep 19, 2010 9:38 pm

Waxaa igu kelifay inaan maanta arimaha siyaasada oo aan ka gaabsaday mudo xuskooda inaan bal qalinka ku falanqeeyo ummadii dhamayd ee soomaalida ahayd oo noqotay daawadayaasha aflaanta lagu jilo madaxtooyada iyo hoteelada magaalada muqdisho Somalia , Nayroobi Kenya, Adisaba itoobiya iyo djabuuti, Jabuuti.

Waxaynu ka wada dheregsanahay waxaa la yidhaahdo filin inuu yahay sheeko aan dhicin dhicina doonin ee qof mala awaalay si uu u kasbado maskaxda daawadayaasha ama xiiseeya aflaanta waxaa ku baxa qarash badan waxaa dadka loo bixiyaa magacyo badan waxayna ku metelaan martabado kala duwan ee ay bulshadu u qaybsan tahay , shacab, madax , askar, iwm hadaba waxaa hadana jira mawduucyo kala duwan iyo magacyo ay leeyihiin. Oo uu qof waliba meel kaga aadan yahay filinkaas.

Miyaysan isu ekayn aflaanta lagu jilayay magaalooyinka aan soo sheegay mudo dheer kuwa lagu sameeyo Hollywood, ee sanadka danbena kuwo ka cusub oo kuwii hore u eg soo baxaan hadana mar kale laga gado dadka wajiyo cusub iyo magacyo cusub.

Waxaa ka dib burburkii dowladii dhexe bilowday khilaaf iyo ismaan dhaaf ku dhisnaa dan shakhsiyadeed mana jirin ilaa hada ilaa waqtigaas wax waday danta shacabka waxuu u dhacay intaan ka xasuusto jiiroonigan ama is reebreebkani sidan:-


Maxamed siyaad Vs jabhado.

Caydiid Vs Cali Mahdi

Caydiid Vs Caato

Caydiid Vs Cabdulaahi yuusuf

Cabdiqaasim Vs Cali khaliif Galaydh

Cabdiqaasim Vs Abshir Muuse

Cabdi qaasim Vs Hogaamiye kooxeed

Cabdilaahi yuusuf Vs Jaamac Cali Jaamac

Cabdilaahi Yuusuf Vs Cali maxamed Geedi

Cabdilaahi Yuusuf Vs Nuurcade

Shariif Vs Sharma,arke

Waxaan dhamaan daawayaasha soomaaliyeed ka marqaati yihiin hogaanka umada soomaaliyeed oo noqday mid ay isu dhiibtaan muqdisho iyo boosaaso in laga dhaxlay ciyaar aad u cajiiba oo marna boosaaso dhexdeeda ah marna muqdisho dhexdeeda ah marna muqdisho iyo boosaaso ah.

Hadaba waxaa marba guusha dhamaadka filinka raacda ama bari iyo koonfur midkood iyada oo uu kan kalena caro iyo ciil la caraabo .

Waxaa ciyaartii ugu danbaysay ku dhamaatay bari oo laga badiyay iyo koonfur oo koobka haysata

Waxaa hadana dib u bilowday wareegii cusbaa ee labadii sanoba mar la qaban jiray oo dhex marayaa labada ciyaaryahan ee cusub waa shariif iyo Sharma, arke

Ilaa hada ma jiro mid guusha dhamaadka metelaada filinka loogu magac daray dowlada midnimada qaran oo aan mudo badan sacabka u garaacayna ahaana filin bilowgiisii qiiro lahaa oo qaab wadaniyad iyo lagu metelayay ayaa hada waxay u socotaa sheekadu dhamaadkii filinka iyo ka dhursugii.

Ciyaaryahanada cusub ee iman doonaa labada sanee fooda inagu soo haysaa

Ciyaaryahanadan oo calaamaadsan ayaa waxay jiib iyo jaan raacin doonaan qolyahan tartanku u socdo ilaa ay meesha ka baxaan , metelayaasha filinka waa baarlamaanka iyo wasiirada ayaa ah

Xubno aad u firfircoon oo iyagu jaanis u hela inay filin walba wax ka metelaan maadaama ay ku caan baxeen fahanka doorka jilitaanka loo dhiibo daacad iyo daalin labadaba kii loo dhiibo ay jili karayaan.

Ugu danbayn waxaan sugaynaa aniga iyo daawadayaasha kale cida goolasha ku badisa

Waxaa filinkan qaadan doona abaalmarintiisa labada nin midkood isaga oo lagu gudoon siin doono

Caasimadaha deriska midkood waxaana bixinayaa abaalmarintaas jimciyada quruumaha ka dhaxaysa

Ururka igad iyo jaamacad carabta iyo midowga yurub iyo midowga afrika oo ah

Kuwa iyagu iska leh maalgelinta iyo soo saarista iyo habaynta isku dubaridka filimaantii mudada labaatanka sano ah lagu dhigayay cariga soomaalida .

Waxayna siin doonaa ninka ku guulaysta kaalmihii iyo scoredii ay mutaysteen kuwii ka horeeyay

Waxaan iyaduna meesha ka maqnayn. In nin waliba qaato darajo ama ka hooseysa ama ka saraysa kuwii ka horeeyaa,waxyaabaha lagu siiyo dalacaada waxaa ka mida, xasuuqa, khilaafka joogta ah, kala fogaynta umada,dagaalada , kala googoynta gobolada iyo deegaanka, burburinta magaalooyinka dhisan , abuurista mucaarad hore leh, kor u qaadista maciishada iyo sicirbararka iibsashada hantida qaranka sida badaha , dhulalka macdanta, lunsashada hantida iyo mucaawino ku sheega ay bixiyaan soo saarayaasha aflaanta .


Nin walibana waxaa lagu dhigaa xidig ku taal aqalka jimciyada quruumaha ka dhaxaysa iyo aqalada kale ee midowga yurub iyo afrika iyo igad iyo jaamacada carabta magaciisaa inuu yahay jilaa wayn

Oo filimo badan ka soo metelay wadankiisa soomaaliya.

Hadal badan dan baa dhaanta bulshadii dawakha ee soomaaliyeedeey waxaan sugnaaba waa ciyaartii sanadka cusub ee 2010 iyo dhamaadkii dowlad ku sheega umada labada shariif iyo Sharma,arke.
Omar Suleiman omar (Tita)
Back to top Go down
 
khilaafka shariif iyo sharma'arke ma dan shacabaa mise waa sheekadii hore?
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Waa Talo Ku aadan Dhanka bage-ka hore ee Webka
» xaaska raiisulwasaarihii hore ingiriiska tonny balayr oo walaasheeda ay iclaamineeso inay muslimtay

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: