Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 RA'IISAL WASAARAHA CUSUBOW, KUWANi DOORSOON, YEY KU DOORINE IYAGA DOORI!!!

Go down 
2 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

RA'IISAL WASAARAHA CUSUBOW, KUWANi DOORSOON, YEY KU DOORINE IYAGA DOORI!!! Empty
PostSubject: RA'IISAL WASAARAHA CUSUBOW, KUWANi DOORSOON, YEY KU DOORINE IYAGA DOORI!!!   RA'IISAL WASAARAHA CUSUBOW, KUWANi DOORSOON, YEY KU DOORINE IYAGA DOORI!!! EmptySun Oct 17, 2010 8:57 pm

Waxaan ka mid ahay inta ka niyad jabtay xilalkan la magacabo ee kaddibna dhawr bilood dabadood la isku khilaafo, waxaana taas ugu wacan anigoo aan weli arag nin xilka raiisal wasaaraha loo magacaabay oo wax shacabka ka farxiya qabtay.
Waa suurto gal in Nuur Cadde oo lagu xasuusto tanaasulkii uu sameeyey iyo ka dulqaadidii ciidanka DKMG-ka ah uu ka dulqaaday suuqa bakaaraha, wallow aan taas xal u noqon oo maalin walba la duqeeyo.
Haatan waxaa i yara laabkiciyey xilkan laguu magacaaya adiga Maxamed Cabdulaahi Maxamed ah.
Waxaan is iri bal haddii aad la talisaan amuu ummadda wax qabtaa, balse xaalka Allaah ayaa naga og. Anaga rajo ku nool uun baan ku siman nahay.
Mida koowaad fariinteyda waxay si toos ah ugu wajahan tahay Ra’iisal Wasaare Maxamed Farmaajo.
Waxaan u iftiiminayaa waxa hor imaan doona ee laga yaabo inuu wax wanaagsan u arko, kaddibna inta lagu qaldo hawshiisii oo dhan sidaas circa loogu diro, isagana uu niyad jabo.
Ugu horeyn, Md. Ra’iisal wasaare waxaan ku leeyahay Mabruuk, ku soo dhowoow xilka laguu magacaabay. Waa xil sare oo magac ahaan wanaagsan. Waxaan Allaah ka rajeynayaa inuusan kugu ceebeyn maadaama aad tahay nin nadiif ah inta daahirka lagaa og yahay.
Mida xigta waan ka yara walaacay taariikhdaada laga sheekeeyey ee wanaagsan iyo meesha lagu keenay xilligan sida ay u kala duwan yihiin. Waayo meeshu waa meel ceebeed ee weli ammaan laguma arag. Tan iyo 2004, markii DKMG-ka ah la dhisay illaa hadda nin walboo meeshaas yimid isagoo ceebeysan uun buu baxay lagana daba oryaayo, mid walbaana sida maanta laguu amaanayo ayaa loo amaanayey markii uu imaanayey meesha.
Sabab baa jirta ugu wacan. Boosku waa boos wanaagsan ee dadka ku hareereysan ee aad soo dhax gashay ayaa dad xun u badan yihiin, intooda wanaagsani waa tiro aan faraha buuxin.
Maanta adiga ayey kubadda ku agtaalaa, haddii aad dhanka xun u darbeysana kubado way ordeysaa, haddii aad dhanka wanaagsan u darbeysidna sidoo kale. Balse natiijada aad ka dhaxli doontid ayaa kala duwan.
Aan dhabta u soo dhaadhaco. Waxa qaldani waa kuwan. Waxaad ku soo biirtay koox wadata magacyo xilal aad u wanaagsan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan, Wasiir, Agaasime, Taliye ciidan iwm.
Lakiin ragga meesha jooga ee xilalkaasi ku magacaaban waa xilalka cagsigooda. Waa dad xumaanta ka sameysan oo aan wanaaga u macaaneyn. Waa dad aan garawshiyo laheyn oo jeebka wax ka fahma, waana rag ku xeeldheer dibin daabyooyinka oo waxay jaraan mooyee aan waxba tolin.
Kuma shaqeeyaan damiir, kamana shaqeeyaan dan umadeen. Damiirkooda ayaa waa hore dhintay, waana dad ay islaamaha jaadka xukumaan oo markii deyn jaad lagu yeesho ayey aad idaacadaha uga hadlaan oo ku hadaaqaan dowladda wax ma qaban. Haddii ay dantooda dhex gasho dhiiga shacabka way iibsanayaan.
Raggani waxay leeyihiin astaano aad ku garan doonto. Waxaa astaamahaasi ka mid ah inay kuu imaan doonaan oo ay kuugu hambalyeyn doonaan xilka laguu dhiibay, isla markaasna kuu raacin doonaan inay madaxweynaha kula taliyeen inuu ku magacaabo, iyo inay ku ammaani doonaan iyagoo aan marnaba magacaaga hore u maqal.
Waxay aad uga shaqeeyaan arrimo qabiil, iyagoo marka hore kaaga bilaamaya inaad ka dhalatay qabiil wanaagsan oo dalka soo maamuli jiray. Waxay kuugu faani doonaan inay baarlamaanka galaangal ku leeyihiin oo ay xildhibaanada kuu shukaaminayaan.
Qaarkood waxay kaala hadli doonaan, reer hebel, jufo hebel, kaddibna jilib hebel, ugu dambeyna qoys iyo wax ka sii hooseeya.
Nadaanka dowladeed wax aqoon ah uma laha, balse waxay xafidsan yihiin ereyo kooban oo ay ka mid yihiin: Mooshin, Cod u qaadis, Dastuur, Cod kalsooni, Magacaabis, Xeer Hoosaad iwm.
Waxay isku mashquulin doonaan inay kaaga sheekeeyaan khuraafaad, iyagoo metelaya inay meesha kaaga waayo aragsan yihiin. Waxayna ku siindoonaa talooyin aan caqli fayoobi qaadan Karin.
Si ay kuu baqdin geliyaan ayey ku dhihi doonaan waxaan ridnay Cali Geedi, Nuur Cadde, Cabdulaahi Yuusuf, Aadan Madoobe iyo Ina Cabdi Rashiid oo weli raadkiisa sii muuqdo, waa runtood laakiin raggaasi inta aan la ridin ayey is rideen markay kuwan ka talo dhegeysteen.
Aan kuu digee , Hala yaabin haddii aad aragto nin wasiiradaada ka mid ah oo kuugu yimaada shaxaad adigoo og inuu qaatay miisaaniyadii wasaaradda waxna aan ku qaban, xisaab celinna ka keenin.
Sidoo kale hadii uu kuu yimaado nin xildhibaan ah oo ku leh xaaskii baa ii umushay ama ilmihii baa biil la’aan iga ah, hala yaabin, waayo nolosha qayilaad raadiska ayaa sidaas ah.
Haddii taliye ka tirsan ciidamada uu ku yiraahdo ii qor boono aan dekeda kaga qaato dhawr milyan oo shillin waan xanuunsanayaa oo waan is daweynayaa, ama ilmo ayaa iga xanuunsan, isagana waa hawl hortaada socotay ee haka didin.
Haddii aad maqasho xildhibaan ama wasiir aad shaxaad u diiday oo kaa caayaya idaacad iyadana wax weyn ha u arkin waa caadada xildhibaanada Soomaaliyeed ee xilligaane.
Haddii aad idaacadda ka maqasho in lagu mashquulsan yahay Mooshin ka dhan ah dowladaada, ogoow xildhibaanada ayey deynta jaadka ku badatay,naagihii jaadka ayaa farqaha ku dhegay.
Dadka noocaas ah inta aad caaboon tahay talo ha ka dhegeysan intay jahwareer ku geliyaan ayey kaa dhigi doonaan nin meesha u jooga inuu iyaga jaadkooda iyo kirada hoteeladooda UN-ka uga raadraadiya oo aan shacabka waxba ugu fadhiyin, ugu dambeyna ceeb ayaad la hooyaneysaa.
Nimankan mid walba wuxuu soo dayacay caruurtiis, wuxuuna leeyahay dhawr qudbo siro ah iyo kuwo uu saaxiinimo kula macaamilo, mana ahan dad damiir iyo Alle ka cabsi midna leh. Xishood la’aantuna way u dheer tahay.
Marka aad magacaabeyso golahaaga wasiirada ogow inuu jiro hab qeybsi urur diimeedyada ka dhexeeya oo ku hoos jira habka 4.5 ee ah hab qeybsiga beelaha TFG-da.
Urur diimeedyada dowladda ku hoos duugan ee aad ku wareeri doonto waxay kala yihiin, Aala Sheekh oo Madaxweynaha uu ka soo jeedo, Al Itixaad oo ah urur burburay oo maanta u kala go’an Shabaab, Xisbul Islaam, Al Ictisaam, iyo Salafiya Jadiid oo dhammaantoodba dowladda ku jira, haddana dagaal kala soo horjeeda.
Ha hilmaamin kooxda Al Islaax iyo garab iyaga ka farcamay ee Dam Jadiid oo iyagana dowladda sed qeybsi ku leh. Ahlu Sunna wal Jamaacana inaad hilmaamin darteed ayey Cadaado u weerareen si ay isu muujiyaan.
Raggani wadaada ah inkastoo ay ku jiraan kuwo shahaadooyin heysta intooda badan khibradooda waa macalin dugsi quraan, ama imam masaajid. Balse iska jir, waxay wataan shahaaddo la yiraahdo halgankii Itoobiyaanka dalka lagaga ureeyey.
Md. Raiisal Wasaare, waan jeclaan lahaa inaad warqadeydan aqrisid oo aadan u qaadan nin kaftan wax u qoraya ama dad madax ah maagaya, waxaan ka hadlayaa waa waaqac jira oo aan jeclaystay inaad adiga shacabka hortiisa kugula wadaago.
Haddaba, waxaan ku leeyahay, kuwani doorsoomay, ee u baahan daweynta dhanka maskaxda ah yeysan adiga ku doorinine, adiga doori oo xumaan ay ku jiraan ka saar inta aysan adiga ku doorin. Ilaah iyo intooda yar ee samaha ummadda jecelna la kaasho.
Midse ogow, haddii aad qorshe la timaado oo wixii ay ku jireen aad wax ka bedesho waa wanaag, haddise ay iyaga tusaale kuu noqdaan adigana waa kuu ceeb shacabkuna waa u guul darro.
Ugu dambeyntii waxaan ku leeyahay dhawr wejiga Allaah iyo wejiga Shacabka Soomaaliyeed, ha dhawrin wejiga shaqsiyaad dalka iyo dadka eed ka galay ee ku maagi doona marka ay arkaan inaad wax rasmi ah qabaneyso.
Ilaah hakaa dhigo mid naga bedela wasaaradahan shaqsiyaadka leeyihiin iyo baarlamaankan tiro badnayaasha, wax ma qabtayaasha ahi buuxaan.



Xigasho
Omar Suleiman Omar (Tita)

Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

RA'IISAL WASAARAHA CUSUBOW, KUWANi DOORSOON, YEY KU DOORINE IYAGA DOORI!!! Empty
PostSubject: Re: RA'IISAL WASAARAHA CUSUBOW, KUWANi DOORSOON, YEY KU DOORINE IYAGA DOORI!!!   RA'IISAL WASAARAHA CUSUBOW, KUWANi DOORSOON, YEY KU DOORINE IYAGA DOORI!!! EmptyThu Oct 21, 2010 7:36 pm

mahadsanid walaal
Back to top Go down
 
RA'IISAL WASAARAHA CUSUBOW, KUWANi DOORSOON, YEY KU DOORINE IYAGA DOORI!!!
Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: