Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Ragoow ku dadaala 10 si aad u heshan 10 “Dardaaran”

Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Ragoow ku dadaala 10 si aad u heshan 10 “Dardaaran” Empty
PostSubject: Ragoow ku dadaala 10 si aad u heshan 10 “Dardaaran”   Ragoow ku dadaala 10 si aad u heshan 10 “Dardaaran” EmptySat Aug 28, 2010 9:41 pm

Waa dar daaran Odey Soomaaliyeed kula dardaarmay wiilkiisa ah Xilli uu guur isku qaban qaabinayey, una sheegaayo in uu toban muhiim ah sameeyo si uu u helo toban ka muhiimsan, si qoyskiisa u gaaro baraaro.
Hadaba waxaan u soo qaadanay dar daarankaan in ay ka faa’ideystaan, dardaarankaan oo muhiim u ah dhamaan Raga Soomaaliyeed meelkasto oo ay joogaan, kuwa hada xaasaska leh iyo kuwo hada doonayo in ay lamaanayaashooda la aqal galaan, hadii aad dardaarankan si fiican u dhuuxdo waxaa kaaga soo bixi doona aqristoow muhiiimmadda iyo doorka uu odeyga reerka ka ciyaaro jiritaankiisa iyo habsami u socodkiisa.
Waxaan u soo qaadanay Dardaaran kadib markii aanu aragnay muhiimmadda uu u leeyahay qoysaska soo maaliyeed oo beryahan dambe kala dambayn iyo wax istixgalin ah ka jirin, furiinkane marti u ah inta badan, Hadaba aan idiin kala baxo adinka iyo iyo Dardaarankii caaqibada lahaa.
1&2. Isku muuji xaaskaada , una cadee jaceylka aad u qabto, hana ka bakhaylin xaaskaada in aad dhahdo aad ayaan kuu jeclahay, si aad ugu guulaysato hanashada nafteeda.
3. Iska ilaali go’aanka adaga haweenku waa ay neceb yihiin raga go’aanka adag, isku in aad u jilicsanaato, arrinkastane waqtigeeda ku beeg, si aad u hesho kalsooni xaaskaada.
4. Dheh hadalka macaan xaaskaada, haweenka waxa ay jecel yihiin muuqaal wanaagsan, labis qurxan, udag fiican iyo hadalka macaan wiilkeygiyow dumarku waxay jecel yihiin in nimankooda ay ka helaan hadal macaan, kuna dadaal nadaafada si aad u hesho soo dhawayn aan la heli Karin.
5. Hooyga waa boqortooyada hawaneeyda oo ay guud ahaan ka taliso, ayadoo ku dhex dareento lamaantaada in iyada xukunto oo ay marwo ay ka tahay, iska ilaali in aad burburiso boqortooyadaas, u sii xuriyad in ay ka taliso hoyga, si aad u hesho soo dhawaynta aabanimo aad mudan tahay.
6. Ku dadaal xaaskaada iyo qoyskeeda in aadan isku mid ka dhigto, sababtoo ah Xaaskaada waxa ay jeceshahay inay kasbato kalsoonidaada oo ay ku soo jiidato, qoyskeedana ay xiriiriso, hadii aad sameysane waxaa jiro doonta cadaawad iyo kalsooni daro, marka si aad u hesho degenaanta gurigaada iyo xushmad gaar ah tixgali inta awoodaada ah.
7. Haweenka waxaa laga abuuray feer qaloocan, waxaadna ogaataa in abuurka Allah aanu ceeb aheyn, hadaba hadii ay qalad daran oo araxan daro ah sameyso xaaskaaga, fadlan ku dadaal in aad hadal dabacsan ku toosiso qalooca jira, adigoo iska ilaalinaayo in aad jebiso qaloocii jiray, jabkana waxa uu noqonayaa furiin, aad ha u ad ad kaan aadna ha u jil jilicsanaan, si aad u hesho in uu qaladkii soo laabto ama sii socdo.
8. Haweenka inta badan waa fogeeyaan ehelka, hadii aad wanaag u sameyso mar markalena wax sibiq kaa dhahaan jawaabtu ay ku siin dooota waxa ay tahay “ weligaa wax wanaagsan kaama arag (sameyn)”, u dul qaado arrinkaa, hana u malayn naceyb oo aad ka cararto, si aad samirkaada wax ugu hesho, ugana badbaado in aad furto oo mid intaa ku haysano helo.
9. Ku dadaal in aad raalli u noqoto xilliyada ay daciifnimada la soo deristo, oo xitaa Allah ka cafiyey waajibaad badan, una noqo gargaar xiliyaga ay dhasho, una muuji deganaan hadii ay kugu carooto xiliga ay caadada qabto sababtoo ah waqtigaas xaaladooda ma degna, iskana ilaali in aad amaro badan siiso, sababtoo ah uma dulqaadan karto, si aad u hesho qalbigeeda iyo kalsoonideeda. waxyaabaha ay u baahan tahay , waa inaad xilligaasi aad yareysaa amarada aad siineysid.
10. ku dadaal in aad u dhimriso (naxariisato) xaaskaada sababtoo ah waa mid adi u hoos joogta ha ku xadgudbin , waa daciif ee garab qabo, hadal iyo ficilba, si ay kuugu noqoto raaxadii aad filaysay iyo raaliyadii naftaaada, xumane waligaa ha kaa qaabilin ileen dhar ayey kuu tahay adne dhar ayaa u tahaye.
by:
omar suleiman omar (TIta)
Back to top Go down
 
Ragoow ku dadaala 10 si aad u heshan 10 “Dardaaran”
Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: