Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?

Go down 
2 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?  Empty
PostSubject: AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?    AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?  EmptyThu Aug 26, 2010 8:53 pm

Quraanka Aayadihiisa Qaarba mar ayaa la fahmaa Sida Allaah Quraankiisa ku yiri : (Quraanka warkiisa mar Danbe ayaad ogaan doontaan )

Haddaba Allaah mar uu ka hadlaayey Ahlu Kitaabka Yuhuud iyo Nasaaro ayey waxay yiraahdeen: ( Jannada galimaayo ilaa Yuhuud iyo Nasaaro mooyee -Taas waa Rajooyinkooda -Waxaad ku dhahdaa Nabi Mohamedoow NNKH Bal Cadeymihiina keena Haddii aad Run sheegeysaan ???? )

Mar kalena waxay yiraahdeen Yuhuud & Nasaaro : ( Waxaanu nahay Carruurtii Allaah iyo kuwii uu jeclaa, Waxaad ku Dhahdaa Nabi Mohamedoow Haddii aad sidaa tihiin Danbiyadiina maxaa la idiinkugu Cadaabayaa , iska dhaaf in aad tihiin carruurtii Allaah & kuwii uu jeclaa’e waxaad tihiin dad ku Allaah abuuray ka mid ah….) !!!!.

Sheegashadaas oo kale weeye Janada ay galayaan AL-shabaabka is Qarxinaaya !!!!

Haddii aysan aheyn Sidee Ruux Dad Muslimiin ah oo Sooman isku Qarxiyey oo laayey uu u sheegtaa in uu ficilkaas Janno ku galaayo, waa Rajooyin Khuraafaad ku dul dhisan, Haddiise Ruux kasta waxa uu sheegto loo Raaci lahaa Yuhuud iyo Nasaaro ayaa janno gali laheyd, mase dhaceyso sida Rabbi Kitaabkiisa ku xukmiyey.


Waxaan kaloo khurafaadka ay iska dhaadhacsiiyeen Al-Shabaab iyo kuwa la halmaalaayi ku burinaayaa, Dhacdhadii ninkii ka tirsanaa Ciidankii Cali ibnu Abii Daalib – Waqtigii Fidnadda Saxaabadda- ee soo dilay Saxaabigii weynaa ee zubeer Ibnu Cawaam ,ayaa markii uu soo dilay is yiri Cali ibnu abii Daalib ugu Bishaaree in aad soo dishay ninkii ka soo horjeeday.

Wuxuuse Cali kala kulmay Oraah naxdin Badan oo ah tii Nabigu yiri : ( Ugu Bishaaree Naar midka Zubeer Dila) !!!! Markaas buu naxdintii asagiina is dilay taas oo uu ku mutaysanaayo Naarta uu Nabigu sii sheegay.

Haddaba waxaan Maqaalkayga Gaaban ku soo af jarayaa Al-shabaab waxay ku Bishaareysanayaan ma Dhiiga Dadka Muslimiinta ee Soomanbaa walle Janno iska daaye Naar baa lagu galayaa, Siduu Rabbi Kitaabkiisa ku sheegay SWT :

( Ruuxii Dila Qof Muslim ah si ula kac ah, Abaalmarintiisu waa JAHANAMO ASAGOO KU WAARAAYA, ALLAAHNA WAA U CAROONAYAA, NAXARIISTIISANA WAA KA FOGEYNAYAA,WUXUUNA U DIYAARINAYAA CADAAB WEYN ) !!!! 4:93.

Akhristoow ka waran Haddii Ruuxaas la dilay ee Muslimka ihi uu Soomanaa sidii Dhibanayaashii lagu laayey Hoteel Muna, shalay oo Talaado aheyd Cadaabtu waa ka sii weyn tahay.


Haddaba ha la ogaado Jannada Al-shabaab doonayaan waa tii Ahlu kitaabka oo kale waa hal bacaad lagu lisay ama Dhallanteed dhul siman ka muuqda oo ka oomani u maleynaayo Biyo markuu yimaadana aanan ka helayn waxba…. waa janno been beenay .

Waxaan kuwii lagu laayey Hoteel Muna Allaah u weydiinaynaa in uu jannadiisa runta ah galiyo, kuwii dilayna Naartiisa galiyo sidii kii dilay Zubeer oo kale.

Waxaan halkaan ugu tacsiyeynaynaa Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheledii ay ka geeriyoodeen 31 Ruux ,kuwa ku dhaawacmayna waxaan u weydiinaynaa in Allaah u boogo dhayo. AAMIIN.

Ilaahoow na badbaadi.
by:
omar suleiman omar (Tita)

Back to top Go down
mujaahid123
shabakada maadow
shabakada maadow
mujaahid123


Mawduucyadaada : 58
ka Qeeb Qaadashaadaada : 123
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Halkaa joogto : muqdisho al ciz
Shaqadaada : xoreenta dalka

AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?  Empty
PostSubject: Re: AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?    AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?  EmptySat Aug 28, 2010 9:30 am

xasbunalaah wa nicmal wakiil
walaal omar ma anan kaa filanaynin maqaal noocaan oo kale inaad soo qori doonto walaal waa maqaal zaaid loogu xumaada qaasatan adiga madaamaa aan u arag jiray maqaaladaada kuwo xikmado lahaay marka walaal sidee ayaad isku moogsiinaysaa kuwaas burcada ah oo umada laaynaya oo cadaw lasaaxib ah oo cadawga ay korkooda ay ka ridayaan madaaficda ay umada bakaraha ku gumadayaan ama walaal xaalada dalka ayaadan la socon marka walaal alaah ka baq maqaaladaan noocaan oo kale alaah wuu ku waydiin doonaa iyo dhiiga umadaas la daadinaayo
Back to top Go down
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?  Empty
PostSubject: Re: AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?    AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?  EmptySat Aug 28, 2010 8:30 pm

walaal waxaad sheegtay daadinta dhiig islaam in ay tahay danbi weyn ama ALLAAH sw hortiisa lagu xissbtami doono marka walaal ALSHABAB maka beri yihiin daadinta shacabka muslinka ah e maalin walbo muqdisho ku daataan mise ALSHABAB danbi malahan dhacdadaan HOTEL MUNA dadka ku jirey miyey ahaayeen gaalo dad sooman salaado miyaan dhixi karnaa dhiigoodu wuu banaanyahay?!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! anigu wanku faraxsanahay xamlada soonka ee NIHAAYATUL MUCTADIIN ee iminka dadar gashay lkn waxyaabahba gaarkood waa qatar aakhiro beel iyo camal aad isleedahay JANO aad kutageysaa wuxuu kugeynnaay NAAR marka waxbadan in la hubsado aa fiican seef laboodnimo mafiicna ..................
Back to top Go down
Sponsored content





AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?  Empty
PostSubject: Re: AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?    AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?  Empty

Back to top Go down
 
AL-Shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa?
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Dagso kitaabka حصن المسلم
» halkaan kadagso kitaabka muqtasar sahiih....................
» kitaabka quraanka oo ku tarjuman afka ingiriiska..................
» halkaan ka dajiso kitaabka مختصر صحيح مسلم
» Dagso kitaabka saxiixul bukhaari iyo muqadimah cilmu tafsiir

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: