Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Bishaan barakaysan ee ramadaan waxayaabo muhiim ah inaa ka barato

Go down 
AuthorMessage
wadani
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 71
ka Qeeb Qaadashaadaada : 119
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 24/02/2010

Bishaan barakaysan ee ramadaan waxayaabo muhiim ah inaa ka barato Empty
PostSubject: Bishaan barakaysan ee ramadaan waxayaabo muhiim ah inaa ka barato   Bishaan barakaysan ee ramadaan waxayaabo muhiim ah inaa ka barato EmptyFri Aug 13, 2010 5:10 pm




Bishaan barakaysan ee ramadaan waxayaabo muhiim ah inaa ka barato HeartBishaan barakaysan ee ramadaan waxayaabo muhiim ah inaa ka barato Rose1Bishaan barakaysan ee ramadaan waxayaabo muhiim ah inaa ka barato BismBishaan barakaysan ee ramadaan waxayaabo muhiim ah inaa ka barato Rose1Bishaan barakaysan ee ramadaan waxayaabo muhiim ah inaa ka barato Heart




Bishaan barakaysan ee ramadaan waxayaabo muhiim ah inaa ka barato RamadaanSida
aynu wada ogsoonahay waxa soogashay bishii barakaysnayd ee
ramadan ilahay gaadhsiiyo chance aad u wayn una baahan in aad looga
faa'iidaysto.
Bishan Ramadaan ee fooda inagu soo haysa oo ilahay (sw)
siiyay Fadli aad u wayn lana soo koobi karin waxa loogu magac daray
bishii Quraanka.
sobobtoo
ah waa bishii la soo dajiyay quraanka kariimka ah. Sida ilahay -Sw-
inoogu sheegay quraanka waa bil ilahay -Sw- furo albaabada janada, isla
markaana uu xiro albaabada naarta. Sidoo kale waa bil ilahay ugu magac
daray albaab ka mid ah albaabada janada kaaso oo ay ka soo gali doonan
malinta qiyaamaha dadka sooma.

Hadaba Asaxaabtii Rasuulkeenii
suubanaa Naxariis iyo Nabad Gelyo Korkiisa ha ahaate (SCW) aadbay ugu
farxi jireen marka ay soo gasho bisha ramaadaan waxyna jecelaysan jireen
in sanadkoo dhan lagaba dhigo ramadaan si ay uga faa'iidaystan fadliga
iyo xasanaadka ay leedahay bisha ramadan. isla markaa waxa laynooga
baahan yahay in aynu ku soo dhawayno bisha ramadaan farxad badan qofkii
ilahay ku simana waa chance qaali ah oo ilahay siiyaye in uu ka
faa'iidaysto.

Xikmadda Soonka :


Lama
soo koobi ujeedooyinka iyo xikmadda Soonka ka danbeysa; waxaana ka mid
ah in Illaah amarkiisa loo hogaansamo. In dadka ay dareemaan gaajada iyo
darxumada, si ay u xasuustaan khaaliqooda abuuray, sidoo kale inuu ugu
naxariisto fuqurada. Ujeedooyinka Soonka waxaa ka mid ah, inuu Illaah
dadka simo oo kan taliya iyo kan loo taliyo, maal qabeenka iyo kan
saboolka ay si wadajir u dareemaan gaajada oo ay wada sooman yihiin.
Soonku wuxuu dhaliyaa midnimo iyo sinnaan, is jeceyl iyo is kaashi,
sidoo kale waa cibaado laga doonayo qof kastoo ka mid ah muslimiinta,
isagoo markaana buuxinaya shuruudda Soonka.

Xukunka Soonka:


Soonku
waa waajib sida laga fahmi karo kitaabka qur’aank ah iyo Sunnada Nebiga
(scw). Ilaah wuxuu qur’aankiisa ku yiri: "Dadkii Alle rumeeyayow waxaa
la idinku waajibiyay inaad soontaan sidii dadkii idinka horeeyay loogu
waajib yeelayba, waxaadna mudan tihiin inaad dhowrsataan" (Suradda
Al-baqara 183). Wuxuu kaloo Alle yiri: "Bisha Ramadaan waa bishii la soo
dejiyay qur’aanka, isagoo hanuun dadka u ah iyo caddeyn oo hanuun iyo
kala bixin (xaqa iyo baadilka) ah ee ruuxii jooga bisha soon ha soomo,
ruuxiise buka ama musaafir ah waxaa dushiisa saaran maalmo kale
soonkood, Ilaah wuxuu idinla doonayaa fudeyd ee idinlama doonayo culeys,
waana inaad dhammeystirtaan tirada, waynaysaana Ilaah wuxuu idinka
hanuuniyay, waxaadna mudantihiin inaad Ilaah ku shukrisaan" (Suradda
Al-baqara 185).

Dhinaca Sunnada Nebiga (scw), waxaa jira axaadiis
fara badan oo dhammaantood caddeynaya waajibinimada soonka, waxaana ka
mid ah xaddiis Dhalxa Binu Cubeydillah uu yiri, waxaa Rasuulka (scw)
weydiiyay nin, isagoo ku yiri: "Rasuulkii Alloow waxaad ii sheegtaa
soonka uu Alle igu waajib yeelay?." Rasuulka (scw) ayaa wuxuu ku yiri:
"waa bisha Ramadaanka". Wuxuu misna yiri: "ma soon aan bisha Ramadaanka
ahayn oo la igu leeyahay ayaa jira?". Wuxuu yiri: "Maya, aan ka ahayn
kaad sunno ahaan u soonto". Haddaba, halkan waxaan ka fahamnay in soonku
yahay waajib aan dood ka taagnayn waajibnimadiisa, dhinaca kalena waxay
culumada Islaamka isku waafaqsanyihiin in qofkii si ula-kac-ahaan u
diida waajibnimada soonka uu gaaloobayo. Soonku waxaa la waajibiyay
maalin isniin ah, ayna tahay labada bisha Shacbaan sannadkii 2aad ee
hijriga.

Shuruudda Soonka:


Soonku, wuxuu leeyahay shuruudo, oo haddii aanan lala imaanin uu burayo soonku, waxaana ka mid ah:-

1. "Islaamnimo" Qofka Soonka laga doonayo waa inuu Muslim yahay.
2. "Miyir qab" Qofka waalan waajib kuma aha soonka.
3.
"Qaangaar" Ilmo caruur ah lagama doonayo soon ( hase ahaatee way fiican
tahay haddii caruurta lagu tababaro soomidda markay yar yihiin).
4.
"Awoodid" Soonku waxaa loo banneeyay inay afuraan ciddii aan awood u
lahayn oo ay haysato dhibaato caafimaad iyo arrimo kaleba. Dadkaasi aan
awoodi karin waxaa loo qaybiyaa ilaa saddex qaybood oo kala ah sida:
1. Kuwo loo banneeyay inay afuraan, hase ahaatee laga rabo inay quudiyaan miskiin.
2. Qaar sidoo kale iyagana loo banneeyay inay afuraan, ka dibna ay soonka qalleeyaan (gudaan), laakiinse aan quudinayn cidna.
3. Iyo ugu danbeyntii kuwo ay waajib ku tahay inay afuraan, dabadeedna ay soonka gudaan.

Qaybta
hore waa dadka da’da ah oo aan awoodda u lahayn inay soomaan, kuwaasi
waajib kuma aha inay soomaan oo waxaa loo fasaxay inay afuraan, laakiin
waxaa laga doonayaa inay quudiyaan miskiin (qof baahan) maalin kasta oo
Ramadaanka ka mid ah. "Kuwii Soonku dhibiyay waxay bixin quudin miskiin"
Suuradda Al-baqara 184. Sidoo kale waxaa qabytan soo hoos galaya qofka
xanuunsan ee aan rajada laga qabin inuu bogsado. Waxaa kaloo ku jira
hooyada uurka leh iyo tan ilmaha nuujinaysa, waa haddii ay ula baqdo
nafteeda iyo tan cunuga inay quudaantaasi la timaaddo oo ay afurto.

Qaybta
labaad oo ah kuwa loo baneeyay inay afuraan, isla markaana markii ay
awood u helaanna soonkii soo gudaan oo qalleeyaan, waxaa ka mid ah qofka
xanuunsan ee rajeynaya inuu bogsoodo, qofka safarka ku jiro ee aan
deganayn. Illaah kor ahaayee wuxuu yiri " Qofkii idinka mid ahi oo
xanuunsan, ama safar ku jira waxaa korkiisa ah inuu soomo maalmo
soonkood" Suuradda Al-baqara. Qaybta ugu danbeysa ee ay waajib ku tahay
inay afuraan, isla markaana ay soonka dib u gudaan waa:- Haweeney inta
ay ku jirta wakhtiga caadada iyo kan dhalmada, waa Xaaraan in ay
xilligaas soonto, waxaana laga doonayaa in ay soonto marka ay daahirto.

Tiirarka Soonka:


Soonku
wuxuu leeyahay labo tiirar oo asaas u ah Soonka, kuwaasoo loo baahan
yahay inuu qofka soomani la yimaado, waxayna kala yihiin:- 1) Af-xirasho
laga af-xirto cabidda iyo cuntada laga bilaabo goorta ay qoraxda soo
baxdo ilaa ay ka dhacdo. "Cuna oo cabba intuu ka muuqdo liilanka cadi
(waagu) kan madoow" (Suuradda Al-baqara aayadda 184).Tiirka labaad waa
niyadda, camal kastana waxaa shardi u ah niyad (ikhlaas) oo lama
aqbalayo camalka hadduusan niyad wadan. Aayada ku jira Suuradda
Al-bayyina iyo Suuradda Al-xaj ayaa qeexaya arrinkan. Sidoo kale, wuxuu
Rasuulka (scw) xaddiis ku yiri " Camal kasta waxaa saldhig u ah niyad,
qof kastaana wuxuu leeyahay wixii uu niyooday".

Qofka soomani
waxaa laga doonaya inuu niyeysto soonka, ka hor inta ayan qoraxda soo
bixin maalin kasta. Waxaa kaloo la yiraahdaa, waxaa qofka ku filan
niyadda uu niyeysanayo maalinta ugu horeysa ee uu niyoonayo soomidda
bisha soon oo dhan. Xafsa hooyada Mu’miniinta waxay Rasuulka (scw) ka
werisay inuu Rasuulka (scw) yiri "Qofkaan kulmin niyadda (niyadda iyo
go’aanka ah in la soomo) ka hor fajarka uma sugaanin oo ma laha soon".

Waxyaallaha buriya soonka:

Waxaa
loo qaybiyaa waxyaabaha soonka buriya ilaa labo qaybood: Qaybta koowaad
oo ah in si ula kac ah loo cuno cunto ama loo cabo cabitaan; sidoo kale
is matajin ula kac ah, caadada ama dhiiga dhalmada, ruuxa sooman oo
niyeysta inuu afuro. Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha buriya soonka
qofka oo gacantiisa isaga keena biyaha shahwada (siigada).

Qaybta
labaad ee buriya soonka, isla markaana waajibiya in la qalleeyo soonka,
sidoo kalena waajibiya in lala yimaado kafaaro gud ayaa waxaa ka mid ah
galmada labada is qabta ee maalinta Ramadaanka. Kafaaro gudka halkan
aan ku xusnay waxaa si tartiib leh u sheegtay aayad qur’aan ah sida
qofka u galmooday xaaskiisa maalin soon ah, waa inuu xoreeyaa addoon
(addoonsi wax la yiraahdo maanta ma jiraan, allahu aclam)), haddii uu
awoodi waayo waa inuu soomo labo billood oo isku xiga, hadduu awoodi
karin waa inuu quudiyaa lixdan masaakiin. Qofkii xaaskiisa u gaalmooda
labo jeer maalin ramadaan ah qofkaasi waxaa laga doonayaa hal jeer
kafaaro-gudkeed, gabadhiina laguma leh kafaaro-gud (waa sida uu qabo
Imaam Al-Shaafici). Qofka uma bannaana inuu u galmoodo xaaskiisa
maalmaha Ramadaanka, hase ahaatee way u bannaan tahay galmada habeenka.

Sunnooyinka Soonka:

Soonku
wuxuu leeyahay sunnooyin fara badan oo ay habboon tahay in lala
yimaado. Waxaa ka mid ah sunnada Soonka in la de-dejiyo afurka, isla
markaana la dib dhigo Suxuurta. Rasuulka (scw) wuxuu yiri "Dadka kheyr
kama suulaan inta ay dedejinayaan afurka, ayna dib u dhigayaan
Suxuurta". Waxaa kaloo ka mid ah sunnooyinka Soonka in marka la afurayo
lagu billaabo xabbado timir ah, Rasuulkuna (scw) sidaa ayuu sameyn
jiray.

Waxaa kaloo ka mid ah Sunnooyinka Soonka, in la duceysto
kolka la afurayo, waana wakhtiyada ay u badan tahay in la aqbalo ducada.
In la sameeyo cibaado badan sida Salaadaha sunnada, bixinta sadaqada
iwm. Bisha Soon wuxuu Illaahay dhexdeeda yeelay denbi dhaaf uu u denbi
dhaafo addoomadiisa u hogaansama isaga, xoreynta Naarta iyo Naxariis uu
naxariisto. Waxaa ku jira habeennada Ramadaanka, habeen ka kheyr badan
1000 billood, waana habeenka Leylatul-qadri.

Sunnooyinka Soonka
waxaa ka mid ah in habeenka Ramadaanka la badiyo ducooyinka iyo akhriska
qur’aanka. Waxaa kaloo ka mid ah in masaajidyada lagu ictikaafo
(negaado) maalmaha Ramadaanka, gaar ahaan tobanka ugu danbeeya bisha
Ramadaan. Culumadu waxay sheegaan in habeenka laytalu-qadriga ku jiro
tobanka ugu danbeeya Ramadaanka. marka inshaallah saas ayaa inu balan ah
kuligina hadaba yaysan ku dhaafin fursadan ogoow qof shalay nala soomay
ayaa maanta aduunka ku noolayn walaal yaal ku dadaal cibadada ka
fogaada danbiyada alle ha inoo wada naxariisto fadlan warqadaan gaarsii
qofka kale ee walaalkaaga ah ilaahay hakaa abaal mariye

salaamu calykum ramdaan kariim

Back to top Go down
 
Bishaan barakaysan ee ramadaan waxayaabo muhiim ah inaa ka barato
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» munaasaba bishaan barakaysan darteed hadiyadaan kuugu tala galay ka dagso halkaaan
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (HORDHAC)"1"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (ICTIKAAFKA)"6"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Soonka)"3"
» QORMO KU SAABSAN AXKAAMTA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN (Fadliga Taraawiixda)''4''

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Khudbadaha iyo Muxaadarooyinka-
Jump to: