Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Ninyahaw Naagtaada Dhaqo

Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Ninyahaw Naagtaada Dhaqo  Empty
PostSubject: Ninyahaw Naagtaada Dhaqo    Ninyahaw Naagtaada Dhaqo  EmptyWed Aug 04, 2010 8:59 pm

Sida naagtaba looga doonayo inay adeecdo oo u adeegto ninkeeda, maalkiisana aanay ku bixin idankiisa mooyee, ayaa sidoo kalena ninka looga doonayaa inuu xaaskiisa u roonaado, wanaagna ku dhaqdo. waxa uu Eebbe Qur’aankiisa ku leeyahay:

(Ku dhaqda wanaag, haddaad nacdaanna waxaa dhici karta wax idinku aad nacdeen in Eebbe khayr badan dhex dhigo) (Suurat An-Nisaa: 19). Rasuulkana (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa laga weriyey: “Mu’miniinta ka ugu iimaanka badani waa ka ugu edebta badan, waxaana idiinku akhyaarsan ka xaaskiisa ugu akhyaarsan“.

Dab kastaa kolka uu dillaacayo koob biyaa kolay ku tahay waa lagu damin karaa. Anigoo haddaba aragtidaasi ka amba qaadaya, ayaa waxan oran karaa dhibaatooyinka ugu badan ee qoysaska dhisan dumiyaa waxay ka billowdaan is afgaranwaa yaryar oo aan markaa micna lahayn, isla goobtaasna wax looga qaban karo, haddiise la daayo ama batrool lagu sii daro sii holciya, kolkay isbiirsadaan waxay gaaraan heer furriin mooyee faraj kale laga quusto.

Ninka haddaba doonaya inuu guri barwaaqo dego, waxa la gudboon inuu waanooyinka soddonka ah ee soo socda si fiican u dhuuxo, uga fekero, xisaabtana ku darsado. Waxyaabaha aan hoos uga hadli doonaa, waxan isleeyahay waxa weeye waxyaabo ninku hadduu sameeyo aan isaga waxba ka dhibayn, xaaskiisa ku abuuraya kalsooni, dulqaad, jacayl iyo farxad joogta ah, guurkoodana ka dhigaya kii lagu nasto oo lagu nagaado abid.

1- Ha xumeyn xaaskaaga. Xumeyn aad naagtaada xumeeysaa nooc ay ahaataba, waxay ku reebtaa aano urugo aan weligeed ka bixin. Waxyaabaha ay xaasku ka carooto laabteedana aanay kaaga cafineyn, xitaa hadday carrabkeeda kaaga cafiso, waxa ugu daran adigoo dila iyo adigoo caay ama ceebeyn u geeysta iyada ama ehelkeeda, amaba adigoo sharafteeda iyo karaamadeeda wax ka sheega.

2- Si fiican u dhaq si fiican ha kuu dhaqdee. Dareensii inaad jeceshahay iyo inaadan ka maarmin. Nafteeda u raaxee oo raalligeli, caafimaadkeedana ku dadaal. Hadday xanuusato, wax kasta u hur siday ku daawoobi lahayd, siday u caafimaadi lahaydna usoo jeed.

3- Ogoow inay xaaskaagu jeceshahay inaad la fariisatid, kalana sheekeysatid wax kasta ood dareemeysid. Guriga ha kusoo laaban adigoo weji cabuusan oo aamusan, taasi oo iyada ku rideeysa welwel iyo shaki.

4- Haku khasbin xaaskaaga inay kula wadaagto hiwaayadahaaga gaarka ah. Tusaale ahaan, haddaad caalim ku tahay cilmiga xiddigiska, haka filan inay sidaada oo kale jeceshahay xiddigaha iyo meereyaasha.

5- Noqo nin dhowrsan oon balwad lahayn sida aad iyadaba ka rabtid inay noqoto. Waxa jira Xadiis uu soo saaray Dhabariyy oo oranaya: (Dhowrsanaada dumarkiinnu ha dhowrsanaadaane). Iska jir inaad indhaha ka daba taagtid dumarka aan xalaasha kuu ahayn, sdia kuwa aad wadaagtaan goobta shaqo ama goobta waxbarasho, kuwa waddooyinka maraya iyo xitaa kuwa aad Taleefishanka ka daawatid.

6- Iska jir inaad xaaskaaga ka masayrisid. Ha kusoo hadal qaadin, kaftanba ha kaa ahaatee, inaad doonaysid inaad naag kale guursatid, hana u ammaanin dumar kale, waxyaabahaasi oo laabta ka wareemaya, kalgacalka ay kuu qabtana ku beddelaya welwel, shaki, malo iyo murugo joogto ah.

7- Ha xusuusin xaaskaaga xumaan iyo ceebo ay sameeysay waqti lasoo dhaafay, gaar ahaan ha ku hor sheegin ceebahaasi hana ku caayin dadka hortiisa.

8- Dhaqankaaga wanaaji, ayaan markaad joogtana dhaqan wanaag hor leh lasoo bax, sida aad iyadaba uga rabtid, kana digtoonow wax kasta oo xaaskaaga ka xanaajin kara.

9- Dhaqan iyo diin wanaagga xaaskaaga kaga dayo hadday kugu dhaanto. Imisaa rag hanuunay kolkay guursadeen haween diin leh oo dhowrsan, dhaqan wanaagsanna leh.

10- Isdeji, carada iyo xanaaqana iska daa. Haddaad xaaskaaga ka gardarraatid ka cudurdaaro oo ka raalligeli, hana seexan adigoo u caraysan, iyana ay murugeysantahay ooy illintu dhabankeeda ku taallo. Ogoow waxyaabaha aad ka carootaa inta badan ma aha wax astaahila inaad qoyskaaga farxaddiisa u baabi'isid eh. Shaydaanka iska naar, isdeji, ogoowna dhaqanka iyo jacaylka adiga iyo xaaskaaga idiin dhexeeyaa inay ka weyn yihiin inay ku waxyeelloobaan caro iyo is fahamwaa mar dhacay.

11- Isku kalsooni ku abuur xaaskaaga, hana ka dhigin sida adeegto waxaad doontid kuu yeesha waxaad tiraahdidna kaa yeesha. Ku dhiirrigeli inay yeelato shaqsiyad, fikrado, iyo go'aanno iyada u gaar ah. Kala tasho umuurahaaga oo dhan, kulana dood si xikmad leh. Qaado ra'yigeeda hadduu kuula muuqdo inuu saxyahay, una sheeg inaad ra'yigeeda qaadaneysid, hadduuse ra'yigaagu kula saxsanaado si degganaan iyo dadnimo wanaag leh uga dhaadhici.

12- U mahad celi kuna ammaan kolkay wax mudan in lagu ammaano looguna mahad celiyo sameeyso. Xadiis uu Tirmidi weriyey baa ahaa: (Qofkaan dadka ku mahadini Allena kuma mahadiyo).

13- Xaaskaaga ha eedeyn, hana cambaareyn, hana barbar dhigin dumar kale ood ku leedahay way kaa fiican yihiine ku dayo.

14- Isku day inaad ku tartid kuna taakulaysid wax kasta oo ku dhiirrigelin kara inay aqoon kororsato. Hadday doonayso inay Dugsi ama Jaamacad dhigato, u fududee oo garab istaag, kol haddaanay waxay baranaysaa kahor imaanayn diinta, kana mashquulinayn waajibkeeda marwonimo ee guriga. Kolka ay guul soo hooyso, la farax oo dareensii inaad guusha la wadaagto, garabkeedana aad had iyo goor taagan tahay.

15- Si fiican u dhegeyso xaaskaaga, kuna dhiirrigeli inay kuu sheegto wax kasta oo laabteeda ku jira. Iska jir inaad ku jeesjeestid ama hadalkeeda jebisid (beenisid). Waxa jira dumar aan hadal daayin oo deriska iyo dadka xanta. Haddaba, kuwaas oo kale si xikmad leh, diintana waafaqsan arrinkooda ku daawee.

16- Dareensii xaaskaaga inay agtaada aamin ku tahay, ood adigu dugsi iyo duggaal uga tahay duruufo kasta ooy ka baqayso. Dareensii inaadan weligaa dumar kale ka doorbideyn kana doonaneyn.

17- Xaaskaaga dareensii inaad adigu masruufkeeda iyo marashadeeda mas'uul ka tahay, xitaa hadday xoolo badan leedahay. Ha damcin xooleheeda kuu xalaal ma ahee, maal bay haysataa darteedna ha kaga masuugin . Ogoow xaaskaagu, si kasta ooy taajirad u tahay inay ku farxayso kuguna qiimeynayso dadaalka aad ugu jirtid sidaad mustaqbalkiinna u dhisi lahayd, mas'uuliyaddeedana u qaadi lahayd.

18- Iska jir xiriirka dumarka aan kuu bannaanayn, ogoowna inay kamid yihiin waxyaabaha ugu badan ee guryaha dhisan dumiya.

19- Dheellitir jacaylka xaaskaaga iyo jacaylka waalidkaa iyo tolkaaga, dhinacna dhinaca kale ha uga eexan oo daraf waliba xaqa uu kugu leeyahay sii, adigoon darafka kale xumeyn.

20- U ahow xaaskaaga sida aad jeceshahay inay kuu ahaato, ogoowna inay iyaduba kugu jeceshahay waxa aad adigu ku jeceshahay. Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Waxaan jeclahay in aan xaaska isugu qurxiyo sida aan u jeclahay inay isugu kay qurxiso).

21- Soo wareeji oo kusoo madaddaali guriga dibaddiisa hasoo hawa beddelatee, gaar ahaan kahor intaanay dhalin ubad madaddaaliya, wax allaale waxaad jeceshahay inay kula qaybsatana la qaybso.

22- Reerkeeda xariiri, dhaqaalee, si xushmad lehna ula dhaqan oo usoo dhowee.

23- Waqtigaaga oo dhan shaqadaada ha siin yaanay ka maseeyrine. Waqiyadaada fasaxa iyada kula qaado guriga gudihiisa ama dalxiis u kexee oo soo wareeji, yaanay caajis dareemine.

24- Kolka aad guriga ka baxaysid, ku sagooti dhoola caddayn, kana dalbo inay kuusoo ducayso. Kolka aad guriga kusoo laabatidna ha ku degdegin ee waqti sii ay kulankaaga isugu diyaariso, gaar ahaan kolka aad safar kasoo gashid, aan ahayn waxa laga yaabaa inaad ku aragtid qaab iyo lebbis aadan jeclaysan inay kugu qaabisho.

25- Adiga iyo xaaskaagu nolosha isku il ku eega oo isku day inaad aragtida ka midoowdaan.

26- Isku day inaad xaaskaaga ka kaalmeysid howlaha guriga qaar. Caa'ishah (RC) waxay tiri: (Rasuulku "SCW" haweenkiisa ayuu howsha la qaban jiray, Salaadda waqtigeeda kolka la gaarana Salaadduu u bixi jiray). Waxa weriyey Bukhaari.

27- Isku day inaad isha ka dadabtid meelaha qaar ay xaaskaagu ku liidato, ama lagaga fiicanyahay, isna xusuusi wanaagga iyo waxtarkeeda, si ay u daboolaan ceebeheeda. Rasuulku (SCW) waxa uu yiri: (Nin Mu'min ahi ma liido naag Mu'minad ah, hadduu dhaqan ku naco mid kaluu ku raacaa). Muslim baa weriyey.

28- Xaaskaaga shukaanso, la kaftan oo la cayaar. Rasuulku (SCW) oo nin Saxaabiya la hadlayaa waxa uu yiri: (Gabar maxaad u guursan weysay aad la cayaartid oo kula cayaarta). Bukhaari baa weriyey. Cumar bin Khaddaab (RC) oo caan ku ahaa ad-adayg iyo xoog, xitaa, waxa uu dhihi jiray: (Ninku kolku xaaskiisa la joogo waa inuu sida carruurta ahaado, kolka uu dad kale la joogana rag ahaado).

29- Xaaskaagu hadday kugu soo hadal celiso waa inaad dhegeysatid ra'yigeeda una dulqaad yeelatid. Rasuulka (SCW) dumarkiisu way ku ra'yi celin jireen kamana uusan caroon jirin.

30- Deeqsi u ahow xaaska iyo carruurtaada, waxaad u awooddana ha kala bakhaylin. Rasuulku (SCW) waxa uu yiri: (Diinaarrada waxa ugu fadli badan ka aad ehelkaaga ku bixisid). Waxa weriyey Axmed.

Ragga waxa lagula dardaarmayaa inay dumarkooda isu qurxiyaan oo isu carfiyaan. Aayad Qur’aan ahi waxay oranaysaa:

(Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale) (Suurat Al-Baqara: 228). Waxa weliba la sheegaa in haweeneydu kolkay barafuunka ninkeeda uriso, isla goobtaasi ku godlato, oo galmo ugu baahato. Ibnu Cabbaas (RC) waxa laga weriyey inuu yiri: “Ninku ha isugu diyaariyo naagtiisa sida isaguba uu jecelyahay inay isugu diyaariso”.

Ninku waa inuusan kolka uu guriga joogo isdhigan oo uusan wax waliba ku dhaafin inay siday doonaan u dhacaan, balse waa inuu guriga ku leeyahay mowqif sidii isaga oo xafiiska shaqada jooga. Dumarku waxay jecel yihiin in raggoodu ay leeyihiin muuqaal carruurnimo, waxayna neceb yihiin inay leeyihiin muuqaal nimow-naagnimo, kaasi oo kaga imaan kara dhanka lebbiska, isticmaalka barafuunnada dumarka, surwaalka ku dheggan, qoobka dheer ee kabaha, indhaha baararkooda oo midabbaysan, bushimaha cascas, iwm. Haweeneyda u dhalatay qosol iyo farax la'aantu waa inay samayso sida ay sameeyaan dumarka dukaamada iibiyaa kolka ay macaamiishooda kula kulmayaan bashaashnimo iska yeelyeel ah, sababta oo ah wejiga bashaashka ahi waxa weeye qayb kamid ah naagnimada
By:
Omar Suleiman Omar (Tita)
Back to top Go down
 
Ninyahaw Naagtaada Dhaqo
Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: