Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Somalia: Dal Dad Waayay iyo Dunni Damiir Beeshay!.

Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Somalia: Dal Dad Waayay iyo Dunni Damiir Beeshay!. Empty
PostSubject: Somalia: Dal Dad Waayay iyo Dunni Damiir Beeshay!.   Somalia: Dal Dad Waayay iyo Dunni Damiir Beeshay!. EmptyMon Jul 26, 2010 8:33 pm

Shucuubta caalamku waxay u qeyb-sanyihiin kuwa dhulkii qaadi waayay oo dalalkoodii
ay ku yar yihiin iyo kuwa uu ka baaxad wayn yahay dalkooda, markaas farqiga u
dhaxeeya labadaasi qaybood waxaad moodaa in si la fahmi karo u kala duwan yahay,
iyadoo aysan jirin cid maanka ku haysa wax ka yar arrintaasi.
Musiibooyinku, iyana waxay u qaybsamayaan labo qaybood oo kala ah mid ay dadku
gacmahooda ku kasbadaan iyo mid dabiici ah, laakin isla musiibooyinkaas waxaa
dunnidda aan ku nool nahay ay ula taacamulayaan hadba sida ugu haboon ee wax looga
qaban karo ama haddii ay dhacaan musiibooyinkani loo daryeelo dadkii iyo meelaha ay
ka dhaceen.
Soomaaliya oo ka mid ah shucuubta tira ahaan dalkoodu uu ka baaxad wayn-yahay waxay
u muuqataa mid dhimatay oo aan la oran Karin waxabaa u haray marka laga reebo
fool-xumo kale oo u harsan dadka ku abtirsada Soomaalida oo colaadu ku gaamurtay 20
sanno.
Colaada dalka Soomaaliya waxay noqotay mida ugu dheer dal ka mid ah aduunka, iyadoo
ay maalin kasta ka baxsanayaan dalka kumanaan carruur iyo haween u badan oo miciin
bidaya dalalka dibada, haba ugu badnaadeen kuwa dariska sida Kenya, Itoobiya ,
Uganda ,Yeman iyo dalal kale oo fara badan.
Heerka colaadaha Soomaaliya!
Sida iska cad waxaa la ogyahay in dagaalada Sokeeye ee Soomaaliya ay soo mareen
marxalado dhib badan oo loogu yeeri karo axmaqnimo islamarkaana ummadaasi ay isku
dishay si fool xun kana fog caqliga wanaagsan , iyadoo waliba dagaaladaasi ay sabab
u noqdeen Dhimasho, dhaawac, bur-bur, Baaba hanti badan, Barakac, iyo musiibooyin
kale oo fara badan.

Si kastaba ha ahaatee meesha ay maanta colaadaasi soo gaartay waxay u muuqataa meel
kama dambeys ah oo Soomaaliya ay ku soo afjarmayso maadama ay ummadii waxaas oo
xadgudub ah isku gaysatay ay misna hadda kala dhuuqayaan dhiig ka badan kii hore
iyagoo adeegsanaya magacyo iyo muuqaalo ka duwan kuwii hore.
Murugadu waxaa ay tahay Diintii Islaamka oo meel looga dhacay waxana dhinacyada
rabshadaha wada ama ay u dhaxeeyaan ay adeegsanayaan magaca Dinta Islaamka oo ah
Diinta ugu wanaagsan koonkan islamarkaana ah diinta kaliyah ee dhabta ah ee si xaq
ah u dhowreysa nabada iyo xasiloonida.
Goobaha dagaalada Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaad ku arkeysaa dhimasho
badan iyo dhaawac daadsan waddooyinka xiliyada colaadaha sida dagaaladii ugu
dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, waxaadna kale oo aad arkeysaa Magaalada oo aad
cidlo u ah, dadkiina uu ka baxay intiisa badani.
Wal-walka Muqdisho!
Muqdisho ayaa u eg mid ooyintii ka sii dhamaanayso, waxaadna waddooyinka ku arkeysa
xayawaanno u badan Eeyo, Bisado, iyo Dameero, kuwaas oo looga siibtay ama looga qaxay
dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho. xayawaankaasi waxey u muuqdaan kuwa walaaca la
wadaagaya Caasimada iyo goobaha kale ee colaadu ka taagantahay ee Soomaaliya.

Wal-walka ugu wayn ee haysan kara xayawaankan iyo Caasimada dadkeedii duleeyeen ee
Muqdisho, waxa uu yahay, Cida Bedeli doonta oo degi doonta mar haddii Soomaalidii
duleysay Dalkeeda.
Carruurtii iyo haweenkii qaarbaa adkeysanaya oo Magaalada sheedda ka eeganaya iyagoo
guryo cooshado ah ka sameystay meelo cidlo ah oo aan caasimada ka fogeyn,
Kumanaan kale ayaad ku arkeysaa wadamada dariska sida kuwa aan kor ku soo sheegay
waxayna dadkaasi ka nolol liitaan xayawaanka, laakin dadbaa u haysta in haddii ay
Soomaaliya ka soo baxsadeen ay haystaan nolol wanaagsan.
Qaar ka mid ah dalalka afrikaanka ah ee dadkaasi ay u qaxeen waa ay gadanayaan
Soomaalida yacni dadkii soo qaxay ayaa lacag ah oo aad u moodaa in ay dani ugu jirto
kuwa la miciin biday dalalkooda sida dalalka ku yaala barriga afrika.
“Anigga waxaa laga iga qaaday boqol doolar markii aan sameysanayay kaarka
magangangalyo doonka ee aan ka qaadanayay Uganada markii aan soo galay, laakin waxaa
layaab igu noqday qofkii Soomaali ah oo aan lacag bixin oo Booliska iyo xaafisyada
diiwaangalinta taga lama siinayo warqad uu dalka ku joogi karo iyadoo aan laga
qaadin lacag, sidaas waxa tiri gabar Soomaaliyeed oo Magaceeda ku soo koobtay”.
Xalimo,
Xeryaha qaxootiga ee dalalka dariska la ah Soomaaliya oo ay ka buuxaan Soomaali fara
badan oo ka soo baxsanaya wali dagaalada foosha xun ee ka socda Koofurta Soomaaliya
ayaa waxay dadkaasi muujinaya cabasho ka xoog badan mida gudaha ee ay qabaan waxaana
ka mid ah iyadoo loogu goodinayo in ciidii ay u dhasheen aysan joogin sidaasi
darteedna ay u nuglaadaan wax walba oo lagu sameeyo, Tu’saale ahaan inladuleysto
oo kale.

Caalamku muxuu u fiirsanayaa dhibkan?
Beesha caalamka oo iyadu mas’uul ka ah qayb ka mid ah Musiibada ku dhacday
Soomaalida iyo dalkooda ayaa ku jirta jees jees iyo in ay ka cago jiido in wax laga
qabto colaada labaatan jirsatay ee Soomaaliya Islamarkaana la helo dowlad soo celisa
sumcadii Soomaaliya, amarkii iyo kala dambeyntii, balse taa bedelkeeda waxaa
xaqiiqo ah in Beesha caalamka wadamo ka mid ahi ay sii hurinayaa colaada Soomaaliya
si Soomaaliya ay u noqoto Dal Dad Kale Lagu Beero, maadama Soomaalidii dooratay
qaxooti iyo in ay ku noolaadaan wadamo aan dani igu jirin mustaqbalka dhaw iyo midka
dheerba.
Ma’suuliyadda oo dhan ee dhibaatada Soomaalida oo aan sabab looga dhigi Karin beesha
caalamka oo kaliya, laakin Soomaalidu ay kow ka tahay, waxaad moodaa dhibaatadaasi
in ay ku timid, dhowr arrimood sida, Dal dad waayay, iyo Dunni Damiir Beeshay,
Soomaalida oo Daw Mooday deganaanshaha daafaha caalamka iyo ku noolaashaha xeryaha
qaxootiga si dullinimo, Daacadnimada iyo Cadaalada oo ka dhamaatay damacsidayaasha
Soomaalida, iyo Soomaalidii oo dan mooday Darwarsiga dadyowga dunida kale.
Arrinta Burcad badeeda!.
Qodabkan waa mid xasaasi ah wuxuuna u baahanyahay daraasad dheeri ah iyo in
Soomaalidu ay ogaato in markaana Baddeedii loo diyaar garoobay si loo dhalan rogo,
iyadoo la adeegsanayo Burcad Badeednimo, dhaqan-xumada ay keenen kooxahaasi iyo dano
kale.
Arrinta burcad-badeedku ma ahan wax u sahlan sida dad badan oo Soomaali ka soo jeeda
u haystaan waxana arrintaas ka fog ajandaha qarsoon ee Caalamka iyo shirkadaha
shisheeye ee sida sharcidarada ah uga kalluumeya Biyaha Badweynta Soomaaliya oo aan
lahayn cid ama hay’ad u dooda xaquuqdooda.
Ugu dambeyntii waxaan Maqaalka ku gaabinayaa"Mee ummada Soomaaliyeed mey dib isu
dabaqabtaan si dalka Soomaaliya uusan u noqon Bahala galeen kadibna uusan isugu
bedelin goob lagu tallaalo ummado kale.
By:
Omar Suleiman Omar (Tita)

Back to top Go down
 
Somalia: Dal Dad Waayay iyo Dunni Damiir Beeshay!.
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Somalia: Dal Dad Waayay iyo Dunni Damiir Beeshay!.
» The Voting For Sharia In Somalia
» Jaamacadaha Dalkeena Somalia Ku yaala

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: