Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeFAQSearchRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

Share | 
 

 Anagoo ah (maqaal layaa leh)

View previous topic View next topic Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow


Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
29
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

PostSubject: Anagoo ah (maqaal layaa leh)   Wed Jul 21, 2010 10:09 pm

waa yaab adunyada wax walbo waad arkeysaa bal Regaan ila eega hada ogow waa soomaali
Anagoo ah
Bulshada Khaniisiinta Soomaaliyeed waxa la aasaasay 2005 ta dhexdiisa sameeyeena koox yar oo dhalinyaro khaniisiin soomaali ah kuwaas oo ah ka sokow dhaqanka iyo aasaaska aan wadaagno, waxa na mideeyay waxay tahay in aan anagu nahay Khaniisiin ku nool Ingiriiska.

Ujeedada aan u bilawnay ururkan waa in aan samayno meel iyo hab khaniisiinta wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ku heli lahaayeen akhbaarta, aqoon is waydaarsi iyo in aan dhisno taageero isku xir xirnaasho leh.

Markii aan anagu isku helnay midba midka kale dariiqyo kala duwan sida kulmid intarnatka iyo asxaabtaba, si deg deg ah baan anagu u noqonay qoys si xoog leh isugu duuban oo iyagu is xanaaneeya. Markaad tahay khaniis ama khaniisad Soomaali ah, waxaynu leenay ama la kulanaa dhibaatooyin isku mid ah sidaa darteed, waxaan anagu doonaynaa inaan idin la qaybsano waayo aragnimooyinkayaga iyo ta aad ugu muhiimsan oo ah in aan dhisno bulsho soo dhowayn iyo dhiirrigelin leh.

Anagu waxa kale oo ujeedadayadu tahay in aan u diyaarino oo aan taageerno wiilasha iyo gabdhaha walaaladayada kuwa ku socda in ay aqbalaan galmadooda ee dareemaaya in ay ka saayid calaysay dariiqa kala guuritaanka kaas oo qaar badan- ku ah mudo adag. Waxa muhiim ah in aad xasuusnaatid in aadan kalidaa ahayn iyo in aanay kaliyoo jirin saaxiibayaal khaniisiin soomaali ah kuwaas oo aad la hadli kartid xiriirina kartid laakiin sidoo kale waxa jira guud ahaan ururo wiilal iyo gabdho khaniisiineed kuwaas oo adiga kuu fidin kara nooc walba oo xarumaha daryeelka ah iyo talooyin laga bilaabo galmadda caafimaadka ilaa guriyaynta iyo laanta socdaalka.

Ururkan waxay ahmiyadiisa ugu weyni tahay kuwa ku nool wadanka Ingiriiska dhexdiisa. Hasa yeeshee, shebekadan waxay faa’iido u tahay qofkasta oo dunida jooga. Anagu waxaannu aad u dareensan nahay kuwiina ku nool dhulkii ee aan haysan xorriyada aanu ku raaxaysano halkan Galbeedka. Anagu waxaan iyaga tusaynaa garabjooggayaga iyo taageerid.

Ulajeedooyinkayaga
Ulajeedooyinkayaga ugu mihiimsani waa:
• In aan bixino oo qaybsano akhbaarta khusaysa galmada guud ahaan iyo barbardhigista dhaqanka soomaaliyeed iyo diintaba.
• In aan samayno tageero isku xidh xidhan bulshadeena dhexdeeda
• In aan fidino meel wiilasha iyo gabdhaha khaniisiinta soomaaliyeed ku kulmaan, qaybsadaan waayo aragnimooyinka oo ay isku dhexgalaan.
• In aan bilawno dood furan oo daacad ah kuna saabsan khaniisnimada bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda
• In aan gacan ka gaysano muuqaalka hubaantida ah ee Soomaalida bulshada Khaniisiinta Gabdhaha iyo Wiilasha dhexdooda.
• In aan wada shaqayno hay’adaha idin siin kara caawimo xirfadaysan iyo taageroba kuwiina ku nool Ingiriiska.
Ururkan ilaa hadda waxa uu ka kooban yahay wiilal khaniisiin ah oo anagu waxaan hadda raadinaynaa gabdho soomaali ah kuwaas oo jecel in ay ku deeqaan mawduucyada la xiriira gabdhaha khaniisiinta ah.

By:
Omar Suleiman Omar (Tita)

Back to top Go down
 
Anagoo ah (maqaal layaa leh)
View previous topic View next topic Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: