Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?

Go down 
2 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?  Empty
PostSubject: Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?    Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?  EmptyMon Jul 19, 2010 10:16 pm

Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?

Nacaybka Khaniisiinimada xaraf xaraf marka lagu macneeyo waxuu macnaheedu noqdaa ‘ka cabsasho wax isku mid ah’ hasa yeeshee kelmada ‘khaniis’ ayaa tixraac ahaan loogu isticmaalay khaniisiinta markii kelmadan la curinaayay. Waxaa jira turjumaadyo faro badan oo kala duwan hasa yeeshee nooc ka mid ah noocyada ugu muhiimsan dhinaca fikradaha Nacaybka Khaniisiinimadu waxay yihiin iska necbaansho lagu hayo Khaniisiinta, wiilasha, gabdhaha, qofka labada jinsi u taga iyo qofka jinsigiisa bedela.

Nacaybka Khaniisiinimadu waa cabsi ama cadaawo laga qabo xaga dadka Khaniisiinta oo dhan. Waxaana nacaybkan sida badan lagu muujiyaa si maqal iyo muqaal leh mararka qaarkoodna dagaal leh.

Hadaba iyada oo aanay jirin sabab kali ah oo farta lagu taagi karo ayaa daris cilmi baadhis ahi cadaysay in iska necbaanta xaga dadka khaniisiinta iyo khaniisnimada ay raad ku yeelan karto haddii uu qofku haysto citiqaad diineed oo adag taas oo diidaysa wasmada iyo khaniisnimadaba, la dhaqan la’aan wiilasha iyo gabdhaha khaniisiinta iyo fikrad xun oo ku saabsan noocyada kala duwan ee dabeecadaha galmada kaas oon midkoodba ubad abuurin ama guur ka dhex dhacin.

Dadka yar yar dhexdooda waxa ka dhex dhici karta Nacayb Khaniisnimo taas oo ka dhalata marka wiilka ama gabadhu ku dhaqmi waayaan astaamaha jinsigooda u gaarka ah. Tusaale ahaan wiilashu inay mujiyaan raganimo iyo ciyaartoynimo gabdhahuna jajabni guri daryeeleed ama barbaarin shucuur leh, waxa dhacda in loo xoog sheegto oo lagu caayo in ay khaniisiin yihiin. Wiilasha kuwa hablaha raaca ama muujiya jil jilicsanaan waxa loogu yeedhaa ‘badh-naagood’ ama ‘nimow naag’. Gabdhaha kuwa muujiya karti adag oo dumareed ama ciyaara ciyaaraha wiilasha waxaa loogu yeedhaa ‘Wiilo’ ama ‘Geelo’.

Hadaba nacaybkan waxa laga yabaa in wiilasha aad la isaga sii necbaado marka gabdhaha loo eego. Sababta keentayna waxay tahay xuduudaha u yaala jinsiyada wiilasha ayaa aad uga adag tan gabdhaha.

Maadama oo Khaniis iyo kelmedaha la mida ay dhalinyaradu si xun u isticmaalaan sidii wax cay ah oo kale ayaa keenta in khaniisnimadu tahay wax aad u arag daran oo fool xun. Iyo dhaqanka Soomaalida oo aanay erayga khaniis ceeb iyo cay mooyee macno kale lahayn.

Siyaabaha arintani wax u saamaysaa waxa weeye inay cabudhiso dareenka khaniisnimo ee dadka dhalinyaradu dareemayeen, iyada oo kalifta in qaarkood difaac galaan iskana dhigaan in ay jinsiga cakiskooda u hamoodaan oo ay ka qayb galaan foorjada Nacayba Khaniisiinimada, iyada oo horseeda in ay ka takoormaan kuwa cadaystay galmadooda cabsi ay ka qabaan cayda awgeed iyo iyada oo qofka ku abuurta dareen murugo iyo nacaybleh oo la socota ilaa iyo noloshiisa oo dhan.

Haddii aanuu qofku helin mudadan uu koraayo mucaawimo, fahmid iyo akhbaar waxay badanaa qofka gelisaa marxalad walaac leh, farxad lahayn, iyo murugo taas oo xalaadaha ugu daran qofka ka gaadha heer uu isku dilo.
By:
Omar Suleiman Omar (tita)


Back to top Go down
eng.deeqow
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 3
ka Qeeb Qaadashaadaada : 5
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 08/06/2010

Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?  Empty
PostSubject: Re: Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?    Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?  EmptyTue Jul 20, 2010 3:50 am

kumahadsanid sxb
Back to top Go down
eng.deeqow
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 3
ka Qeeb Qaadashaadaada : 5
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 08/06/2010

Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?  Empty
PostSubject: Re: Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?    Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?  EmptyTue Jul 20, 2010 3:53 am

kumahadsanid sxb
Back to top Go down
Sponsored content





Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?  Empty
PostSubject: Re: Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?    Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?  Empty

Back to top Go down
 
Waa maxay Nacaybka Khaniisiinimadu?
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» waa maxay kolestarool?!
» Casharka 1-aad: Waa Maxay Kumbiyuutar?
» Waa maxay kaygen iyo crack iyo patch??????
» Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14 Febraayo?‏
» Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan?

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: