Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Dhuubaney Dhoolashaadi aaway? (Qiso Cajiib )

Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Dhuubaney Dhoolashaadi aaway? (Qiso Cajiib ) Empty
PostSubject: Dhuubaney Dhoolashaadi aaway? (Qiso Cajiib )   Dhuubaney Dhoolashaadi aaway? (Qiso Cajiib ) EmptyWed Jul 14, 2010 9:30 pm

Cabdisamad Jaamac wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo ku wado gaadiidka xamuulka dalka Mareykinka. Wuxuu saran yahay gaari weyn asbuuca intiisa badan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isagoo joogo meel lagu nasto ee ku taalo Highwayga, ayuu arkay labo gabdho oo isla socdo, gabdhahaas oo mataano u eg. Wuu u yimid wuxuu ku casumay in ay qado la cunaan. Gabdhihii waa ay ka aqbaleen oo miis ayey wada fadhiisteen.
Cabdisamad ayaa wuxuu la yaabay sida ay u cad cad yihiin dhoolasha gabdhaha midood, wuuna ka helay. Cabdisamad iyo gabdhihii ayaa is weedaarsadaay numbarada taleefoonadooda waxeyna isu balan qaadeen in ay wada xiriiri doonaan.
Bil ka dib ayaa Cabdisamad oo xamuul ku dajinaayo magaalada Columbus soo xusuustay in ay halkaan ku nooshahay gabadhii dhoolasha cadeed, markaas ayuu ka eegay numbarkeeda, moobeelkiisa. Cabdisamad iyo Isterliin casho ayey isu raaceen oo habeenkii oo idil indhahiisa ayuu ka qaadi waayay dhoolasheeda ifaayo. Cashadii markeey dhameesteen ayuu Cabdisamad weydiiyay magaceeda waxeyna uugu jawaabtay Istarliin.
Cabdisamad iyo Isterliin xiriirkooda wuu sii fiicnaaday oo dhowr jeer ayey kulmeen oo ay si fiican isu barteen. Cabdisamad oo jaceelkiisa celin waayay ayaa u sheegay Isterliin in rabo in uu guursado oo uu reerkeedi ka doonto, Isterliinna weey ka ogolaatay.Labo bil ka dib, Cabdisamad wuxuu guursaday Isterliin oo waxey ku aqal galeen Magaalada Columbus. Waxey Kireesteen “Honeymoon Suite” ku taalo hotel weyn.
Isterliin ayaa Cabdisamad oo hurdo soo toostay oo suuliga gashay, Cabdisamad ayaa soo toosay ayadoo ay Sterliin weli suuliga ku jirto, markaas ayuu bilooway in uu sameeyo coffee.Miiskii uu saarnaa machineka kofiga sameeyo ayuu ku arkay koob waraaq ka sameysan oo uu mooday in uu qashin yahay, isagoon fiirin ayuu qashinka ku riday.Wax yar ka dib Isterliin oo soo qubeeysatay oo is soo carfisay ayaa suuliga ka soo baxday, markaas ayey Cabdisamad weydiisay in uu arkay koob xaanshi ka sameysan oo miiska saarnaa.Markaas ayuu uugu jawaaway, “haah waan arkay oo aniga ayaa qashinka ku riday”.Cabdisamad markii uu sii fiiriyay Isterliin wuxuu arkay in uu afkeeda maran yahay oo dhoolashii cadcadaa ee uu daraadooda u guursaqday Isterliin ayuu afkeda ka waayay markaasuu ku yiri, “Dhuubaneey Dhoolashaadi aaway?”Isterliin oo xoogaa careysan ayaa uugu jawaabtay, “soo maaha kuwaad adiga qashinka ku riday.” Markaas ayuu gartay Cabdisamad in uu tuuray Isterliin ‘Dentures’keeda oo dhuulasheeda cadcad ay ahaayeen ilko caag ah. Wuxuuna sii ogaaday in ay Isterliin dhali karto oo ay hooyadiis ku da’tahay in kasto uu jirkeeda weli ishaayo oo muuqaalkeeda iyo labiskeedaba ay ka dhigaayaan dhowr iyo labaatan jir. Gabartii la socotay Isterliin maalintuu baranaayayna ay ahayd gabadheedi. Waaga Markaas ayuu ku baryay Cabdisamad oo uu garan waayay waxa uu sameeyo. Qashinkii ayuu gacnaha la galay oo uu ka raadiyay koobkii ay ku jireen ilkaha Isterliin.Cabdisamad iyo Isterliin weli waa ay is qabaan oo labo caruur ayey u leedahay, waxaana isku jin ah labadood caruur iyo kuwa ay dhashay gabadheeda. Ilmaha Isterliin markey cuntada cunni waayaan ayaa ilkaha Isterliin miiska loo soo saaraa oo lagu cabsisiiyaa.
By:
Omar Suleiman Omar (Tita)

Back to top Go down
 
Dhuubaney Dhoolashaadi aaway? (Qiso Cajiib )
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Naag Gabadheeda Siisay Nin uu Jaceyl dhexmaray (Qiso Cajiib ah)
» qiso layaab leh
» nashiido zaaid u cajiib badan oo ka hadlaysa.
» Taleefoon baa i lumiyay(Qiso dhab ah)

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: