Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Naag Sagaal Caruur Nin u Dhashey oo Nin Kale Si Qarsoodi ah ku Guursatey Dhacdo La Yaab Leh

Go down 
2 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Naag Sagaal Caruur Nin u Dhashey oo Nin Kale Si Qarsoodi ah ku Guursatey Dhacdo La Yaab Leh Empty
PostSubject: Naag Sagaal Caruur Nin u Dhashey oo Nin Kale Si Qarsoodi ah ku Guursatey Dhacdo La Yaab Leh   Naag Sagaal Caruur Nin u Dhashey oo Nin Kale Si Qarsoodi ah ku Guursatey Dhacdo La Yaab Leh EmptySun Jul 04, 2010 10:22 pm

Adduunyo nin joogoow Maxaa Aragti kuu laaban,ayay Soomaalidu ku Maahmaahdaa,waxa magaalada Muqdissho ka dhacdey dhacdo la yaab leh oo ay ku dhaqaaqdey Haweeneey Soomaaliyeed oo
Marwo ah oo ninkii Gabarnimadeeda guursadey u dhashey 9 Caruur ah,islamarkaasna weli qaba ayaa ku dhaqaaqdey arrin aad uga fog dhaqanka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka.

Haweeneydan oo aan Magaceeda daruurfo jira dartooda u qarinayno ayaa waxay waqti iminka la joogo 3 Sano,ay nin kale iskugu sheegtey inay Garoob tahay oo ninkii ay caruurta u dhashey ay kala tageen.

Haddaba ninkan dambe oo aan si fiican iskaga Hubinin waxa ay Haweeneydani sheegeyso,ayaa sii amba qaadey Shukaansiga iyo xiriirkooda Guurka ah,hase yeeshee waxay sheekeystaanba waxay ugu dambeyntii Haweeneyda iyo ninku ku heshiiyeen inay is guursadaan,islamarkaasna uu Guurkoodu ahaado mid hoose ama dadka qaarkiisa u yiqaaniin qudbi siro.

Haweeynedan oo magaceeda la yiraahdo (X) iyo ninka ay heshiiyeen oo magaciisa la yiraahdo Cali magaalo(Y),ayaa isku guursadey si qarsoodi ah oo qudbi siro,iyadoo xilliyada ay isku baahan yihiin oo ay nin iyo Xaaskiisa noqonayaan lagu ballamo Guri ku yaalla magaalada Muqdisho, hase yeeshee caruurteeda iyo Ninkeeda Ilmaha ka dhaley waxay degan yihiin Ceelasha Biyaha,iyadoo xilliga ay ninka dambey u imaaneysa soo qaadata Indha Shareer iyo dhar gaar ah oo aaney ku aqoonin ninkeeda ay Caruurta u dhashey,eheladeeda iyo Asxaabteeda.

Haddaba Haweeneyda (X) iyo ninkeeda dambe ayaa qabidoodu waxay socote muddo 3 sanadood ah,waxayna intii ay howshoodu socotey ay Islaantu dhashey wiil,kaas oo ninkani dambe uu u haysto inuu asagu dhaley oo uu leeyahay,sidoo kale waxay leedahay Uur.

Ninkii ay Caruurta u dhashey wuxu xisaabsanayaa 9 caruur ah oo ay islaantiisu u dhashey,asagoo aan waxba kala soconin inay Xaaskiisu nin kale leedahay,halka kii dambena uu isu haysto in loo hayo wiil islamarkaasna Uur kale loo leeyahay,waxayna Islaantani labada nin kala qarineysey muddo 3 Sano ah,ha yeeshee ugu dambeyntii waxa dhacdey inay
Labadii nin ay markii dambe is arkey,waxaana soo ogaadey ninka dambe oo qudbisiro xaaraan ah ku haystey Haweeneeydii X, iyadii oo aan ogeen ayuu Ceelasha Biyaha tagey oo ay ninkeeda iyo caruurteeda iyo iyadiiba ay ku noolaayeen,wuxuuna soo ogaadey in naagta uu qabo ninkii caruurta ka dhaley oo uu u haystey inuu beri hore kala tageen sida ay iyadu u sheegtey,ha yeeshee uu gadaashisa ku soo laabtey.

Aw qudbi siroow wuu soo laabtey Muqdisho ayuuna yimid wuxuuna dacweeyey ninkii Islaantiisa iyo caruurtiisa isku haysta,asagoo gal dacwadeed ka furey Maxkamad Islaami ah oo hoostagta Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin,asagoo ku dacwoodey in Islaantiisa uu la qabo nin beri hore furey oo asagoo qaba ku soo laabtey.

Waraaq ayaa loo direy Odeygii Reerka lahaa,asagoo looga yeerey Maxkamadda kama shakinin haddiiba islaantiisa 9 caruur ah u dhashey lagu haysto wuu yimid waxa la yiri dacwaddaan ka jawaab naag aad mar hore furtey oo ninkani guursadey Wiilna u dhashey caruur ,uurna u leedahay ayaad ku soo laabatey oo aad la qabtaa!!.

Aw wadaad wuu yaabey oo maskaxdiisa ayuu iskula sheekeystey oo yiri ; ma run baa ma adigaa laguugu ciyaarayaa mise waa arin kale oo laguu qarinayo ayaa jirta? ,sidee bay ku dhici kartaa in Xaaskeeygii oo sidii aan u guursadey 9 caruur ahna ii dhashey uu nin kale igu qabsan karaa?

Ninkii ayaa Maxkamaddda u sheegey inuusan weligiisa Islaantiisa furin sida uu gabarnimadeedii u guursadey,ninkaaanna uu garddarro aan Geed loogu soo gabbanin ku sammeeynaayo oo meel ka dhac ku sammeeyey asaga iyo Reerkiisa,wuxuuna codsadey in Maxkamadda Shareecada Islaamku ka qaaddo tallaabada ku haboon.

Markii uu sidaas yiri ayaa Qaalliga Maxkamaddu ka dalbadey inuu haddii uu is hubo uu Islaantiisa keeno Maxkamadda,wuuna oggolaadey asagoo aan ka shaki qabin inay Xaaskiisa ninkan kale uu qabo,si degdeg ah ayuuna ugu laabtey Ceelasha Biyaha.

Maalintaas Habeenkeedii oo uu Xaaskiisa la seexdey ayuu u sheegey inay barrito Muqdisho aadayaan oo adeeg Raashiin iyo dhar Caruurta ugu soo iibinaya iyadiina ay la soo adeegeyto,asagoo aan sheegin waxa kala qabsadey ninka ay qarsanayesey.

Way isa soo raaceen waxayna yimaadeen Suuqa Bakaaraha oo ay Maxkamaddu ku taallo wuxuuna si toos ah u geeyey Maxkamaddii,waxana meesha diyaar ku sii ahaa ninkii qudbi siro oo isku arkaya inuu yahay nin dulman oo Xaaskiisa iyo Ilmo uu ka dhaley uu nikni ku haysto.

Qaalliga ayaa wareeysi la yeesheey Haweeneydii laba ninleey oo yiri labadan qof ayaa isku kaa haysata oo mid waliba leeyahay anigaa qaba oo xaaskeygii tahay,adigoo aan been sheegin sheeg sida ay wax u jiraan oo caddeey ninka sida saxda ah kuu qabo,oo weliba waxa la su’aaley ninka Maxkamadda Keeney inuu caruur ka dhaley?Ninka dambe waxa meesha soo geliey?bal warran oo sheeg xaqiiqda ayuu garsooruhu yiri;
Haweeneeydii labada nin isku keentey ayaa hadashey oo jawaab siisey Garsooraha waxayna tiri,haa labada ninba aniga ayaa guursadey oo labadaba way i qabaan,Garsooraha oo la yaabey dhiiranaanta Islaanta ayaa mar kale ku celiyey oo yiri Qof Muslin ah oo Haweeneey ah baad tahay sidee baad laba nin ku guursan kartaa?
Waxay ku jawaabtey in ninkeeda Koowaad ee ay caruurta u dhashey uu la guursadey naag kale ,sidaas darteedna ay u go’aansatey inay nin la guursato mar haddii asagu naag kale iyada la guursadey Waa yaab!

Garsooraha oo yaaban ayaa su’aaley oo yiri imisa sano ayay ku wada qabeen?waxay ku jawaabtey ninka hore sida uu ii guursadey wuu i qabaa caruur badan waan dhaley,kan dambe 3 Sano ayuu i qabaa,inta uu I guursadeyna Wiil ayaan dhaley hadeerna Uur ayaan leeyahay.

Mashaqo waa tan oo kale afka ayaa la wada qabsadey waxa islaantan afkeeda ka baxaya,dad badan ayaa ku doodey inay islaantu caadi aheen oo Maseer ka waaliyey,qof fiyoow oo caqligiisu taam yahay sidaan oo kale uma hadlo ayay dadka arrinta la socdey ku doodayeen.

Ugu dambeyntii Garsooraha ayaa amar ku bixiyey in ninka dambe iska tago oo meesha waxba u oollin Islaanta iyo Ilmaha ay dhashey waxa iska leh ninka hore,adigu waxaad tahay qof aan waxba ogeen oo Been loo sheegey,Sidaas darteed danahaaga raaco naagta iyo arrimaheeda dib dambe yaan laguugu arkin,sidaas ayuuna ku tagey oo ku quursadey.

Sidoo kale Haweeneyda haddii Xukun lagu ridi lahaa waxay leedahay Uur,wuxuuna Garsooruhu amar ku bixiyey in la xiro Islamarkaasna si dhab ah loo baaro Caafimaadkeeda,Haweeneydii laba ninleey sidaas ayay iminka Xabsi ugu jirtaa oo la baarayaa Caafimaadkeeda,ama la sugayaa inta ay ka dhasho Ilmaha ay Caloosha ku siddo.
Haweeneydan haddii uu Caafimaadkeedu taam noqdo Xukunkeedu waa cad yahay oo banaanka ayuu yaallaa oo Shareecada Islaamku waxay baneeysaa in dhagax lagu dilo.

Si kastaba ha ahaatee Marka la dhameystiro Baaritaanka Caafimaadkeeda dhinaca Maskaxda iyo qalbiga ayaa Maxkamaddu Xukun ku ridi doontaa,Xukunkaas oo lagu fulin doono marka ay Ilmaha Caloosha ku siddo dhasho.

Haddaba akhristeyaasheenna Sharafta Mudanoow wixii ka soo kordha baaritaanka iyo Xukunka dib ayaan idin ka soo gudbin doonnaa insha allaah.
By:
Omar Suleiman Omar (Tita)

Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

Naag Sagaal Caruur Nin u Dhashey oo Nin Kale Si Qarsoodi ah ku Guursatey Dhacdo La Yaab Leh Empty
PostSubject: Re: Naag Sagaal Caruur Nin u Dhashey oo Nin Kale Si Qarsoodi ah ku Guursatey Dhacdo La Yaab Leh   Naag Sagaal Caruur Nin u Dhashey oo Nin Kale Si Qarsoodi ah ku Guursatey Dhacdo La Yaab Leh EmptyTue Jul 06, 2010 4:43 pm

walaaal zaaid ayaaad ugu mahadsantahay mawduucaan yaabka badan walaal zaaid aayaaa ugu mahadasanthaay
Back to top Go down
 
Naag Sagaal Caruur Nin u Dhashey oo Nin Kale Si Qarsoodi ah ku Guursatey Dhacdo La Yaab Leh
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» mucjiso yaab badan
» war yaab leh oo ka dhacay mareekanaka
» Gabar Wiil isku bedeshay oo Naag mehersatay(Mucjiso)!
» Naag Gabadheeda Siisay Nin uu Jaceyl dhexmaray (Qiso Cajiib ah)
» ((hadiyad ciid))naag norway ah ioo hees soomaali qaadaysa siyaab leh iyo waraysiyo loola yeeshtay

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: