Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Gaadhiguu jiidhsiiyay baa wiilkiisii jiidhay

Go down 
2 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Gaadhiguu jiidhsiiyay baa wiilkiisii jiidhay Empty
PostSubject: Gaadhiguu jiidhsiiyay baa wiilkiisii jiidhay   Gaadhiguu jiidhsiiyay baa wiilkiisii jiidhay EmptySat Jun 26, 2010 8:51 pm

Sheekadan oo ka dhacday waddamada Khaliijka ayaa ninkii sheekadu ku dhacday oo ka sheekaynaya siday wax u dhaceen ku bilaabay sheekadiisii:-” Goor ay ahayd waqti Salaaddii Duhur la soo tukaday, guryahana loo soo qada tagay, cadceeduna aad u kulushahay maadaama waqtiga lagu jiraa uu ahaa bisha August oo waddamada Khaliijku xagaa ay ku jiraan, heerkulkuna uu gaadho mararka qaarkood ku dhawaad 50 degree oo Centigrade ah ayaan si qarsoodi ah u qaatay furihii gaadhiga aabahay oo miiska dul saaran, iyadoo aan la i dareeminna baabuurkii la baxsaday,waqtigaa oo aan ahaa nin dhallinyaro ah oo ku jira waqtiga uu wiilku muruqiisa fiiriyo iskuna haysto inuu keligii adduunka jiro cid ka xoog badanina aanay jirin.
Markii aan wadadii baabuurta soo galay ayaan si xawli ah u dhaqaajiyay baabuurkii aan watay maadaama baabuurta xilligaas maraysay ay aad u yaraayeen, isla markaana dad meelahaa ka dhawi aanay jirin oo baabuur yar oo teelteel ah mooyaane kulaylka cadceedda laga wada xerooday,waxaan baabuurkii cayntaariyaba anigoon dhul iyo cir meel aan marayaba is ogayn ayaa waxaan ku soo hambabaray qaylo baabuurka hortiisa ka yeedhay, mise waa oday waayeel ah oo aan baabuurka jiidhsiiyay, intaan isku naxay ayaan hareerahayga eeg eegay, haddana waxaan qooraansaday odaygii jidka dhexyaala oo naftu ka sii gurmayso,xagan iyo xagan anigoon dayin ayaan si xawli ah meeshii uga dhaqaaqay kaddib markii aan is dareensiiyay inaan cidi i arag,intaan si qarsoodi ah guriyagii ku tagay ayaan aabahay furuhiisii meeshuu dhigtay ugu celiyay, anigoo is illawsiinaya daqiiqado ka hor wixii aan soo gaystay ayaan TV-ga iska hor fadhiistay anigoon u jeedin daawasho e ay iga tahay yaan lagu dareemine iska dhig nin war dhagaysanaya.
Waqtigu isma taagee waxaan bilaabay inaan shaqaysto oo aan noqdo nin isku filan,wax yar kabacdina waxaan guursaday gabadhii calafkaygu ii soo guri galiyay,muddo yar kaddibna ilmihii ugu horreeyay ayaa noo dhashay, wiil ayuuna noqday, sanado kaddibna dhawr caruur ah ayaa ii dhashay, la wada kor dugsiyana loo dareer,waqtiyadii la soo marayba la illow wixii dhacay, waa iska nafta banii’aadam oo illowshiiyo badane maalin dambe ayaa aniga oo guriga jooga goor ay tahay waqtiga duhurada, lana qadeeyay oo dadku isku diyaarinayaan hurdo galabeed ayaa wiilkaygii curad bannaanka u baxay, markaa fadhiga ayaan fadhiyaayoo maskaxdaydu hawlo adduun iyo ganacsi ayay ku mashquulsan tahay, mise kac baan maagay si aan qolka hurdada u tago waxaan maqlay baabuur si xoog leh bireegga loo qabtay waddo na hor marta, intaan naxay oo alaab aan faraha ku hayay iga kala daadatay ayaan dhinacna u dhaqaaqi kari waayay, mar kaliya ayay xusuustii maskaxdaydu ilbidhiqsiyo dib u soo celisay dhawr iyo labaatan sano horteed iyo waqtigan waqtigiisii wixii aan sameeyay. Qaylo ayaa xaggii gurigayaga u soo yeedhay….Hebelow wiilkaagii buu baabuur jiidhoo wuu baxsaday……Miyir waxaa iigu dambaysay wuu baxsaday..wuu baxsaday….wuu baxsaday…..wuu baxsaday.
Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-”Xisaabiye (Waa Eebbe korree oo nasahnaaye) ma dhinto e, waxaad doonto samee sidaad u dhaqanto ayaa abaalkaagu noqone”
By:
Omar Suleiman Omar (Tita)
Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

Gaadhiguu jiidhsiiyay baa wiilkiisii jiidhay Empty
PostSubject: Re: Gaadhiguu jiidhsiiyay baa wiilkiisii jiidhay   Gaadhiguu jiidhsiiyay baa wiilkiisii jiidhay EmptyWed Jun 30, 2010 5:27 pm

mahadsanid walaaal omar alaah kheer ha ku siiyo
Back to top Go down
 
Gaadhiguu jiidhsiiyay baa wiilkiisii jiidhay
Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: