Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Gabar Wiil isku bedeshay oo Naag mehersatay(Mucjiso)!

Go down 
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Gabar Wiil isku bedeshay oo Naag mehersatay(Mucjiso)! Empty
PostSubject: Gabar Wiil isku bedeshay oo Naag mehersatay(Mucjiso)!   Gabar Wiil isku bedeshay oo Naag mehersatay(Mucjiso)! EmptyMon Jun 21, 2010 9:05 pm

Magaalada Taakaaba ee ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxa ka dhacdey arrin Mucjiso ah oo ka yaabisey dadka magaaladaas iyo Soomaalida degan Gobolka Waqooyibari Kenya,
ka dib markii la arkey qof muddo dheer lagu ogaa Gabar ay Masaafeysatey Gabar Kale;Arrintan oo ka yaabisey dad badan ayaa filan waa ku noqotey Qoyskii ay ka dhalatey Gabadha uu Masaafeestey iyo dadka magaalada oo dhan.

Gabar iminka da’deedu tahay 19 jir magaceedana la yiraahdo Shukri ayaa muddo dheer waxay ku soo nooleed qaab Dumarnimo,waxayna ka dhalatey Qoys danyar ah,waxayna ku shaqeysan jirtey Shaqaalenimo Guryaha magaalada Taakaaba ee ka tirsanaan jirtey Degmada Mandera hase yeeshee iminka Degmo ah.

Shukri oo muddo dheer Dumar ahayd ayaa Xilligii Qaangaarkeeda soo dhowaadey ayay isku aragtey astaamo raganimo sida iyadoo meesha Xubinta Taranka oo markii hore ku xoogganaa Dumarnimo uu ka soo baxey Xubinta Raga, Mucjiso rabbaani weeye labada Xubin taran ee Raga iyo Dumarka ayaa labaduba ku yaallaan,Inkasta hamigeedu markaas u batey kan Raga labada xubnoodna uu ku xoog badan yahay kan raga,wuxuuna Xubinka Raggu ka soo baxey qeybta kore ee Qeybta Dumarka ee uu weligeeda lahayd laga soo billaabo Dhalashadeeda.

Gabadhan Rag isku beddeyshey waxay iyadoo ku lebbisan Dharka Dumarka sida Xijaabka,Gorgorada,Diraca iwm u shaqeyn jirtey reero kale oo ay sidaas nolol maalmeedkeeda kaga heli jirtey Lacagna ku qaadan jirtey reerkoodana siin jirtey.

Shukri oo u Warrameysa Shabakaddan ayaa sheegtey inay billowdey Shukaansiga iyadoo u diyaarsan si Dumarnimo,waa la yaabe waxay tiri naaguhu markaan Shukaasado igama xishoon jirin Dumar anigoo kale ah baad tahay maxaad haysaa ayay I oran jireen,markaas ayay isku keey qaawin jireen ayay tiri,Markaasaan abaalkooda ka waraabin jirey ayay hadalka ku dartey.

Waxayna sheegtey inay sidaas naago badan oo kuwo la qabo oo ay ku jiraan kuwo ay u shaqeyneysa meel ka dhac ku sammeeysey,waxayna tiri waxaa aniga iga aheed inaan ogaado isbeddelka igu dhacey,iyagana waxay ka aheyd waa Dumar maxay qaadi kartaa haddii aad wax tareysid aan ogaadee howsha raggu Dumarka ka qabto hadda ii qabo,sidaas ayay naaguhu sameyn jireen anna danta aan lahaa ku gaari jirey ayay warkii ku dartey.

Gabadha Ragga noqotey ayaa warkeedu wuxu soo baxey ka dib markii Gabar Ari jir ah iyadoo Xijaaban Shukaansatey,waxayna kula heshiisey inay guursato oo ay ismasaafeestaan,waxana labadooda oo dharka Dumarka islamarkaasna Xijaaban u Safreen Degmada Bute oo Taakaaba ka jirta dhinaca Koonfurgalbeed 200km,dood badan oo dhaxmartey Qaalliga wax meherinaayey iyo Shukri ayaa baaritaan lagu sammeeyey waxana la ogaadey inay labada Xubin ay ku yaalliin uuna xoog badan yahay ka Ragga,Gabadhii la masaafeestey ayaa la wediyey waxayna tiri ha la igu Mehriyo sidaas ayaana loogu mehriyey,waxayna halkaas joogeen Muddo 7 Maalmood ah oo toddobada ku galeen.

Gabadha la masaafeestey Reerkii dhaley oo Warkii maqley ayaa yaab iyo amakaag iyo jahwareer la anfariirey,labadii Gabdhood ee ismasaafeystey ayaa dib ugu soo laabtey Degmada Taakaaba.
Qoyska Gabadhii ay mehersatey tii ninka noqotey ayaa qaadan waayey tallaabada ay ku dhaqaaqeen labadii Gabdhood,waxayna isku diyaariyeen sidii ay Gabadhooda gacanta ugu dhigi lahaayeen islamarkaasna ay u kaxeystaan.

Markii ay labadooda yimaadeen Degmada Taakaaba ayaa Shacabkii magaaladu ugu dhaqaaqeen daawasho,iyagoo qaadan la’ in gabadhii ay garanayeen ee Shukri ay naag kale Mehersatey,ha yeeshee Qoyskii inanta la soo Mehersadey ayaa durbadiiba gabadhooda gacanta qabsadey,waxayna kula dhaqaaqeen inay dilaan,iyagoo leh maxaa ku dabadhigey naag adiga oo kale ah ama Labeeb ah.

Ha yeeshee Gabadha ayaa waxay tiri qofka aad Dumarka ku sheegeysaan Waa rag Anigaa huba,waana ninkeygga marnaba kama tanaasulaayo Guurkiisa,wax kasta oo aad sheegtaan,Sidoo kale Gabadhii Ragga noqotey ayaa iyadiina dil iyo handadaad kula dhaqaaqeeyn Qoyska Gabadhii kale dhaley,ha yeeshee eheladeeda ayaa ku soo baxey oo yiri Gabadhiina ka adkaada taayada noo daaya.

Waa la yaabe Gabadhii la mehersadey ayaa tabar iyo maara looga waayey inay oggolaato inay ka harto tii soo Mehersatey,waxayna tiri qofkan aad Dumarka ku Sheegeysaan Waa Rag wuxuuna ka xooog badan yahay kana hami badan ninka ragga ah kii ugu xoogga badan Galmoodka Raggu Sammeeyaan,inaad I dishaan mooyee si kale uga hari Maayo.

Markii Gabadhii laga quursadey sidii loo garaacaayey Mariil noqotey ayay Qoyskeedu waxay gogol u dhigteen Gabadhii ninka noqotey eheladeedii ,waxana dhaxmartey dood dheer,waxayna yiraahdeen tan oo kale lama arag mana na qabato in Qof Dumar lagu yaqaanney gabadhooda sii haysato Sidaas darteed Sharafteenna iyo tiinna ilaaliya oo Gabadhiina ha nooga harto taayada.

Dood dheer ka dib ayaa reerkii Gabadha ninka noqotey tooda ku qasbey inay ka harto oo ay iska furto waa layaab Sharcigee loo marey taas faahfaahin kamaan helin,si kasta oo ay tahayba labadii Gabdhood waa la kala furey,ha yeeshee tii la Mehersadey ayaa ku dhaaratey inta Cimrigeeda ka dhiman inaaney nin kale Guursan doonin inay hesho mooyee kii laga furey oo Gabar ahaan jirey waa la yaab!.
Haddii aan dib idiin celiyo Gabadha ninka noqotey ee Shukri ayaa sheegtey inta aaney arrintani soo bixin inay laba naagood si qudbi siro ah ku guursatey islamarkaasna mid ka mid ah uur u yeelatey,ha yeeshee markii ay Uurka isku aragtey dalka oo dhan ka carartey,iyadoo ka xishootey inay sheegto in qofka ay Uur u leedahay uu yahay Gabadha Shukri la yiraahdo.

Sidoo kale mid kale oo naag iga weyn ahayd ayaan qudbi siro ku qabey anigoo xijaaban oo Dumar ah,oo reero u shaqeynaya,iyadiina waxaan ku furey si qarsoodi ah,inta aaney soo bixin arrinta Gabadha dambe,wuxuuna yiri labadooda markii aan Mehersanaayey meel aan deegaanka aheen ayaan ku soo mehriyey anigoo Dharka iska beddeley oo Dhar Rageed ka gashadey!.

Ugu dambeyntii markii Gabadhii laga furey ayaa baaritaan lagu sammeeyey waxaana la ogaadey in labada xubnood ee taranka ee Dumarka iyo ragga ay ku yaalliin uuna ka xoog badan yahay kan Raggu,jirkeeda Muuqaaal ahaan wuu adadag yahay naasna ma leh sida haweenka oo kale bari weyn ayay leedahay.

Sidoo kale Xubinta taranka ee Dumarka way leedahay,ha yeeshee markii ay qaangaartey iskuma arkin Caadada Dumarku leeyihiin,waxana booska caadada beddeley Biyaha Ragga,Xubinta taranka ee Ragga ee ay leedahay wuu dheer yahay,hase yeeshee meesha ay kaadida iyo Biyuhu soo maraan waa ka yara duwan yahay kan ragga qeyb hoose ayay ku leedahay.

Marka uu dareenka hamigu qabto wuxu sheegey inuu u istaagayo sida kan ragga oo kale,waxayna ii sheegtey inay leedahay Biyo badan oo ragga ah marka ay galmoodka sammeyneyso,waxayna sheegtey inaaney daaleynin waqti badanna ay noqnoqon karto ilaa ay ka daasho qofka ay googol waadaageen.

Ugu dambeyntii waxa la go’aansadey inay iska dhigto dharka Dumarka oo ay gashato dharka ragga,waxana loo direy Magaalada Nairobi oo uu iminka joogo si baaritaan caafimaad oo xoog badan loogu sammeeyo,waxaana Wareysigan kaga qaadey asagoo Nairobi jooga.

Dhaqaatiir Waaweyn ayaa loo geeyey baaritaan dheer ayaa lagu sammeeyey oo dhinac waliba ah,waxayna dhaqaatiirtu sheegeen inuu qafkani 100% yahay
Rag oo ay u dhameystiran yihiin dhammaan Biyaha Ragga oo dhan,waxayna yiraahdeen Biyuhiisu waxay ka badan yihiin Biyaha ragga kale ee Caadiga ah Waa la yaaab!.

Dhaqaatiirta ayaa Shukri kula taliyey inuu u dhaqmo sidii ragga oo kale oo uu ka guuro qaabkii Dumarnimo ee uu ku soo barbaarey,waxayna u sheegeen inuu qaato dharka Ragga sidii ragga oo kalena u dhaqmo.

Sidoo kale Dhaqaatiirta ayaa waxay tolliin ku sammeeyeen Xubinta taranka Dumaraka ee ku taallay Shukri iyadoo gebi ahaan la dabooley,waxana loo reebey qeybtii ragga oo iminka baaqi ku yahay,waxayna dhaqaatiirtu u sheegeen inuu in mudo ah uusan ka fogaanin magaalada Nairobi si loola socdo isbeddellada ku imaan kara.

Shukri oo iminka Wiil ah kuna labbisan dharka ragga ayaa wuxuu ka mid noqdey dhalinyarada Gobolka Waqooyibari ee ku nool magaalada Nairobi,asagoo u dhashey qof bashaash ah ayuu wuxuu si wanaagsan ugu sheekeeyaa qof kasta oo la kulma oo ka wareysta marxaladaha kala duwan ee uu soo marey.

Sidoo kale Shukri ayaa sheegey inuusan marnaba ka samri doonin Gabadhii uu mehersadey oo soo saartey Raganimada uu maanta ku sugan yahay,wuxuna yiri jaceylka aan u qabo waxa ka weyn kii ay iyadu ii qabto waxana ku ballaney inaan mar kale kulanno meel kasta oo ay ku sugantahay.

Sidoo kale Gabadhii Shukri laga furey oo iminka ku qabiran Guriga reerahooda ayaa ka dhaaratey inaan qof Shukri aheyn ay la noolaato,waxayna sheegtey inay sugi doonto fursad ay ku hesho ninkeeda ee Sida qasabka ah looga furey.
Ugu dambeyntii Shukri ayaa waxa qaabiley hayadda Qaramada Midoobey Xafiiska ay ku leedahay magaalada Nairobi,waan la wareestey,ka dibna waxa loo bandhigey in loo qaado Waddamada Yurub ama Mareykanka si baaritaan dheeraad ah loogu sammeeyo nolol cusubna uu halkaas ka billaabo,taas oo uu oggolaadey.

Shukri ayaa sheegey in laga buuxiyey Foom islamarkaasna la siiyey Waraaq si joogto ahna uu ula Xariira Xafiiska UN ee magaalada Nairobi,asagoo sheegey in loo ballan qaadey si degdeg ah loo dhoofin doono.

Qof ay ehel dhow yihiin Shukri oo magaciisa la yiraahdo Aadan Xasan ayaa sheegey in Qoyska uu ka dhashey Shukri ay leeyihiin 3 qof oo asaga oo kale ah,hase yeeshee faraqyo u dhaxeeyaan,wuu sii Hadley oo wuxuu yiri Islaan hadda la qabo oo caruurna dhashey ayaa markii ay yareyd waxa lagu arkey labada Xubnood ee taranka ee aadanuhu leeyahay hase yeeshee waxa ka xoog badnaa buu yiri tan Dumarka,waxana laga jarey buu tii ragga oo ku taalley.

Sidoo kale ninkan ehelka dhow la ah Shukri wuu sii hadley oo wuxuu yiri waxa hadda reerka joogta Qof gashan dharka Dumarka oo muuqaalkeeda,jirkeeda,codkeeda marka ay hadasho uu egyahay Ragga,hase yeeshee wuxuu sheegey inaan marnaba lagu arkin Damaca jinsiyadeed ee rag iyo Dumar kii uu doono ha haadee ayadoo dareemeysa,wuxuna da’deeda ku qiyaasey 30 jir.
Si kastaba arrintu ha ahaatee Shukri oo muddo 19 Sano ah oo Cimrigeeda ah ku soo nooleed Dhaqanka Dumarka ayaa haatan ka baxdey waxayna ku biirtey dhaqanka Ragga,iyadoo magaca ay markii hore ay waaliddiinta dhashey ay u bixiyeen uu ka turjumayo magaca u dhaxeeya Rag iyo Dumar oo labadaba ay isticmaalaan Soomaali badan,ayaan laga beddelin oo loo daayey Shukridii marka hore loo baxshey.
Haddaba akhristeyaasheenna Sharafta leh,qeybaha Wararka ee Gabadha wiilka noqotey halkaas ayaan ku soo afmeereynaa,ha yeeshee waxa jiri doona qoraallo kale oo Shukri ku saabsan oo aan iminka ka gaabsanney inaan soo bandhigno,waxanse idiin ballan qaadeynaa inaa soo bandhigi doonno qoraaladaas islamarkaasna aan ku soo lifaaqi doonno Sawirada Shukri oo Wiil ah iyo Shukri Dumar ah,waxana kala socon doontaan Website-kan,maqaaladan oo dhameystiran oo qeyabaha oo dhanna Waxaad ka heli kartaan qeybta wararka iyo maqaalooyinka.
By:
Omar Suleiman Omar (Tita).
Back to top Go down
 
Gabar Wiil isku bedeshay oo Naag mehersatay(Mucjiso)!
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» fiidiyow:wiil yar oo mucjiso ah oo quraan aqrinaaya
» Naag Gabadheeda Siisay Nin uu Jaceyl dhexmaray (Qiso Cajiib ah)
» mucjiso yaab badan
» Gabar yar oo qaadaysa astaanta calanka wadankeena soomaliya
» Naag Sagaal Caruur Nin u Dhashey oo Nin Kale Si Qarsoodi ah ku Guursatey Dhacdo La Yaab Leh

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: