Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan?

Go down 
3 posters
AuthorMessage
tita
shabakada maadow
shabakada maadow



Mawduucyadaada : 59
ka Qeeb Qaadashaadaada : 165
Mahadcelin : 1
Is Diiwaangalintaa : 25/03/2010
36
Halkaa joogto : Mogadishu-Somalia
Shaqadaada : lecturer at PLASMA & JAZEERA Universities

Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan? Empty
PostSubject: Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan?   Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan? EmptyWed Jun 16, 2010 8:30 pm

Waxaa loo wada dabaal dagi doonin, ama ay dad naga mid ah uu u dabaal degi doonaan
maalin lagu sheego in ay tahay MAALINTA JACEYLKA ADUUNKA! Waxaasa la yaab leh in ay
soo dhaweeyntaas ka qayb qaadan doonaan dad muslimiin ah, soomaali ah, oo sheeganaa
in ay jecelyihiin horumarka adduunka iyo janada akhiro isla markaasna aan laga karin
joojiya xusitaanka aad xuseeysaan dadka dhintay, weliba maahan qof Illaah yaqaanee
waa GAAL BAQTIYAY DARTIIS WAXA HADIYADAHA, SALAAMAHA, UBAXYADA DUKAAMADA LOOGA
DHAMEYEN DOONO MAALINKAAS! Bisha Febraayo 14-keeda ayaa loo aqoon-saday inay tahay
Maalintii Jaceylka Aduunka (Valentine's-Day), waxaana la isku diraa Salaamo, Ubaxyo
qurux-badan, iyo Hadiyado qaali ah oo ay is-dhaafsadaan Lamaanayaasha is-jecel, iyo
kuwa isqaba. Hadaba maxeey tahay ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa munaasabadan iyo
Xafladaha lagu maamuuso Maalinta Caashaqa lamaanaha iyo Jaceylka dunida?Marka ay
dhagahaaga ku soo dhaco ereygan Valentin'es waxaad markiiba dareemaysaa in magacaani
macno ahaan u dhadhamayo inuu ka soo jeedo Diinta Krishtaanka ama caadooyinkii hore
ee Roomaanka. Hadaba aan is-weydiino yuu ahaa Valentines? Maxaasa loo dilay, hadane
loo xusaa ilaa maantay, oo looga dhex arkaa magaciisa mel walba oo jacel lagu
sheegaa, xafladana ay ugu dhigaan bulsha kasta khaas ahaan dhalinyarta isjecel?
Qarnigii Sadex iyo Tobanaad, dhalashadii Nabi-Ciise kadib (Caleyhi-Salaatu-Wasalaam)
ayaa waxaa jiray Boqor la dhihi jiray Calodis oo ka talin jiray Dalka Talyaaniga,
boqorkaas wuxuu amar ku siiyay Dhalinyarada in aysan guursan karin, kuwaas oo ahaa
Ciidan uu ku ilaashado awoodiisa maamul iyo sharafta boqortooyadiisa. Balsa nasiib
darro waxaa amarkii boqor Calodis ka hor yimid oo xaq darro u arkay Ninkaan aan
geeridiisii u dabaaldegaan maantay lamaanaha isjecel iyo guud ahaan dhalinyarta waa
Valentine. Wuxuuna bilaabay inuu si qarsoodi ah u guursado dumar fara badan, hadaba
markii ay soo shaac-baxay guurkii qarsoodiga ahaa ee Valentine, waxuu Boqorka amray
in loo geeyo xabsiga lana dal-dalo Valentine.Sida ay sheegaan dadka taariiqda
Valentine yaqaana, waxaa ku dhacay xiligii uu xabsigi ku jiray Jaceyl xaad-dhaaf ah
oo uujeclaaday gabar dhalinyaro ah oo aad u qurux badneyd taasoo aheyd gabar uu
dhalay Ninkii xabsiga ka talinaayay, gabadhaas oo soo booqatay waqtigii uu ku jiray
xabsiga Valentine. Hadaba waraaq jaceyl xambaarsan oo uu ku saxiixnaa Valintines
kadib markii la dal-dalay ayaa laga helay qolkii uu ku xirnaa, warqadas oo ciwaan
kaga dhigay"Ka socoto Valentinkaagii" wixii maalintaas ka dambeysay si loo xuso
sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dal-dalay Valintines oo ku beegan 14-ka
Bisha Febraayo 271-sano dhimashadii Nabi Ciise kadib ayaa la go,aansaday in la xuso
maalintan oo kale, oo la is dhaafsado ubaxyo, salaamo iyo hadiyadu qaali ah, ilaa
heer ay gaartay in ay noqoto maalin lagu cabiro lamaanaha is jecel jaceylka ay isku
qabaan inta uu la egyahay. Oo hadii maalinkaas qof ayaga ka mid ah hilmaamo loo
micneeynaa inuusan jaceyl heeynin oo sheeganaayay. Marka laga hadlaayo arimaha
Jaceylka waxaa dhacda doodo aan xal loo helin, inta badan waa la isku maan dhaafaa,
maadama aan la aqoonin sida loogu macneeyn lahaa loona fahansiin lahaa dadka aan
weli jaceyl jaribin, oo jaahilka suuq jooga ah iska ah, dareenka ay sheeganaayaan
lamaanayaasha isjecel, sida farxada, macaanka, murugada iyo xanuunka ay isla
wadaagaan, hooygana u yihiin maalin iyo habeen hadii ay is waayaan. Jaceyl inuu jiro
dadka intooda badan waa isku raacsanyihiin, loona dhinto, inkastoo la isku
qilaafsanyahay inuu jaceyl weligiis jiri doono oo labada qof oo jaceylka isku
guursaday ay waligood ahaan doonaan laba isjecel in geeri iyo qaddar Rabi kala
geeyaan maahane. Taas oo jirta hadane Lamaanayaasha dunida isku jecel ayaa aaminsan
in Jaceyl Biro fujin, Biyana kaa dhaqin! Sidoo kale in waqtiga isbedelkiisa qofku
isla bedeli karo, oo dabeecad ahaan, feker ahaan iyo hormar ahaanba, balsa QABLIGA
JACEYLKA OO MAR QAADO UUSAN BEDELI KARIN WAQTIGU WALIGIIS. Hadaba aqiristow yaanan
waxba war ku mashquulinine waxa aan doodaan kuugu soo qoraa ama mawduucaan kuula
qaybsanaa ma aheeyn in aan ka doodno inuu jaceyl yahay wax jira ama aan jirin. Balsa
MAALINKA JACEYL ADUUNKA MA LOO DABAAL DEGI KARAA, OO MA TAHAY MAALIN MUTEYSATAY IN
LOO DABAAL DEGO?? hadii aad aqligaaga si sax ah ugu laabatid waa MAYA, dhowr
sababood daraadood: 1) Horta hadii aan nahay umad islaam ah waa in aan ka soo
horjeesano tilaabo walba oo ay qaadaan dadka ah KARISTANKA IYO YAHUUDA, oo waa in
aan qiimeeynin waxa ay qiimeeyaan iyo waxa ay buunbuunshaan, maadaama aan kala nahay
dad aan diin ahaan iyo dhaqan ahaan waxba iskugu darsaneen Adduunyo iyo Akhirane aan
isku wax ka sugeeynin. 2) Nin gaal ah maalinkii oo baqtiyay in lago farxo, oo
hadiyado la is dhaafsado, jaceylna la isku muujiyo, oo lamaana kasta ay si gooni ah
u qaddariyaan, taas oo micnaheedo yahay in ninkii (Valentinis) baqtiyay la xusaayo,
oo laga xunyahay daldalkiisii. Taasna diinteena wanaagsan oo islaamka ah ma ogola,
oo waa mamnuuc in aad gaal xustid u ooy ama u qosole. 3) Umadda islaamka ah waxeey
leeyihiin maalmo ay si gooni ah u xusaan sida: Ciid ramadaan, Ciid Adxaa, (xajka
kadib), iyo asbuuc kasta maalinka jimcaha, oo shaqada iyo iskuulaadka nasiino laga
qaadanaayo. 4) Jaceylka ay isku qabaan labada is qaba ama kuwa lamaana ah oo xariir
jaceyl uun ka dhaxeeyo ma ahan wax ku ku kooban saacado ama maalin ah labaatan iyo
afar saac. Waa wax markasta laga rabo in ay isku haayaan, gabadha ama wiilka aad
jeceshahay waxeey hadiyad iyo ka farxin kaa mudantahay maalinkasta, waana in aad u
xasustaano qofka wanaagiisa, una abaal gudid inta karaankaaga ah ilbiriqsi kasta, ee
waa ceeb runtii damiirka iyo dareenka jirkaba diidaa in waajib lagaaga dhigo in aad
14 febaraayo uun hadiyad bixisid, adna maalinkaas uun wax laguu hadiyeeyo. Ka waran
hadii aad markaad shaqada/jaamacada ka imaatid horay dukaanka u so mari laheeyd
asbuuciiba mar oo aad gacalisadaada hal ubax kaga soo gadi laheeyd? Ka waran
gabaryahay hadii aad gacaliyahaaga qaddo/casho asiga uun u qaas ah u sameeysid
asbuuciiba mar ama wax yar oo aad kaga farxisid si aad u muujisay in aad tahay mid u
heeyso abaal, una mahadcelisid? Waa wax fudud, lana sameeyn karo, laakiin waxaa
indhaha naga tiray waxa nagu xeeyraaman oo diidan in aan yeelano hal abuur shaqsi
ah, inaguna ceebeeynaa in aan ka duwanaano inta kale. Ma ahan in aad aqbashid
waxkasta, waa in aad adiga goaankaaga yeelatid. Jaceylka ma ahan hal maalin oo ubax
gaduudan, ama warqad guduudan la isku hadiyadeeyo, intaas waa ka qiimo iyo qaayo
weeynyahay.

Intaas waxaa dheer in faamil/reer kasta iyo waddan kasta ay leeyihiin maalmo ay si
gooni ah u qaddariyaan, hadiyado iyo xafladane u wada dhigtaan. Hadii xaflada famil
u gooni noqon karta aan tusaale ka soo qaato waxeey noqon kartaa: Malinkii ay
lamaanaha is qaba isguursadeen/jaceylaadeen, dhalashadii ilmahooda iwm. Dal ahaan
waxaa loo wada dabaal dagaa maalinka uu dalkeena xoriyada qaatay oo kale. Marka in
aad adiga sameeysatid maalin kale oo aan soomaali hadii aan nahay aan dhaqan ahaan
u aaminsaneen, xaqiiqa ahaane aan reer Galbeed ugu nimid, kaaga daranta aan sal iyo
baar meel ay diinteen ugu taalo la arag, lana aqoonin waa bidco, kaana mamnuuc ah
hadii aad tahay qof islaam ah. Rasuulkuna waxuu yiri S.C.S.W. asigoo waxyaabaha aan
anago sameysanay nooga digaaya:" Bidca kasta waa baadi, baadi kasta Naarta ayaa la
gelinaa." 4) Valentine waxaa loo dilay inuu ka soo horjeestay sharcigii
waddankiisa. Waxa uu sharcigaas ku dunshayna waxaa la sheegay inuu yahay jaceyl oo
u qaaday dumar fara badan oo guursaday. Waxaan aad ula yaabaa in dumarka maantay
xusaayaan Valentin oo ah ninka jaceylka la sheegaa u badalay baahi jireed oo ay
raggu u qabaan dumarka. Dadka is jecel waxeey ku doodaan maantay in qof walba hal
qalbi leeyahay, markii sidee ku suurtagashay in Valentine oo lagu tilmaamaa inuu
ahaa aabahii jaceylka inuu jeclaado waxaas oo dumar, weliba wada guursaday? Soo
lama dhihi karo Valentine naftiisa ayaaba ahaa cadawgii jaceylka waa hadii dhab loo
aaminsanyahay in uusan jirin qof laba qalbi leh? Soo lama dhihi karo ninkii
tumashada iyo baahida jinsiga in si qarsoodi ah lagu kala dhameysto sharciyeey
waxuu ahaa ninka maantay looga mahadinaa in jaceyl jiro (Valentine's day)?
Suaalahaan waxeey quseeyaan, oo aan ku baraarujinaa dadka ku guda jira, una dooda
in jaceyl yahay wax dhex mara laba qof oo kaliya, hadii qof sadaxeysane,
tumasha/saaxiibtinimo amaba guur ha ku imaato qofka sadaxaade uu jaceylkii loo
yahay qofkii hore meesha ka baxay, weliba qiyaano iyo daacad la'aan tii ugu
weeyneed isku bedelay jaceylkaas. Hadaba walaalaha muslimeenta ahow is dhowra, inta
Illaah inku waajibiyana ka soo baxa marka hore, intaas ayaaba howl iyo dhib inkugu
aadee, oo aan hubaa in maantay inteena badan khaas ahaan dhalinyarada wiilasha iyo
gabdhaha iskugu jiro weey ku adagtahay ineey ka soo baxaan waajibaadka Illaah
saaray. Mana ahan, waana maan gaabnimo iyo axmaqnimo tii ugu danbeysay weliba ineey
ku gagabtaan wax aan la idin dirsanin, ajar iyo xasanaad midna inkugu jirin ineey
danbi, carro Rabi iyo cadaab aakhiro idin horseedo maahane. La jeclaaw nooolaha iyo
khaas ahaan muslimiinta WANAAGA ADDUUN IYO JANADA AKHIRO OO AAD NAFTAADA LA
JECESHAHAY, KAGANA DIG XUMAANTA IYO CADAABKA RABI WEEYNINKIISA, SOO XASUUSI
SIRAADKII AAKHIRO markii shaydaanku kugu qasbi maago in aad dukaanka tagtid oo aad
hal ubax ama hadiyad nooceey doonto ha ahaatee gacalisadada/gacaliyahaaga aad kaga
soo gadid hamisid! DIGNEEN: Shaqsi ahaan waxaan dhalinyarta kaga digaa xusitaanka
maalinkaas, weliba waxaan u sheegi lahaa in jaceylkooda dartiis ay imaankooda ku
weeyn doonaan, qof aan imaan laheeyn wa qof aan diin laheeyn. Waxaan hubaa in
Maalinka Valentine aysan jaceylkiina iyo guurkiina waxba ku soo saaidin doonin in
ay inka dhumiso ubax jaceyl oo aad horay u wada fiirsaneyseen maahane. Alaha naga
wada badbaadshu sharta umadaha aan ku dhex noolnahay.

Ogeeysiis muhiim ah: Dalka Mareykanka, iyo dalal kale oo badan oo dunida daafaheeda
ku kala yaala waxaa is kaalmeystay dumar badan oo ka soo horjeedo in jaceylka loo
bedelo wax hal maalin ah, sameeyn doono xaflado iyo banaan baxyo lagu mucaaradaa
maalinkaas. Waana tilaabo lagu farxo, hadiiba dumarka aduunka arkeen in arintaan
tahay qiyaano jiritaankooda iyo xuquuqdooda jaceyl loo dhigaayo marlabaad.

Waa mahadsantahay Aqriste, fadlan ka dhiibo ra'yigaaga, yeeysan kula noqonin in aan
diyaar loo aheeyn in laga jawaabo sualaahaaga shaqsigaah.




Waa diyaarintii

Omar Suleiman Omar
Back to top Go down
maanka
shabakada maadow
shabakada maadow
maanka


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 81
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010

Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan? Empty
PostSubject: Re: Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan?   Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan? EmptySat Jun 19, 2010 3:06 am

jazaakallahu khayr
Aad iyo aad ayad u mahadsantahay
Waa muhiim in lagu baraarujiyo Dhalinyaradeena
Waxaa qabsaday dagaal maskaxeed wax aan ku maga caabikarno
Lakin anagoo isticmaalayno web-kan barakaysan aan wadajir u gudanno waajibka ina saaran........
Xafidakumllah
Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan? Empty
PostSubject: Re: Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan?   Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan? EmptySun Jun 20, 2010 11:47 pm

alaaah kheer ha ku siiyo walaaaal omar sulaiman alaahne gacantaada ha barakeeyo
Back to top Go down
Sponsored content





Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan? Empty
PostSubject: Re: Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan?   Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan? Empty

Back to top Go down
 
Waa maxay Maalinta Jaceylka Aduunka? Yaase Aaminsan?
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka ee 14 Febraayo?‏
» Ninka 2-aad ee Aduunka ugu wiji weyn
» sidee loo joogteyn karaa jaceylka....!!
» Dhismooyinka aduunka ugu dhaadheer ee la yaabka leh
» waa maxay kolestarool?!

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: