Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.1aad).

Go down 
2 posters
AuthorMessage
mujaahid123
shabakada maadow
shabakada maadow
mujaahid123


Mawduucyadaada : 58
ka Qeeb Qaadashaadaada : 123
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Halkaa joogto : muqdisho al ciz
Shaqadaada : xoreenta dalka

Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.1aad). Empty
PostSubject: Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.1aad).   Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.1aad). EmptyMon Mar 15, 2010 7:20 am

Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.1aad).
ilaahay baa mahad oo dhan u sugnaatey, Nabadgalyo iyo badbaado ha ahaato rasuulkiisa Muxamed CalayhiSalaam.
Intaas kadib,
Waxaan rabaa inaan Qoraal yar ka sameeyo Dulaan maskaxeedka lagu hayo Ummadda Muslimka ah ah meelkastey joogto, waxaan jeclahay inay risaaladani noqoto mid faa'iidu ah u dadka muslimka ah ee jecel difaaca diintooda iyo dalkooda khaasatan dadka Soomaaliyeed ee la jaahwareeriyey qoraalkani waxa uu socon doonaa hadii ilaah nagu sugo wakhti dheer sababtuna waa Cinwaanka uu Xanbaarsan yahay oo ah mid wayn una baahan wakhti in lagu bixiyo.

Qodobka kuwaad waxaan kaga hadlaynaa Macnaha ergaya Duulaan maskaxeed hadii aan ku fasirno Afka qalaadna noqonaya "Ideological Invasion" sidoo kale waxaan isku dayayaa inaan bal wax ka iraahdo xiliyadii uu bilaabmey iyo sababta uu ku bilaabmey, marxaladaha uu soo marey iyo dhibaatada uu u gaystey ummadda muslimiinta ah, waxaan ilaahay ka rajaynayaa inuu nafahansiiyo gaalada iyo shirqoolada ay wataan, sidoo kale waxaan ilahay ka rajaynayaa inuu natuso dalkeena iyo dadkeena oo ku dhaqmey shareecada islaamka.

Waa maxay Duulaan maskaxeed " Ideological Invasion" ?

Marka aad maqasho duulaan, waxaa maskaxdada ku soo dhacaya Dagaal, dagaalkaas oo ay soo qaadey qolo ujeedo leh oo rabta inay weerartu qolo kale oo ay iska soo horjeedaan, dagaalkaas la qaadey waxaa suurto gal ah in loo adeegsado Gantaalo, Madaafiic, Diyaaradaha meel fog wax ka duqeeya, Taangiyada dagaalka, hadafkuna wuxuu u dhaw yahay in la qabsado qoladaas weerarka lagu qaadey, waxaa suurto gal ah in dadkii deegaanka daganaa laga barakiciyo hadii ay suurto gal tahayna la dajiyo qolo kale.

Goorma ayuu soo baxay Duulaan maskaxeedku?
Erayga "Ideological Invasion" Duulaan maskaxeed waxa uu soo baxay qarnigii labaatanaad, macnaha cadowga islaamku waxa uu badalay kaartadii hore ee uu dadka muslimka ah kula darirayey taas oo ay ku le'deen "ku dhamaadeen" Ciidamadii Caskariga ahaa ee uu watey, waxa uuna ku badley inuu dadka inta uusan dhulkooda la wareegin uu adeegsado wax yaalo u sahlaya inay dadkaasi ogolaadaan in si hawl yar uu cadogu u soo dhex dagi karo, ayna ugu noqoto sahan u fududaynaya inuu ka helo dadkaas Hadafkii uu lahaa oo ah Isticmaar ama Gumaysi.

Qalabka uu adeegsado Gumaysigu:
Hadii uu yahay Duulaanka Caskariga ahi, mid adeegsada hubka iyo taangiyada noocyadoda kala duwan, duulaan maskaxeedku isagu waxa uu adeegsadaa, Hadalka, Fikradaha, Maxaa yeeley hadalku waa u ka khatarsan yahay dagaalka Caskariga ah, sabtuna waa Maskaxdii iyo Mabaa'diidii dadka oo Si hawl yar loo badalo looguna shubto waxa uu rabo Gumaystuhu.

Hadaba Goorma ayuu bilaabmey dagaalka iyo weerarka Hadalku?

Dagaalka Hadalku waxa uu bilaabmey xiligii rasuulkeenu SCW, taas oo ay gaaladii markaa joogtey ugu tala galeen inay dadka rasuulka ka soo horjeediyaan iyaga oo adeegsanaya hadalo, wax yaalaha ay rasuulka ku odhan jireen waxaa ka mid ah " Quraanku ma waxyi ilaah soo dajiyaa? Mise rasuulka ayaa keensadey? Ujeedaduna waxa ay ahayd in dadka qaar shakiyaan oo hadalku bato kadibna inta ay duufsan karaan duufsadaan.

Xaligii rasulku SCW, uu u soo wareegey madiina, yahuudii reer madiina waxa ay rasuuka ku waajaheen duulaan hadalkii, wax yaalihii ay rasuulka waydiiyeen waxaa ka mid ahaa " Rabigaa noo sifee" Ma dahab baa? mise waa Fiddo? , xiligaas waxaa ka soo muuqdey magaalada madiina nifaaqii, wax yaalaha ay samayn jireen waxaa ka mid ah yuhuudu intey meelo u gaara ku kulmaan inay yiraahdaan Muxamed markaan la kulano ma rumaynaa kidaabka qaar qaarna ma ka diidnaa? Quraanka wax ma ka dhagaysanaa, Galabtii markii ay noqotana ma ka gaalownaa? Dhamaan hadaladaas waxa ay ahaayeen kuwo loogu tala galay in lagu weeraro rasuulka ilaahay iyo waxyiga samawiga ah ee ilaahay umadda u soo dajiyey.

Dagaal hadalkii intaas kuma joogsan in badan buu socdey waxaa la soo gaadhey xiligii khulfaa'ul raashdiin waxaana saaxada ka soo dhex baxay nin taariikhdu aad wax uga qortey oo loogu magac darey " Cabdullahi Binu Saba".

Waa kuma Cabdullahi binu Saba?
Cabdullahi binu Saba, waxa uu ahaa yuhuudii reer yaman, waxa uuna xanbaarey arin isaga agtiisa la waynayd, waxa uu maskaxda ku shubtey inuu diinta ilaahay la dagaalamo, awood ma laha laakiin waxa uu ku tashadey inuu adeegsada Ideological Invasion, waxa uu guda galey inuu dabagal ku sameeyo dhibka dabiiciga ah ee ka dhex dhaca muslimka dhexdiisa, khaasatan isagu waxa uu arintiisa ku saleeyey khilaafkii dhacay xaligii Shahiid Cuthmaan Binu Cafaan ilaahay haka raalinoqdee, waxa uu ka faa'iidaystey khilaafkaas inuu sameeyo kooxdii ugu khatarsanayd ee dagaal ka foolkafool ah la gasha Muslimiinta, isaga oo adeegsanaya ficiltanka ama caadifadda dadka muslimka ah ee ku wajahan "Aaalu baydka nabageena Calayhi salatu wasalaam, Imaamu Cali iyo Labadiisii wiil".

Waxa uu sameeyey Cabdullahi Binu Saba hadalo iyo afkaar been abuur ah oo uu u Nisbeeyey Imam Cali, waxa uu uruursadey koox ka mid ah yuhuudii reer yaman waxayna la baxeen magacan aan maqalno hadeer ee la yirahdo " Shiico" Macnaha shiico ay u jeedaan markaas waxa uu ahaa u hiiliyaashii Imaam Cali.

Arintii way sii waynaatey dadkii ayuu qayb ka mid ah isku duba ritey heer waxa uu gaadhey uu quraanka badalo macnihiisa una sameeyo macno been abuur ah oo uu u adeegsanayo siyaasadiisa ku wajahan Ideological Invasion.

Falkii ninkaas yuhuudiga ah ku kacay waxa ay dhashey iney soo baxaan labo koox oo khatar badan kuwaas oo islaamka lagaley dagaal, firqadii ugu horaysey waxay ahayd firqada la yiraahdo "Baadinyah" waxaa ku xigtey koox kale oo iyadana loogu magac darey "Qaraamida" Xiligaas waxaas oo dhan dhacayaan Yuhuud oo qudha islaamka Col lama ahayn ee waxaa jirtey qoladan kale ee saaxiibada ay yuhuuda ku yihiin islaam baab'binta " waa kuwee kuwaasi? waa Nasaarada.
Waxaana ka mid ahaa raga dagaal Hadalka soo galey Nin ka mid ahaa Kaniisada Qibdiyiinta laguna magacaabo " Yaxanna Al dimishiqiyi".
Ninkani waxa uu Islaamka lagalay dagaal adag waxa uuna ku odhan jirey dadkiisa waa nasaaradee Muslimka waxaad waydiisaan: Miyaadan rumaysnayn inuu yahay Ciise hadalkii ilaahay ee uu maryama ku tuurey"? Markuu yiraahdo Muslimku haa; waxaad tidhaahdaa: MUslimku miyuusan rumaysnayn inuu quraanku hadalkii ilaahay yahay? Markuu yiraahdo haa; waxaad tirahdaa waxaad rumaysantihiin ciise inuu yahay hadalkii ilaahay, mana odhanaysaan ciise waa ilaah, waxaadse leedihiin ciise waa basher waa makhluuq waana hadalkii ilaahay, markaa hadalka ilaahay waa makhluuq' Yacnii quraankuna waa makhluuq' Ninkaasi isaguna fitantas iyo kuwa la mid ah ayuu hurin jirey oo ka shaqayn jirey si uu isaga horkeeno dadka muslimka ah dhexdoodana uu u dhigo dagaal iyo fitan.

Hadaba akhristow si aadan u caajisin qoraalkuna kuugu dheeraan waxaan jeclahay inay taxane inoo noqoto casharadan ku saabsan iftiminta iyo daboob ka qaadida dagaalka lagula jiro dadka muslimka ah.
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh
Back to top Go down
Ina_Maadow
shabakada maadow
shabakada maadow
Ina_Maadow


Mawduucyadaada : 276
ka Qeeb Qaadashaadaada : 722
Mahadcelin : 6
Is Diiwaangalintaa : 13/02/2010
Shaqadaada : Arday Jaamici

Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.1aad). Empty
PostSubject: Re: Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.1aad).   Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.1aad). EmptySun Jun 06, 2010 7:47 pm

jaazaakalaahu walaal wa mawduuc zaaid u ween
Back to top Go down
 
Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.1aad).
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad).
» salaaan dhamaantiin inta muslimiinta ah
» jaceylku waa falgal kiimikaal(qeybta 1aad); qore maxamed qaasim
» Rag maxaa lagu raacaa
» Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: