Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Sanad kadib duulaankii Qazza

Go down 
2 posters
AuthorMessage
umu-salama
shabakada maadow
shabakada maadow
umu-salama


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 86
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 10/03/2010

Sanad kadib duulaankii Qazza Empty
PostSubject: Sanad kadib duulaankii Qazza   Sanad kadib duulaankii Qazza EmptyThu May 13, 2010 5:17 am

salaamu calaykum
maanta waxaan idin soo gudbinaa maqaal xiiso badan uu qoray c.waaxid c.raxmaan inshaa alaah aan idin daayo maqaalka.
Muddo hal sano ah ayaa laga joogaa duulaankii balaarnaa ee Ciidamada Cadowga Sahyuuniyaddu ku qaadeen Marinka qaza ee dhulka Falastiiniyiinta kaasi oo ay ku shahiideen inkadadan Kun Ruux oo Falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeen Tiro intaa ka badan Sidoo kalena ay ku bur bureen dhamaan kaabayaashii dhaqaalaha ee Magaalada Qaza iyo goobihii danta guud sida goobaha waxbarashada,Caafimaadka iyo kuwa la midka ah.

Duulaankaasi ay yahuuddu ku qaadey Marinka qaza oo lagu Xasuuqey dad rayid Maati Falsatiiniyiin ah oo go’doon ku jira inkabadan Saddex sano ayaan jirin Cid si dhab ah yahuudda ugu Maxkamadeysey Xasuuqqa ay geysteen Ciidamooda marka laga reebo Cambaareyn aan sidaa u sii buurneyno oo ka timid Shucuubta dalalka islaamka

Dad badan ayaan si dhab u fahamsaneynin ilaa iyo haatan Cidda rasmiga ah ee uu dagaalkaasi u dhaxeeyey dadka qaar waxey Aaminsanyihiin in dagaalka uu udhaxeeyey Ciidamada Sahyuuniyadda ah ee ku qalabeysan Noocyadii ugu Casrisanaa ee hubka oo ay wehliyaan Taangiyo, diyaarado iyo maraakiib dagaal iyo dagaal yahano Falastiiniyiin ah oo kasoo horjeeda balse Xaqiiqdu taasi way ka duwan tahey .

Duulaankii yahuudda ay ku qaadeen Marinka qaza oo Asal ahaanba loogu mar marsiyoodey gantaalada ay dagaal yahanada Falastiiniyiintu la beegsadaan dhulka yahuudda Xooga lagu deegaameeyey ayaa waxa uu u dhaxeeyey Shacab gacmo Maran oo go’doon ku jira iyo Ciidamo ku hubeysan Aagabkii ugu dambeeyey ee Ciidamada kuwaasi oo taageero ka helaya guud ahaan wadamada Reer galbeedka oo mareykanka uu ugu horeeyey halka Shacabka aan hubeysneyn ee Falstiiniyiintu aysan jirin Cid taageero siineysey iska daaba taageero lasiiyee waxaa laga Xirtey marinadii ay Maciishadu usoo mareysey.

Xili uu socdo Xasuuqaasi waxshnimada ahaa ayaa dowladaha Reer galbeedka oo mareykanku horboodayo waxey ku doodayeen inay waajib tahey in Maamulka Talaabiib uu difaaco jiritaankiisa waajibna ay tahey inay Adeegsadaan Nooc walba oo hub ah oo ay ku Cirib tiri karaan Shacabka Xaqdarada lagu heysto ee Falstiiniyiinta laakiin Su’aashu waxey tahey Mowqif Noocee ah ayey Xiligaasi taagnaayeen dowladaha ku jira wadamada jamacadda Carabta ah?.

Shirar badan oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Arimaha dibadda ee Carabta oo ka dhacey Magaalada Qaahira ayaa dhamaantooda Fashil ku dhamaadey markii ay isku raaci waayeen Go’aanka ugu sahlan ee ay tahey inuu ku dhaqaaqo qof aan Awoodin inuu ka dhinca dagaalamo Walaalihiisa lagu dhibaateynayo Marinka qaza balse si aad ah kaga xun Wasiirada Carabta oo ka socda 22-ka dowladood ee Carabta ayaa waxey isku raaci waayeen in ugu yaraan Mowqif Cambaareyn ah laga qaato duulaankaasi wuxuushnimada ah.



Dowlado fara ku tiris ah oo ku jira dalalka jaamacdda Carabta oo Xiriir soke la leh Maamulka Talaabiib ee Sahyuuniyadda ayaa guud ahaan waxey Car qaladeeyeen Shirkii wasiirada waxaana ugu dambeyn Magaalada qaahira lagu kala dareeyey iyadoo aan wax Mowqif ah lagaarin.

Nasiib darro yahuudda oo la dhacsan kala daad sanaanta Carabta ayaa waxey halkeedii kasii wadey duulaankeedii waxshnimada ah ee ay ku dhuuqeyso dhiiga Shacbiga aan waxaba galabsan ee Falastiiniyiinta waxaana lagu garaacey hub Mamnuuc ka ah in loo Adeegsado dadka Rayid ah.

Hey’adaha Sheegta inay u doodaan Xuquuqda Bini’aadamka ayaa Xaqiijiyey in dadka degen Marinka qaza loo Adeegsadey Maadada halista ah ee Wahite Fos for-ka .

23-Maalmood oo duulaan Cadowtooyo oo Sahyuuniyaddu adeegsatey wax walaba oo karaankeeda ah islamarkaana ay ku dhinteen 1500 oo ruux oo Falstiiniyiin ah halka Tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen ayaa dowladaha Reer galbeedka oo weli Mowqifkooda ku dhegen waxey sheegeen in duulaanka laga gaarey hadafkii laga lahaa.

Sida Muuqata waxaa gar lagu siiyey Aqaliyadda yahuudda ee Xooga lagu deegaameeyey dhulka Falastiin inay gumaado Shacabka degen Marinka qaza oo hore ula daalaa dhacayey go’doon iyo dhibaateyn dhinac waliba ah oo muddo dheerlagu hayey halka Madaxda Carabta oo awoodi waayeen in ugu yaraan Xiriika diblomaasiyadeed loo jaro Maamulka yahuudda iyo Cid waliba oo gacan ku siinaysey duulaankiisa.

Shucuubta Muslimiinta ah ee ku nool daafaha kala duwan ee dunida ayaa dibad baxyo ay kaga xunyihiin Xasuuqaasi waxey ka dhigeen Magaalooyin waaweyn oo ka tirsan Caalamka waxaana dadkaasi ay muujiyeen sida ay kaga xunyihiin dhibaaatada lagu hayo walaalahooda Xili aysan jirin talaab kale oo furan oo Radul Ficli ah ay ku sameyn karaan.

Marka dhinc laga eego Shucuubtaasi Muslimiinta ah waxey muujiyeen Xanuunka ay ku heyso dhibaatada lagu hayo jasad iyaga ka mid ah waana sida ay diintu qabto in dadka Muslimiintu ay guud ahaan yihiin hal jasad oo aan kala Maarmin hadii ay Xubin xanuunsato Xubinta kale ay dareento sidaana waa dhaqanka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah.

Sanad kadib duulaankaasi Xaalku waa sidiisii waxaa la sii adkeeyey go’doonka lagu hayo Shacabka Qaza degen waxaana Xaaladdu ay u muuqataa mid aad khatar u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Marinka ku nool waxey ka cabanayaan dhibaato Xagga Nololeed oo aad u adag oo soo food saartey waxaa dawo la’aan ay soo wajahdey Cusbitaalaalada lagu bax baaaninayo dadkii ku dhaawacmey duulaanka Magaalada qaza gudaheeda waxaa ciriiri ka ah helidda biyo Nadiif ah oo ay dadku cabaan halka Ascaartuna ay sare u kacdey.

Ciidamada Sahyuuniyadda ayaa Magaalada dhinac waliba ka hareeyey Ciidamada ilaalada Xuduudaha ee dalka Masar ayaa iyana dhinacooda qeyb ka qaadanaya dhibtaada lagu hayo Shacbiga Falastiiniyiinta ah ee ku go’doonsan jiida Qaza.

Xukuumadda Qaahira ee Madaxweynaha uu ka yahey Maxamed Xusni Mubaark ayaa si toos ah u Cadeysatey in Maamulada Washiton iyo Talaabiib ay gacan ka siineyso dhibaateynta dadka Falastiiniyiinta ah markii ay diidey in Kolonyada Gar gaarka ah ee Howlabaha Nolahsha loogu Magac darey ee uu hogaaminayo Joorj Gaalawi inay isticmaalaan Dekedda Nuweybic ee dalka Masar si ay ugaaraan Marinka waxeyna amar ku siiyeen inay Kolonyadaasi inay dib ugu laabtaan dhinaca iyo dalka Suuriya si gar gaarka loogu soo geliyo dekedda Alcariish.

Dhibaatada Xukuumadda Masar ay ku heyso dadka Falastiiniyiinta ah ee degen Marinka qaza intaa kuma eka ee waxaa jira darbi bir ka sameysan oo dowladda Masar ay ku howlantahey inay ka dhisto Xadka ay lawadaato Marinka qaza taasi oo sii adkeyneysa Cunoqabateynta saaran dadkaasi shacabka Falstiiniyiinta ah oo hadda Adeegsada godod ay dhulka hoostiisa ka qoteen oo Maciishadda iyo hubkaba ay soo marsiiyeen iyadoo ay taasi dhaliso in mararka qaarkood ay gododkaasi dumaan sida horey u dhacdey dhowr mar.

Dadka degen qaza ayaa dhinacooda dhigey Todboaadkan dibadbaxyo ay dowladda masar ay kaga dalbanayaan inay ka qaado Culeyska ay ku heyso waxaana dibad baxyadaasi ay kusoo beegmeen hal sano kadib duulaankii Cadowtooyada ahaa ee lagu qaadey jiidda qaza.

Xarakada Islaamiga ah ee Xamaas ayaa soo abaabushey dibad baxyadaasi waxaana Mas’uuliyiin ka tirsan oo halkaasi ka Hadley ay sheegeeh inaysan marnaba dhici doonin inay u hogaansamaan rabitaanka yahuudda ee ku aadan qabsashada Marinka qaza hadii ay yahuuddu ay markale weerar soo qaadana ay ka jawaabi doonaan.



Waxaa diyaariyey : C/waaxid C/raxmaan
Back to top Go down
maanka
shabakada maadow
shabakada maadow
maanka


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 81
Mahadcelin : 3
Is Diiwaangalintaa : 09/03/2010

Sanad kadib duulaankii Qazza Empty
PostSubject: Re: Sanad kadib duulaankii Qazza   Sanad kadib duulaankii Qazza EmptyThu May 13, 2010 7:38 pm

Baarakallahu fiiki Ukhtii
Waa waaqica jira inkastoo Xamaas aysan Ku soconin Manhajkii ay madaxdoodii ka dhaxleen-Sh Axmed Yasin iyo rantiizi raximahumallah- ee ay qaadeen manhan dimuqraadi ah oo kufri ah oo aan diinta islaamka ku banaanayn
Markaas ayay xarakada noqotay mid siyasadeeda ku kooban kaliya cambaarayn iyo shirar lagalo oo aan miro lahayn ayna ka tagtay Wadadii jihaadka iyo cabsigalinta ay ku haysay cadaowga ilaahay....Waxaaa tusaale kuugu filan in Xamaas markii hore ay gaalada u oqoonsanayd Urur argagaxiso lakin maanta ay u aqoonsanyihiin Urur Mucaarad ah, Tan kale markii ay labada sheekh joogeen Waxay ahayd mid Ka aarsatta Yuhuudda tacadiyada ay u gaysanaayaan Shacbiga muslimka ah iyo Madaxda xarakada lakin waad aragteen Maalin dhawayd waxaa lagu jirdilay Falastiin Qaa`id katirsanaa Kataa`ib alqasaam oo indhaha ay ka bixiyeen cadaoga ilaahay Xamaasna wax aan cambaarayn ahayn kama soo yeerin Diyaarna uma ahan in ay Aargoosatto... Waxaa la dhihi karaa awood ma lahan Lakin awood ay mujaahidiinta leeyihiin kuma aysan gali dagaalkii barakaysnaa ee qazza lakin waxay kasbadeen Asbaabtii sidaas ayuu ilaahay ugu gargaaray oo nasri u siiyay- Cidna ma dhihi karto Nasri lama siinin mujaahidiinta reer falastiin dagaalkii qaza- Lagumana helin awood ay leedahay Xamaas,,,, ikhwaanii aan u ducayno umadda islaamka ah in uu ilahay Khilaafadeeda usoo celiyo si ay iskaga dulqaado Dawaaqiida iyo Cadawga ilaahay.....Xilli walba iyo waqti walba waa cibaado in aan ilaahay u barinno umadda dhibaataysan Adigana ajir ayaad ku heleysaa Ayagana ilaahay Ayaa faraj ugu furaayo
Walaalkiin C/raxmaan-Abu Cumar-
Back to top Go down
 
Sanad kadib duulaankii Qazza
Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: