Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
walaal kusoo dhawoow webkaan hadaadan ka Diiwaan gashneen
iska diiwaan gali si aad xubin wax ku kor dhin karo oogu noqoto webka.
Shabkada Maadow
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


Walaal Ku Soo Dhawoow Shabakada Aqoon Isweedaarsiga Ee Maadow
 
HomeSearchLatest imagesRegisteraqriso qur'aanka oo luqado badan ku tarjumanLog in
**MAADOW.ALAFDAL.NET **waa web ay ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed ay ku kala gudbisadaan macluumaadka dhan walba**SHABAKADA MAADOW** Maamulka shabakada maaadow wuxuu idin soo gudbinayaa waxqabadka shabakada sanadka 2010**SHABAKADA MAADOW**Halkaan ka daawo sidaad oogu dari laheedad shabakada mawduuc ama maqaaal ama wax walba oo faaido lah adoo naga ilaalinaya waxyaabaha ka soo horjeeda shareecada islaamka**SHABAKDA MAADOW** Digniin karishtaanka soomaaliya By maanka **SHABAKADA MAADOW**Shabakada Maadow Waxkasta oo lagu qoro Khasab ma aha in uu maamulka Raali ka yahay**SHABKADA MAADOW**

 

 Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto

Go down 
2 posters
AuthorMessage
umu-salama
shabakada maadow
shabakada maadow
umu-salama


Mawduucyadaada : 44
ka Qeeb Qaadashaadaada : 86
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 10/03/2010

Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto Empty
PostSubject: Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto   Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto EmptyFri Apr 30, 2010 1:46 am

salaamu calykum
Ogow walaalkayow inay
Qiyaamadu dhici doonto, xisaabtan iyo abaal marinna ay jiri doonto,
markaa la innooga baahan yahay inaynu u diyaar garawnno waxqabadkii iyo
wanaaggii aynu kaga badbaadi lahayn murugada iyo dhibaatooyinka jiri
doona maalinta Qiyaame , si aynaan u noqonin kuwa uu ku rumoobi doono
hadalka uu Eebbe korreeye ku yidhi:-"Dadkii waxaa u
soo dhawaaday Xisaabtoodii iyagoo halmaansho ku sugan oo jeedsan.Uma
yimaaddo Xus
(Quraan) xagga Rabbigooda oo
warrami haddii
(uu jirana) way maqlaan
iyagoo ciyaari.Oy shuqloon tahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigaan
Faqii kuwii dulmiga falay
(iyagoo odhanaya),
kani ma waxaan dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u imanaysaan sixir
idinkoo arkaya
" Suuradda Al-Anbiyaa'i Aayadaha 1--3aad.

Ogowna in Qiyaamadii ay dhawdahay marka loo eego waayadii
hore , sidaa darteedna ay lama huraan tahay inaynu digtoonaanno si aynu
u badbaadno, Cabdullaahi Binu Cumar waxaa laga wariyay in Nabigeennu
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Ka danbayntiinna aad ka dambaysaan umadihii idinka
horreeyay waa inta u dhaxaysa Salaadda Casar ilaa gabbal dhaca
"
Bukhaari baa wariyay.Hana u arki inay fog tahay way dhawdahaye, u sii
tabaabushayso.

Eebbe korree oo nasahnaaye wuu qariyay waqtiga ay dhaci
doonto, keligii uunbaana og cid kaloo ogi ma jirto, Malag dhaw ha ahaado
ama Nabi la soo dirayba ha ahaadee. Eebbe korreeye wuxuu yidhi:-"Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamada) markay sugnaan. Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda. Eebbe
uunbuu ku dhammaan ogaanshaheedu. Adigu waxaad tahay uun u digaha ruuxii
ka yaabi.Waxay la mid noqon maalintay arkaan
(Qiyaamada) iyagoon nagaanin galab iyo barqin mooyee (adduunka)" .

Hase yeeshee Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu inna
ogaysiiyay calaamadaheeda, taasoo uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo
Eebbe korkiisa ahaataye innoo sheegay , isagoo umaddiisa uga digaya,
calaamadahaas oo la soo bilawday waagii Asxaabta Ilaahay raalli ha ka
ahaadee,kuwaasoo intaana soo kordhayay, waxaana calaamadahaas ka mid ah
kuwo la arkay iyo kuwo weli socda iskana soo daba dhacaya , iyo kuwo aan
weli la arag oo markay dhici doonto Qiyaamadu iman doona, waxaanay
ahaan doonaan arrimo aanay dadku caadiyan arki jirin.

Haddaba si aynu hoos ugu daadagno Ilaahay khayrka ha inna
waafajiyee, waxaynu u kala qaadi doonnna, una kala horraysiin doonaa
laba qaybood , oo qayb waliba calaamado badani hoos imanayaan, innagoo
calaamad kasta oo labadaas qaybood ka mid ah is yara dul taagi doonna,
si aynu uga digtoonaano waxayna kala yihiin labadaas qaybood:-

1-Qayb ah calaamado yar yar
2-Qayb ah Calaamado waawayn

1-Calaamadaha yar yar
b-Soo Bixitaankii Nabi
Maxamed naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye

Eebbe korreeye wuxuu
yidhi:-"Ma ahayn Muxamed aabaha midkiin oo raggiina ka mid ah, hase
yeeshee waa Rasuul Ilaahay iyo ugu dambeeyihii Nabiyada". Rasuulkeenuna
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Waxaa la soo diray aniga iyo Saacadda (Qiyaamada)
sida labadaas oo kale(intuu murdisadiisii
iyo fardhexadiisii isku dhajiyay korna u taagay)".

Markaa soo diristii
Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxaa la
bilawday tirsigii ku sii durkayay Qiyaamada, maadaama aanu jirin Nabi
dambe oo soo baxaya, ummaddiisuna ay tahay umaddii u dambaysay ummadaha.



t-Geeridii Nabigeenna
naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye

Waxaa kale oo
calaamadaha yaryar ee Qiyaamada ka mid ah geeridii Nabigeenna naxariis
iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, wuxuuna Nabigu Xadiis ku
yidhi:-" Lix ka tiri Saacadda (Qiyaamada) horteed:- Geeridaydii, haddana furashada Baytul Maqdis,
haddana..
.........." Bukhaari.

Geeridii Nabigeenuna
naxanriis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxay ahayd musiibadii
ugu waynayd ee ku habsata umadda Muslimiinta ah, dunida ayaa mugdi u
nqoday Asxaabtii Rasuulka naxariis iyo nabadgalyi Eebbe korkiisa ahaye
iyaga raalli ahaansho Ilaahay korkooda ahaataye. Anas Ilaahay ha ka
raalli ahaadee wuxuu yidhi:- "Maalintii uu Nabigu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu Madiina soo galay wax walba way
iftiimeen, maalintii uu geeriyoodayna wax walba mugdi ayay noqdeen,
anagoo weli aaskiisiiba faraha ku hayna ayaannu xattaa quluubtayadii
hiifnay".

Geeridii Nabiga naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye Waxyigii Samada ka soo degayay ayaa
joogsaday, sidii uu Qurdubi yidhina waa xaaladdii ugu darnayd ee
Muslimiinta soo waajahda, Nabinimadii ayaa geeriyootay, waana markii ugu
horraysay ee shar soo bilawdo kaddib markii qabiilooyin Carab ihi
Diinta ka noqdeen, dhimashadiisuna waxay ahayd ugu horrayntii khayr go'a
iyo bilaabashada yaraanshihiisii.



j-Badashada Maalka
Calaamadaha yaryar ee
Qiyaamada waxaa kaloo ka mid ah maalka oo ku bata gacmaha dadka ,
Bukhaari wuxuu Saxiixiisa ku wariyay in Abii Hurayra Ilaahay ha ka
raalli ahaadee laga soo wariyay Xadiis uu Nabigeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-"Qiyaamadu dhicimayso
illaa dhexdiina uu maalku ku bato, markaasoo uu ku hamiyo ninka xoolaha
lihi inuu Sadaqo ka aqbalo looguna yeedho nin (si uu u qaato) oo
yidhaahdo (ninkii inuu Sadaqada qaato la doonayo): baahi iima hayso
xoolahan".

Sida uu Nabigeennu naxariis
iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu innoo sheegayna way dhabawday
oo waa la arkay, laga soo bilaabo waqtigii Saxaabada Rasuulka Ilaahay
ha ka raalli noqdee oo ay bateen wadamadii ay furteen, taasoo xoolo fara
badan u soo hoydeen, iyagoo gacanta ku dhigay hantida labadii
boqortooyo ee waagoodii ugu awoodda badnaa,ee kala ahaa boqortooyadii
Roomaaniyiinta iyo boqortooyadii Faarisiyiinta. Waxaa kaloo
calaamaddaasi la arkay waagii Khaliifka shanaad ee Muslimiinta Cumar
Binu Cabdicasiis oo waqtigiisii qof baahan la waayay , taasoo ay sabab u
ahayd barakadii cadaaladdiisu. Sidoo kale waxaa la arki doonaa
calaamaddan gabagabada adduunka oo Ilaahay baa oge laga yaabo inay
noqoto waaga Mahdiga soo bixi doona iyo waaga uu Nabi Ciise naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye soo dego, markaasoo uu dhulku soo
bixin doono khasnadaha ku jira maalkuna badan doono.



x-Ku Dayashada Gaalada
lagu dayan doono

Nabigeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatee wuxuu yidhi:-"Saacaddu(Qiyaamadu)
dhicimayso illaa ay ummadaydu qaaddo(jidkii
iyo dhaqamadii
) dawgii umadihii ka horreeyay
taako taako iyo dhudhunba dhudhun
". Waxaa lagu yidhi ma sida
Faaris iyo Roomaanka oo kale, markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye
):-"Oo
haddaa ma dad aan iyaga ahaynbaa
". Bukhaari baa wariyay. Warin
kale ayaa ahayd :-"Waxaannu nidhi Rasuulkii Ilaahayow(naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) ma Yuhuud iyo Nasaaraa
(Masiixiyiin), markaasuu yidhi:-"Oo haddaa wa ayo".

Akhristow waqti hore iska
dhaafe hadda ayaynu calaamaddaasi indhaheenna ku aragnaa, intee
Muslimiin ah ayaa ku dayashada gaalada ku faana, ilbaxnimana mooda,
balse la arkayba rag rag isku ekaysiiyay ama dumar dumar isku
eekaysiiyay waa sahaalee rag dumar isku eekaysiiyay iyo dumar rag isku
eekaysiiyay, taasoo mararka qaarkood gaadha Diinta oo la baxo Ilaahay
baannu xaaladdaas ka magan galnaye. Qofka Islaamnimada dhabta ah ku
dhaqmaa wuxuu ogaanayaa heerka uu xaalka Muslimiintu gaadhay waqtigan la
joogo, taasoo keentay in habdhaqankii Islaamnimo ee saxda ahaa laga
fogaaday sidii reer galbeed loogu dayanayay, ha ahaato Caqiidadii oo
laga leexday ama isku xukunkii Kitaabka iyo sunnada Nabigeenna naxariis
iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo la iska fogeeyay xukunkoodiina
la qaatay iyadoo lagu dayanayo, ilaa xattaa labiskoodii,cuntadoodii iyo
cabbitaankoodii noqday ilabaxnimada meesha ugu sarraysa, taasoo si dhab
ah ugu sifoobaysa hadalkii Nabigeenna naxariis iyo nabdgalyo Eebbe
korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-" Taako taako iyo dhudhunba dhudhun
xattaa hadday galaan god Masalugalay waad galaysaan". Haddaba waxaa is
waydiin leh maxay umaddu ka heshay ku dayashadaas indha la'aanta ah aan
ka ahayn dullinimo, khayraadkooda oo la dhaco, madaxa oo laga garaaco
iyo in la addoonsado, taasoo ay waliba u dheer tahay khasaare aakhiro
iyo mid adduunba.

Fiicnaan lahaydaa in
ganacsatada ka soo dajisa bari iyo galbeedba dawooyinka la isku caddeeyo
iyo duruucda khafiifka ah iyo sunta noocyada badanba inay inoo
waaridaan cilmiga iyo farsamada casriga ah intay waxaan gaajo kaa
biinayn oo dhaqankii iyo caadadiiba kharibaya soo dajinayaan, fiicnaan
lahaydaa inay ka qayb qaataan dib u habaynta iyo dhisidda dhakhtarro,
abuuridda hay'ado faa'iido umadda u leh, waddooyinka oo ay hagaajiyaan,
machadyo, dugsiyo iyo Jaamacdo ay dhisaan. Sidoo kale fiicnaan lahaydaa
inay ka qayb qaataan caawinta dadka baahan ee ay caadiga noqotay in lagu
dul socdo iska dhaaf in wax loo qabtee. Ilaahay sida khayrku umaddeenna
ugu joro ha inna garansiiyo umaddana ha ka badbaadiyo baadida iyo
jahawareerka ay ku jirto Aamiin.


kh-Dhambalmashadii Dayaxa
Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto DayaxWaxaa kale oo uu Eebbe korree oo nasahnaaye Quraanka Kariimka
ah ku yidh:-"Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame),
Dayaxiina wuu dhambalmay (dillaacay). Haddii ay gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan
waxayna dhahaan waa sixir daran
" Suuradda Al-Qamar Aayadda
1-2aad. Mucjisadaasi waxay dhacday waagii uu Nabigeennu naxariis iyo
nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu Maka joogay, iyagoo gaaladii reer
Makaad ay Nabiga nnEka ka codsadeen inuu mucjiso tuso, oo ay waliba ka
codsadeen inuu dayaxu laba dhambal noqdo, markii uu Rasuulku nnEka uu
Eebbe nasahnaa oo korreeye baryay ayuu dayixii kala dhambalmay, laba
qayboodna kala noqday, hase yeeshee sida Eebbe nasahnaaye innoo sheegay
waxay Nabigeennii nnEka ku yidhaahdeen waad na sixirtay. Inkastoo
haddaba ay 1400 oo sano ay dhacdadaas ka soo wareegty ayaa waxaa ay
hayadda Nasa oo ah wakaaladda Hawada sare ee Maraykanka xaqiijisay
kaddib sawiro uu soo qaaday dayax gacmeed ay wakaaladdaasi hawada u
dirtay oo la yidhaahdo Clementain in dayaxu uu bandhtanka ka kala go'ay
laba gobol oo isleegna u kala go'ay isla markaana uu dib iskugu soo
noqday, taasoo bay yidhaahdeen weli aanu meere kale ama walax cireed
kale oo sidaas oo kale u kala go'ay aanay la kulmin, waxayna sheegeen
inay arrintaas la yaabeen isla markaana aanay fasiraad u haynin.
Fasiraadi way jirtaaye Quraanka Kariimka ah dib ha ugu noqdaan.
salaamu calaykum
Back to top Go down
abdi hafid abdi salan1
Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
Madaxa Qeebta Maaqaalooyinka & Maahmaahyada
abdi hafid abdi salan1


Mawduucyadaada : 20
ka Qeeb Qaadashaadaada : 46
Mahadcelin : 0
Is Diiwaangalintaa : 14/02/2010
35
Shaqadaada : student at university

Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto Empty
PostSubject: Re: Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto   Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto EmptySat May 15, 2010 11:37 am

jazaakalaahu ukhtiii
Back to top Go down
 
Calaamadaha Qiyaaamaha lagu garto
Back to top 
Page 1 of 1
 Similar topics
-
» Rag maxaa lagu raacaa
» Anashid Sheekh usama Lagu faalinayo
» Barnaamijka Aflaamta lagu daawado Gom Player2.1.28.50
» Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.1aad).
» Duulaan maskaxeedka lagu hayo muslimiinta. (Q.2aad).

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
Shabkada Maadow :: Qeebta Wararka iyo Maqaalooyinka-
Jump to: